Caado, waxa ah in dalabkaa-ga la kulan madaxweyne, oo wareysi sal u yahay, la kulmo karo caqabado
silsilado ah, oo ay adagtay in la dhaafo, badanaa, jawaabtu waxay noqotaa DIIDMO. Howsha baaxadda le, ee taal xafiis madaxweyne, waa hubaal in garowshiyo la siiyo ay
TIFATIRAHA mudan yihiin maamulayaasha iyo hab-maamuusyada agaassimaya xafiiskaas mashquulka badan. Saas oy tahay, haddana in
fursad la siiyo “The fourth estate” (warbaahinta), waxay sahleysa in xafiisku macluumaad dheeri ah, oo muhiim u ah qorshaha dhinaca nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo dhaqaaleba ka helo warbaahinta. Majallada Warsan, waxay qaadday wareysiyo tiro badan, oo mutamaca heerarkiisa kala duwan dadka ka tirsan ah, madaxweynayaalna ku jiraan. Mid aan helitaankiisu dhowr bilood qaadan dhif buu ahaa iyo diidmo la gala kulmay.
Waxan marqaaati ka nahay, in warbaahinta maanta jirta badankeed, gaar ahaan ta Somaalida ay mas’uuliyaddii iyo akhlaaqiyaadkii warbaahineed ku yar yihiin, xarkaha inay goostayna la moodo. Haseyeeshee, waxa la heli karayaa, qaar weli ku jooga sharciga warbaahinta, oo iska dhowray in waxyeello iyo burburin loo adeegsado. In laga fogeeyo, madaxda ama iyaguba (madaxweynayaasha) fursad siin waayaan colka warbaahinta, waxay meesha ka saareysa waajibaadkii iyo howshii warbaahinta u heysay mujtamaca. Mararka qaar, waxa lala kulmaa, in hoggaamiyeyaasha qaarkood, warbaahinta maxalliga ah ka door-bidaan kuwa ajnabiga ah, una sahlaan la kulankooda, meesha kuwa maxalliga ah ku adkeeyaan.
Sababta, waxa lagu sheegaa, inay Afka qalaad ka door-bidaan ka hooyo, maadaama ka maxaliga ahi su’aalaha ku weydiinayo Afka hooyo, Somaalina yahay. Milkalayaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxay mar marka qaar ku khasabtaa, xaaladahan oo isi- soo taraya awgeed, inay soo kireeyaan qorayaal ama wariyeyaal ajaanib ah. Ninkii shalay adiga ku diiday, ayaa sahal iyaga u qaabila. Waa dhaqan aan fiicneyn, oo inay madaxdu ku baraarugaan loo baahan yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, oo hubaal doorka uu ku yeeshay dhowridda iyo horumarinta Af-Somaaliga ballaaran yahay, ayaa haddana safka hore ka galay soo dhoweynta iyo tixgelinta warbaahinta Af-Somaliga wax ku tebiya, isagoo siiya fursadaha ugu horreeya marka ay xafiiskiisa soo qaabi-laan. Joogto, waxan u aragnaa isagoo wareysiyo siinaya idaacadaha leyska arko iyo ku dhegeysiga ee Somaalidu leedahay ama u shaqeyso. Ammaan iyo qaddarinna, waa uu ku dhex yeeshay.
Madaxweyne Geelle, waa kii uruuriyey, una sameeyey ururka caan-baxay ee loo yaqaan qallinleyda Somaaliyeed
(Somali Pen) , xubnana ay ka yihiin hal abuurka Somaali-yeed meel kasta, oo uu dunida ka joogo. Ma jiro hal-abuure, codeeye, qoraa ama wariye Somaaliyeed, caalamka halkuu doono ha ka joogee, oo aan Jabuuti booqan, Madaxweyne Geellana aan la kulmin. Lama sheegin meel kale oo ay ka dhacdo.
Majallada Warsan, oo qeyb mugle ka qaadata, horu-marinta iyo nooleynta Afka hooyo iyo guud ahaan ka mid ahaansha xalka mushkiladda Somaalida, waxey bidhaansa-ta kolba cidda ehelka u ah Afka Somaaliga iyo guud ahaan mushkiladda mujtamaca Somaaliyeed la gudboon waqti-gan, si ay u dhiirrigeliso, xalkana ula doonto.
Sidoo kale, waxay muhimad gaara siisa in da’yarta Somaaliyeed ee aan heysan meel ay ka bartaan Afka hooyo, majalladda ugu diyaarisa casharro lagu baranaayo Afka hooyo, maadaama uusan waqtigan jirin dugsiyo Afka hooyo lagu barto, halkeediina lagu beddelay Af-qalaad, sidii iyadoo ummaddu aaney laheyn Af qoran.
Madaxweyne Geelle, waa shakhsi aad u jecel Af-Somaal-iga, juhdi badanna geliyey, haddana saameyn ballaaran ku yeeshay qadiyadda Somaalida iyo ta mandiqada. Sidaa awgeed, Majallada khasab bey ku aheyd inay gaadho mujtamaca Jabuuti guud ahaan, gaar ahaanna madaxw-eyne Geelle, waxna ka qodho, bulshada Somaaliyeedna gaarsiiso sida dhabta ee walaalaha Jabuuti garabka ugu yihiin xalka mushkiladda Somaaliyeed, gaar ahaan madax-weyne Geelle.
Majalladdu, markii ay bilowday xiriirradii ay ku gaari laheyd madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti, waxay naawileysay inay kolba iska qaadan doonto bilo, bal xaalku sidaa waa uu duwanaaday, waqti aad u gaabanna majallada waxa ku soo gaaray oggolaanshihii wareysiga madaxweynaha. Madaxweynuhu, si sharaf iyo karaamadi ku jirto ayuu u qaabilay.
Mudane madaxweyne, bogga faallada ee ah ka siyaas-sada majallada Warsan haga, inaan kuugu mahadcelinno, waa waxa kaliya ee aan karnnay, waxanse kuu heynaa abaal aan quluubta-yada ka go’in, oo abid noogu kaa keysanaada.
Waxan kaaga mahadcelineynaa mudane, qiimeyn-tii iyo weyneyntii milgaha laheyd ee aad na siisay iyo sidoo kale, hiillada iyo garab-is-taagga aad la dul-joogto ummadda Somaaliyeed, ee aan weligeed hoos u dhicin, dhan walbana le. Waajib, waxa nagu ah inaan doorkeenna qaadanno, kuguna garab-joogsanno dadaalka aan joogsan, ee ummadda Somaaliyeed aad u bixiso.
Majalladu, waxay sidoo kale, u mahadcelineysa xoghaya-ha guud ee madaxtooyada Qaranka Jabuuti, mudane Maxamed Cabdillahi Waceys, Agaassimka hab-maamuuska iyo howl-wadayaashii kale ee aadka noola shaqeeyey.