The Warsan
EditorialPopular

Kansarka Qanjidhka

 

 

 

Qanjidh-ka Manida ama Shahwadu ( ‘prostate’) . waxa uu ku hareeraysan yahay tuunbada (la yirdhaahdo ‘ure-thra’) ee kaadi-haysta raga hadaba waxaynu mawduu-can ku tilmaami doona cancerka ku dhaca qanjidhka prostate ka.

Waa maxay Kansarka qanjidhku:

Kansarka qanjidhka ‘(prostate’), waa kansarka ugu badan ee ragga da’ ahaan weyn ayuu badanaa ku dha-caa. Qanjidhka prostateka marka uu haleelo xanuunka kancerku wuu bararaa kadibna wuxu sababaa mush-kilado saameeya kaadida iyo shahwada ragga.

Taas awgeed, dhibaatooyinka qanjidhka ‘prostate’ ku saameeya, waxay mararka qaar saamayn karaan kaa-didada, waxaana suurogal ah inuu beddelo dareenka harmmoonka ee ninka ragga ah.

Kansarku wuxu kasoo bilaabmaa dhinaca hoose ee qa-njidhka prostateka unugyada sababa kansarka ayaa tiro ahaan kordhaya kuwaasoo ugu dambayntii noqda ‘tu-mor’ (hilib kasoo baxayaa prostateka).

Waxyaabaha sababi kara inuu dhaco kansarka noocan ah: Hilibkaasi wuxu gaadhaa oo saameyn ku yeeshaa ( rectum) saxaro haysta, iyo qanjidhada kale ee ku yaala macdanta. Kansarku hadii uu marxalad khatara maraayo waxa suura gala inuu u gudbo lafaha jidhka oo noqdo metastasis .(mid ku fafa jidhka intiisa kale).Da’da qofka waa qodob muhiim u ah dhicitaanka xanuunkan Kansarka ee ku dhaca qanjidhka shahwada. Kansarkani, waxa caadiyan uu ku dhacaa Ragga Da’doodu ka weyn tahay 50 sano, gaar ahaan da’da 70 ilaa 74 jir . Waqtiyadan dambe, waxa la ogaaday in Ragga Somalida ee Qaad-ka Cuna uu faro-baas ku hayo Kansarka Qan-jidh-ka Manida ama Shahwada. (Prostate gland) laakiin ragga qaadka cuna ee baadhitaanka ka lagu sameey-ey, siiba Somalida, waxa uu ku bilaabmaa Kansarkani markay da’doodu tahay 45 sano.

Waxa xanuunkani halis ugu jira ragga ay qoysaskoodu taariikh ahaan hiddo (genetic) u leeyihiin Kansarka ku dhaca qanjidhka shahwada ee raga iyo kuwa loo yaqaan African American ama raga madaw ee maraykanka iyo kuwa madow ee Caribbean ah. Kansarkani waa mid ku badan waddamada reer galbeedka gaar ahaan woqooy-iga America, Australia iyo Caribbeanka kaasi oo sababo Hidde-sidaha loo yaqaan (BRACA1 & BRACA2), oo si-doo kale sababa kansarka ku dhaca nasaha iyo ugxaan sidaha dumarka.(ovary).

Burnaanta iyo sigar cabidda waxay kordhiyaan khatarta lagu qaadi karo Kansarka prostateka. Waxa iyana kha-tarta kansarka kordhiya jaridda tubada qanjidhka pros-tateka. Daraasado dambe oo soo baxay waxay shee-gayaan inay nafaqada iyo macdanta badani ay sidoo kale kordhiyaan khatarta kansarka prostateka.

Caalamadaha:

Kansarkan ku dhaca qanjidhka prostastku, marka hore lama dareemo calaamadihiisa oo waa mid bilaa astaan ah, waxana suuro gala in aanuu keenin calaamado la garan karo ama aanuu soo afjarin nolosha qofka inta hore. Kansarku marku uu meel khatara soo gaadho caalmadaha lagu garto waxa kamida :-

 

  1. Mushkilado uu qofku kala kulmayo kaadida iyo kaadida oo sidii hore ka badata ,
  1. Xanuun badan oo qofku dareemayo marku kaadshayo, khaasatan habeenkii.
  2. Kaadida oo aan la kaantarooli karin ama ku dhegtaba

 

  1. Kalyaha oo fadhiista ama shaqada joojiya

 

  1. Misaanka oo hoos u dhaca

 

  1. Dhiig soo raaca kaadida ama manida

 

  1. Xanuun saameynaya bogga, dhabarka iyo miskaha

 

  1. Barar uu keeno qanjidhkan ‘prostate-ka marka uu mKansarku ku haleelo waxa uu dhibaato u geystaa rectum (saxaro hayaha)
    1. dhiig yaraan

     

    • lafo jajab

    Ka Hortaga Kanserka Qanjidhka Manida La-xidhiidh Dhakhtarkaaga oo samee Baadhitaan sanad-kiiba hal mar.Baadhitaanka dhiigga ee PSA (Pros-tate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badan yahay ragga qaba kansarka qanjidhka. Ragga Cadaanka ah waxa la baadhayaa wixii 50 sano ka weyn. Ragga Madowga ee ka soo jeeda Afrika, waxa la baadhayaa wixii 40 sano ka weyn. Ragga Qaadka cuna, waxa la baadhayaa wixii 35 sano ka weyn.

    Haddaba farriinta caafimaad ee mawduucani gudbinayaa, waxay tahay haddii aad isku aragto tilmaamaha ama as-tamaha xanuun kani leeyahay ee sare ku xusan, fadlan la xidhiidh dhakhaatiirta caafimaadka

     

    Dr’s Fatima Moxamed Ismaa’il (Keyse) Jordan

Related posts

Pledges to Somalia should be delivered

warsan

Gobtii la Gumeeyey!!

nur

Iyada oo arkaysa!

nur