The Warsan
AnalysisPopular

Gobtii la Gumeeyey!!

Konton iyo siddeed sano ayey da’daydu caawa garaacday laakiin waxba iiga dan ma’aha oo afar maalmood dhalashadaydii ka dibba waa nigii dib u saqiiray. Ubadka dhallaannimo ku dhinta Soomaalidu dundumooyinka ayey ku aasi jirtay ba e, aniga waa tii haadda la iiga tagay. Waa tii coomaadayaal cir weyn iyo gorgor garba weyni hadhcad ka gigtay hilbahaygii bari iyo bogoxba bacadyaalka u noqday daranyada iyo dugaaggaba.

Horta maxaa i watay? Hagaagba uga maan fekerin hadda ka hor. Maya maya. Wey ii caddayd waxa aan doonayey. Shanta oo israacdaan raadinayey. Midow quwad leh in la qaabeeyo ayaan quuddaraynayey.

Soomaliyoo meel ka soo wada jeedsata oo samaata ayaan saadaalinayey. Laakiin anigii roonaa ayey i rogatay. Wax badso wax beel bay dhashaa ayey igu noqotay. Dalluun dheer waatii aan ka dhacay. God madow oo abeeso iyo halaq isku weheshadaan oo dusha laga goglay waatii aan ku dhacay.

Qayladaydu waatii laba gabi dhexdood goor baas ka yeedhay. Meel aan ka soo noqdo waatii aan waayey. Wadkiiyoo warmihiisii sita waannagii hagaag isku waajahnay. Waatii uu middi saawira igu kirkiray. Waatii uu silic iyo saymo baas naftii igaga saaray. Ha dhib badnaato ama dhayal ha u dhacdo e, dhimashadu waa mid qudhahe, waatii indhahayga oo shana dhimasho aan guddoontay. Wanweyn iyada oo la gawraca mooyee indhihiisu cirka ma qabtaane, hadhcad waatii aan indhaha xagga kale ka rogay ee aan daawaday xiddigaha cirka oo cawaddaranta fiidkii cirka ku soo carraabaya.

Soddon   iyo kow sano oo aan   mootanaa axankaygii iyo fiddahaygiina   meel walba lagu feeddagay ka dib, waatii aan dib u soo dhashay.

 

Nafta oo xididdada igaga sii jirtay berigii aan dhintay iyo in dib naf kale la iigu soo afuufay ta ay noqotaba, waatii mar kale aan soo baraarugay. Qofka caqliga leh laba jeer god qudha laguma wada qaniino e, waatii aan ka irdhoobay waddadii aan waagii hore qaaday iyo wax kasta oo u sabab noqon kara in wadku igu soo degdego. Wax walba waatii aan kow ka soo bilaabay. Madaxbannaanidii aan kowda iyo soddonka sano ka hor godka madow ku riday waatii aan dib u baadi goobay ee boodhka ka jafay.

Jid wada qodxaha ah waatii aan sii dhex jibaaxay. Waatii gocondhada iyo carabanahdu i leeftay ee aan cagaha ka socon kari waayey. Waatii fallaadho maddiiddaysan oo afka waabay daran ku leh oo meel walba iga lusha aan ku waabariistay.

Fallaadhi gilgilasho kaagama go’da e, waatii fallaadh weliba hilib weyn meel igala ruqday. Mid muruq la baxda, mid seed qaadata, mid halbowle wareenta oo uu dhiiggu i habo, iyo mid hibaaqyada kala saafta waatii ay noqdeen. Intii aan hore u socon lahaa waatii aan ku mashquulay nabarro mililaya dhayiddooda iyo boogo hanbaabuqaya baanashadooda. Marraba umay muuqan wax aan ka soo doogi karayo iyo meel aan madaxa kala soo bixi karayo.

Marraba tafeennadayda iyo tagoogahaygu umay muuqan in ay yeelan karaan tamar ay kaga soo kifaaxaan xayndaabkii geerida ee ku wareegsanaa. Laakiin waatii aan awooddayda qorsoon muujiyey ee aan mucjisooyinka soo bandhigay.

Waatii aan gofanihii iyo gabaarraydii dhiigga iga jaqaysay dhibta aan u qooshay ee aan meel daran ku hubsaday. Dhuuggii iyo huryadii i ganaysay waatii aan iska kiciyey. Waatii aan tallaabo tallaabo u soo dhiigaystay. Waatii dharaaro ka dib aan dhogor gooyey ee aan dhismay.

Waatii aan cududahayga iyo cagahayga oo aan weli adkaan aan damcayn in aan isku taago. Waataan istaagayeen dhaqaaqay. Waataan kufayeen kacay. Waataan turaanturroodayeen toosay.Markii aan arkay in cagahaygu xejin karaan culayska jidhkayga, waxa aan bilaabay in aan ka shaqaysiiyo waaxaha jidhkayga intii fadhiidka ahayd. Gudahayga ayaan ka bilaabay. Xubnahaygii colloobay baan heshiisiiyey.

 

Nabad waarta iyo walaalnimo ayaan ka dhex beeray. Xurguftii dhex taallay ayaan ka turxaan bixiyey. Utumihii caabuqa lahaa ayaan ka dhayey. Hore ayaan uga sii socday. Habkii iyo hannaankii haykal dowladeed ayaan bilaabay. Oday dhaqmeed sansaankii baarlamaan bilow ah leh ayaan ku belaabay. Doorasho madaxweyne oo aan laga dayrin ayey qabteen durbadiiba. Dadka intii hubaysnayd ayaan dumbuqyadii ka dhigay, qaarkoodna ciidan qaran

Related posts

Trillions for war versus Billions to save the planet

warsan

Trump Now Starting to Starve 84 million Iranians Into Submission

warsan

Saudi Arabia’s human rights record casts a long shadow on this year’s G20

warsan