The Warsan
CoverEditorial

Maaha maalintii goolasha dagaalka siyaasadda, maaha maalintii shisheeyuhu ii garsoori lahaa

Faallada Warsan magazine

17 Agoosto, 2020

Ninna macaashi maayo haddaan xassilooni siyaasadeed weynno oo halkii aan ka soo qaadnnay ku celinno. Dal iyo dad wax kasta u nugul baannu nahay, ma xamili karro qalalaaso siyaasadeed ee horle.  Taariikhdu, baal cusub waxay u diiwaanineysaa madaxda maanta heer dowladd-goboleed iyo federaalba. Maaha maalitii goolasha siyaasadeed la kala dhashan lahaa. Maaha maalintii la ficiltami lahaa, maaha maalintii weeraha burburka leysu -marin lahaa warbaahinta. Maaha maalintii shisheeyaha talo laga doonan lahaa oo la hubo in danahoodu wax walba uga horreeyaan. Maaha maalintii fcil-tanka iyo laab -taabashada.

Arrinka doorashada ee muranku ka oogmay maaha wax la xalli waayo, dunida lama keenin mushkilad basharku xallili waayey, tanina kama duwana. Waxase xalli kara dad og waxa ka dhaxeeya iyo xaaladda uu la waa bariisto. Dad garan kara waxa ka dhaxeeya haddaan loo tanaasulin in god madow salka loo fariisanayo. In la aqoonsado khadka cassaanka ahi inuu yahay dalka oo jiritaankeenna asal u ah. Waayo cidda dooneysa inay isi-suuliso, waayo cidda dooneysa in halka Alla dunidan uga beeray wareejiso, qaxootina ka ahaato. Doqon iyo waxma garad umbey taa ka suurowdaa.

Waxa la moodaa in hoggaamiyeyaasheenno maareen la’a yihiin siyaasadda dalka sidii wadda xassilloon lagu ridi laha, sababta ugu weynina tahay iyagoo waxba isu hambeyneyn, colaad cid dhex dhegtay aan laga garaneyn warmaha isugu soofeysta. “Aney taladu iga go’daa” ayuu mid waliba meel isla taagay. Ummadda ay u taliyaanna awood ay isaga qabato ma heyso oo mid walba tiisaa meel dhigatay, 30 sanno mushkilado isu dul fuulay ayaa meeel cidla ah dhigay, cid uga gargaartana ma muuqto. Murugo iyo ciil la nool.

Haba jilicsanaadaane, dalka waxa u dhisan hey’adihii sharciga (laba gole shacab) oo midba masuuliyad leeyahay, haddana iskaaba, iyaga dhexdooda in xalka loo kaashado weeye, laguna xurmeeyo inay waajibkaa gutaan, iyana u gutaan sida ay u fuleyso danta dalku, kana fogaadaan xaalado u adeegaya danta shaqsiga. Doodaha mashquulka naga dhigay ayaa ah: Habkee ku haboon waqtigan in doorashada lagu galo? Laba wado kaliya ayaana furan:

A) Mid odoy-dhaqameedku hoggaamiyo

B) Mid qof iyo coda

Habkee ku haboon in lagu galo doorashada iyadoo la xeerinayo duruufaha ku xeeran? Waa su’aasha muranku ka oogan yahay. Madaxweynahaa ku doodaya, aan ka gudubnno habkii hore ee aan doorashada ku gallo qof iyo cod shuruucdiisii inta badan la meel mariyey. Siyaasiyiyiinta kale ee dowlad-goboleedyada qaarkood horseedka u yihiin ayaa aaminsan in lagu dhaqmo ka odoy-dhaqameedka, iyagoo u sababeeynaya inaan ka kore si dhameystiran loo diyaarin.

Dhuusamareeb laba, oo qorshuhu ahaa in lagu soo gunaaanado shirkii hore, go’aamo looga qaato habka doorashada loo marayo. Waxa goobta jooga gudidii loo xilsaaray inay soo bandhigaan habka ku haboon doorashada, lamana oga go’aankooda weli, qaar ka mida dowlad-goboleedyada iyo madaxweynaha federaalka. Guddoomiyaha golaha maamulka Puntland ayaa dalbay in la fuliyo shuruuddo horle, oo ta ugu mucjisada badan tahay: Talada wax ha laga siiyo shisheeya (Deeq-bixiyeyaasha), marqaatina ka ahaadaan shirka. maaha war laga filayey Punti oo sheegata inay horseed ka tahay Somaali oo dib taladeeda u hanata. Shirka waxa hadda aan joogin Deni iyo Axmed Islaam.

Majalladani, waxay ku talineysa in laba hab leys-dhexgeliyo lagana soo saaro hab-doorasho oo dejiya xumadda heer kulkeedu sarreeyo ee siyaasadda, danta dalka iyo dadkana u adeegaya. Dagaal aan ninna ku guuleysaneyn in loo hub aruursado waxma-garadka oo kaliya ayey ka suurowdaa. Dalka inaad xunkunto dooneyso siyaasiyow qarka ha tuurin oo waxad maamusho ha waayin, haddaanadba u turin cid kale.

Related posts

Balhaf: Oil Port Where UAE Loots Yemen, Imprisons, Tortures Yemenis

warsan

The federal government bans opposition protests in Mogadishu

warsan

Capabilities of Indian Armed Forces Exposed

warsan