Tusaale ahaan, Cilmiga Science muddo 1,000 sano ah ayuu diimaha loolan adag kula jiray. Aakhirkii cilmiga science bannaanka ayuu u soo baxay oo waxa uu iska caabiyey diimihii cadaadiska ku hayey, gaar ahaan diinta Kiristanka. Sababta oo ah, faa’idadiisa ayaa la gartay iyo in uu nolosha wax weyn ku soo kordhinayo. Cilmiga maadiga ah (science) waxa u hiiliyey ma aha wax kale; waa wakhtiga -wakhtiga ayaa runta u gargaara beentana suuliya.
Maanta wakhtigu waxa uu dhaxalsiiyey cilmigii maadiga ahaa halka uu joogo oo ah in wax walba isaga loo daba fadhiisto. Diin iyo diin la’aan cilmiga science-ka ayaa ah waxa nolosha guud ee aadanaha qaabeeya wakhtigan la joogo. Calalla marka la helo wax kale oo loolan la gala.
Taa waxa aan u ga socdaa ra’yiga kala duwan ee aadanuhu waa ka keenay wax wal oo cusub. Ha ka biqin waxa cusub, si kasta oo aad u kufto oo aad u la qabsan waydo wax noloshaada ku cusub, haddana waad ka kici kartaa. Isku day in aad aaraah abuurto, haddii aad abuuri kari waydo kuwa jira naqdi oo falanqee. Wax iska wayddii nolosha. Isku day in aad taqaanno xasuusnaatana shalay, ugu dambeyn wadciga maanta si weyn ugu fiirso si aad berrito u saadaaliso.