January 6, 2026
Sacuudiga maanta maaha kii shalay; hoggaankiisu waa mid dhiifoon, dhallinyaro ah, isla markaana dejiyay qaabayn cusub oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada ah, taas oo hadda cagta saartay dhabbihii lagu meel marin lahaa. Waa dal gartay halka ay danta qarankoodu ku jirto, kuna hareereeyay xayndaab adag. Dalkii aan hore looga baran fagaarayaasha dunida, maanta isaga ayaa martigeliya shirarka looga arrinsado xaaladaha cakiran ee caalamka. Gobolka Bariga Dhexe, dunida Islaamka, iyo caalamka intiisa kaleba, aad bay u adag tahay sidii ay u hirgeli lahayd talo aanuu Sacuudigu qayb ka ahayn.
Soomaaliya iyo Sacuudiga waxa ka dhexeeya xiriir qarniyo soo jireen ah oo ku suntan gacalnimo iyo walaaltinimo. Soomaalida dhibaatada joogtada ah ku dhex jirta, ma jirto xilli la diiwaangaliyay oo aanuu Sacuudigu hiil iyo hooba la garab taagnayn. Inkasta oo Soomaalidu tahay “bukaankii aan bogsan”, bukaanka dheeraadana mararka qaar gacalkiisa u dhabanna heys, haddana Soomaalidu dhankooda kama bakheylin codka iyo taageerada diblamaasiyadeed ee uu Sacuudigu uga baahdo fagaarayaasha caalamka.
Siyaasadda iyo horumarka xowliga ah ee ka socda ee Boqortooyada, waxaa xididdada u aasay hoggaamiye sooyaalka dalkaasi baal dahab ah kaga qormi doona, kaas oo ah Maxamed Bin Salmaan (MBS). MBS, inkasta oo uu yahay hoggaamiye da’ yar, haddana waa nin maankiisu ballaaran yahay, lehna dhammaan astaamaha hoggaamineed ee xilligan looga baahan yahay. Muddo gaaban gudaheed, wuxuu Boqortooyada keenay bartamaha fagaaraha lagu falanqeeyo siyaasadaha baaxaa-degaysa ee dunida maanta, isagoo door muuqda ka qaata xallinta mashaakilaadka taagan.
MBZ IYO WAKIILLADIISA

Bariga Dhexe, Badda Cas, iyo Geeska Afrika oo uu Sacuudigu saameyn weyn ku leeyahay, waxaa ka oogan dagaallo horseeday burbur iyo barakac, sida Sudaan, Somaaliya, iyo Yemen. Dagaalladan waxaa hurinaya, siina holcinaya dalal Sacuudiga daris la ah oo uu Imaaraadku hormuud u yahay. Shaki kuma jiro in Maxamed Bin Za’id (MBZ) uu udub-dhexaad u yahay dabka ka holcaya deegaannada aan xusnay, hayeeshee maanta wuxuu khatar toos ah ku hayaa danaha iyo nabadgelyada Sacuudiga.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Sacuudigu wuxuu u muuqday mid “seefta galka kala baxay”, isagoo dhabar-jab weyn ku sameeyay agabkii milatari ee lagu dhibayay shacabka Yemen, wuxuuna ku khasbay kooxaha uu Imaaraadku taageero inay gebi ahaanba banneeyaan goobaha muhiimka ah. Dhacdadani waxay si toos ah iyo si dadbanba u xoojinaysaa doonista Soomaalida ee ah inay arkaan MBZ oo faraha kala baxa arrimaha gudaha ee Somaaliya.
Sidaa darteed, dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa looga baahan yahay inay aad ugu dhowaato MBS, kana kaashato sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiladda Somaaliya ee soo jiitantay, maadaama uu maanta yahay cududda gobolka ee wax ka beddeli karta xaaladda taagan.
Warsan magazine
