The Warsan
PoliticsRegionalSocialUncategorized

QOOLKA SABOOLNNIMADA

 

Marka wax soo saarkaagu aad u hooseeyo waxa uu kugu hoggaamiyaa dakhli aad u hooseeya. Dakhliga dhabta ah ee hooseeya macnihiisu waa tashiil hoose. Heerka tashiilka hooseeyaana waxa uu kugu hoggaaminayaa maalgashi hoose. Haddaan si kale u qoro, Soomaalilaand dhulka wax soo saarka beer-qodashada ku fiicani waa 10%. Laakiin wakhtigan aynnu ku jirno 3% qudha ayaa la beertaa oo aan waliba sifiican looga faa’iidaysan.

Halka 7% uu dhul beereedku wali dihin yahay oo aan far la saarin. Dhinaca waxsoosaarka Kalluunkana marka aad eegto kaba sii daran, oo halka ay ahayd sannadkii in aynnu soo saarno 40,000 oo tan, waxa aynu soo saarnaa in ka yar 13,000 oo tan, taas macneheedu waxa weeyaan in marka 4 meelood loo qaybiyo in aynnu soo saarno hal meel intii la rabay.

Waaxda kalluunku dakhliga qaranka ee guud waxa ay ku dartaa wax ka yar 2%, balse haddii sida ugu habboon looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka kalluunka sannadkii waxa ay ku dari lahayd 100 Malyuun oo Doollar.

Biyaha dooxyada, macdanaha, shiidaalka iyo kheyraadka kale, waxsoosaarkoodu aad ayuu u hooseeyaa oo 1% ka mid ah lama isticmaalin, lagamana faa’iidaysan. Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay si qoolka saboolnnimada la is kaga furo maxaa hor taagan in si hufan oo wanaagsan looga dheefo kheyraadka dalkeenna? Weyddiintan jawaabteeda waxa aynnu ugu tagi doonnaa qaybaha dambe ee qormadeennan iyo

labada gabay ee Gudgude iyo Tiigaal tuducyo ka mid ah oo halkan aynnu ku soo qaadan doonno. Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa’iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.

Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo.

Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo.

Wax aqoon ah haddii aan lagala hadhin sooyaalka dhacdooyinka ama taariikhda waxa maalin kasta dhacaya, ha noqdeen kuwo siyaasadeed, dhaqaale, deegaan iyo bulsho, way adag tahay in la gaadho guul, badhaadhe, barwaaqo, hodantinnimo iyo horumar inta ba.

Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka wax soo saar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.

 

Dadku waa gundhigga iyo qaybta ugu muhiimsan ee horumarka, laakiin noloshooda iyo deegaanka ay ku nool yihiinba waxa ay u baahan yihiin horumar. Ummadaha ku guul darraysta in ay aqoonsadaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo kheyraadka way ku guul darraystaan in ay fahmaan qaabka dhismaha iyo hannaanka geeddi socodka himilooyinka horumarka dhaqaale.

Si looga gudbo la iskagana furo qoolka saboolnnimada ama faqriga, waxa loo baahan yahay dedaallo badan oo ka yimaadda dadweynaha iyo dawladda, kuwaas oo ku waajahan sidii maalgalin ballaadhan loogu samayn lahaaa waxbarashada, caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha.

 

diini129@gmail.com

Related posts

Israel report: ‘Hamas will win legislative elections

warsan

Saudi Arabia says it seeks removal of Sudan from US terror list

warsan

Over 6 Million on Verge of Famine in Sudan: UN

warsan