December 5, 2025
Cover

NACAB MAAHEE GIIJINTA KA DAA!

Shucaaca midnnimada iyagaa siraaday, milkiyaddeedana iyagaa le. Midnnimo lama xuseen haddeyan iyaga aheyn. cidi soomey sandulleyn, dantu inay midnnimo tahay bey garteen!

 

Gobolladii waqooyi (Somlaan) haddaaney la midoobeen koofurtii Talyaaniga ka madaxbannaanaatay, ciddina midnnimo mey hadal heyseen maanta. Waqooyi lix maalmood ka hor koofurta ayey Ingiriis ka xoroobeen (26kii Luulyo1960kii), iyadoo aaney koofurto odhan “na suga wannu midoobeynaaye” ayey koofurta sugeen, dabeetana midnnimadii Xamar keeneen gugii 1960kii gorgortan la’aan.

 

Jamhuuriyaddii Somaaliya ayaa sidaa loogu dabbaadegay isla gugaas. Tagtadu meel badan waxay ku xustaa in wafdigii soo qaaday midnnimada aan mudnaantii ay lahaayeen la siin, sida uu Cigaal qiray mar uu warbaahinta la hadlay (AHR). “Afartan maalmood cid dheg jalaq noo siisa waannu waayey ka hor intaaney caga-jiid koofurtu ku aqbalin midowga”.

KOOFUREY MIDNNIMADU KAA DHAB MAAHA!

Milicso tagtada iyo joogtada weeleeya hab-dhaqanka kuwa isu yaqaanna horweynta siyaasadda koofurta, bal warbaahinta xil kaska ahi u taqaan aaranka siyaasadda, midnnimo markey joogto waxa kuu muuqanaya inay jireen, jiraanna siyaasiyiin hoosta ka diiddan midnnimada, aaminsanna inay waayayaan ama gobolladoou waayayaan labada kursi ee qaranka ugu sarreeya mid ahaan, oo waqooyigu xaq u lahaanayo marka caddaalad wax loo qeybsado, midnnimada la maamuuso.

Federaalka maantu xukuumad kasta ee la dhiso, wasiirka kowaad iyo madaxweynaha waxa isu qoonddeeya koofurta, midnnima afka ahna dunidu ha maqasho. Waa marqaati cad oo koofurta ku furan, aqoosiga waqooyigana miisaan culus siinaya.

Federaalku, toddobaadyo ka hor, wuxuu dhisay, na aqoonsaday dowlad-goboleed lagu sheegay (North Eastern state) oo ka kooban qeybo laga soo jaray gobollada Bariga Somaliland. Miraha laga goostay go’aanka danaha dhow fulinaaya, waa midowga Somalilaan iyo Puntland oo durba go’ddoomiyey Laascaano, lana saadaali karin soo socotadu waxa ay u soo waddo bulshada waqooyi Bari nabadgelyadooda.

Sebtembartii na dhaaftay gugan 2025ta, federaalku waa ka ku xoojiyey go’aankii uu ku dhisay (DGWB) dalku galka (E-visa) loo yaqaan, iyadoo aan la tixgelin waaqaca midnnimo nalka ku daaraya.

Dad baa qaba in go’aankan ku tala galkiisu yahay in lagu dhibaateeyo bulshada Somaalilaan ee siyaasaddu kala qoqobtay. Haddeyan sidaa aheyn inta aan go’aankan la qaadan bey aheyd in wax leyska weydiiyo dadka waqooyiga ee midnnimada loogu yeeraayo sida uu u saameyn karo (E-visa).

Durba waxyeeladiisa waa ta laga daawado shaashadaha warbaahinta dunida iyadoo gegooyinka looga soo safro Somaalilaan ku cadilmaan shacab Somaaliyeed oo caruur iyo hooyooyin u badan. Haddaba, federaalku qorshe lagu saxayo arrinta ma ka leeyahay mise waxay la tahay in giijinta iyo waxyeellada bulshada halkaa degta midnnimo ku soo celineyso.

Haddaan la saxin, waa tusaale cad oo lagu sii fogeynaayo laguna wiiqaayo rajadii laga qabay in midnnimada lagu qanciyo waqooyiga. Weydiinta, warcelinta uga baahan federaalka horseeday dhacddooyinkan qar iska tuurka ah, waxay tahay: Yaa lagala xaajoon doonaa ee dambe midnnimada halheyska noqotay ee aan koofurta laabta ka jirin? Hubaal in madaxda federaalka ee hadda talisaa, dhiganaha sooyaalka bulshada Somaaliyeed u gelayaa yahay xukuumaddii ugu horreysay ee si badheedha luxudka ugu dirtay rajadii laga qabay midnnimo dib u soo noolaata.

Maqaalkan bilowgiisa waxan ku xusay in go’aamada aan loo meel deyin ee federaalka kula dhaqmaayo Somland inay soo dedejineyso aqoonsigooda caalamiga ah, ifafaalaha muuqdana u eg mid arrinkaa xaqiijinaya.

Haddii wax la daba-qabateyn karaa hareen, filiba maayo inayba hareene, federaalku waa inuu la yimaado qorshe (dal ku gal) oo si gaara u dhaqaaya bulshada Somalilaan iyo mid kaloo lagu wajahayo guud ahaan arrinta Somaaliland.

Sandulleyn iyo juujuub midna midnnimo laguma soo celin karo. “Meeshaad nin ka qaadday, ogow inaad mid kalaad uga tagtaye”. Jiil cusub ee hoggaamineed ma hurto koofurtu.

 

WQ: Nur Cilmi- Soo saaraha warsidaha Wrsana

Related posts

The West and the Hypocrisy of Democracy

warsan

Companies Struggle With Late Payments as Kenya Faces Cash Crisis

warsan

Haddey Kenya Baddeeda Difaacaneyso, Somaaliyana Teeda Ka Seexan Meyso

warsan