-1.5 C
New York
December 17, 2025
Cover

Qalbi aamusan, cid wareysatana waayey!

 

December 26, 2022

By Xaaji Faysal

 

Badanaa inta u baahan in la wareysto, la su’aalo. Badanaa inta wejiyo iftiin badan dhabanka foolkooda laga dhaashado se quluubtoodu kharaab la yihiin xiiso ku kaliyoobey. Badanaa inta qosolkoodu dad dhibo maalinkii se habeen dhamaantii barkintoodu la qoyan tahay oohintey miciinbideen.

Badanaa inta u baahan sheeko, wehel, daryeel, diirnax, iyo weliba daneyn badan se quus ka gaadhey aaminaad bulsheed.
Badanaa inta u baahan in la wareysto, la su’aalo, dareemahooda lasoo guro se cidiba aysan dhibtu korkooda ka muuqanin.
Badanaa inta ku dhex dagaalamayaan qalbi dheymo u baahan iyo maskax rabta iney iska indho-tirto wixii helay.
Badanaa inta nolosha hammi ka yeeshay yididiilo iyo yool fogna sameystay se waayuhu dabreen oo waayry garab-jooge buuxa.
Badanaa inta muxibadu samada geysay hawada sare kasoo cabey se dambi la’aan dhulka loogu tuurey kabniina weli aan helin.
Badanaa inta dulmi loo geystay heli waayey garyaqaan u dooda.

Related posts

Somalis in Nelson Mandela Bay under siege

warsan

Will Non-Muslims Be Able to Visit Mecca and Medina Soon?

warsan

Cash Based Interventions: A trap to prolong on donor dependency, increase poverty

warsan