The Warsan
Cover

  WAABI!

 

Waxa diyaariyey: Maxamuud S. liibaan

Abriile 15, 2023

 

Xiriirka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Somaaliya intii aan jaamacadda Carabta gallayba, waxan aheyn bahwadaag aan wax badan isku qabin, magac maahee. Xaqiiqadeedu waxay aad isu soo muujisay markii dalku isbuurtay oo shacabkiisu ableyda iska asalay. Cid ayagaa oo gurmad la taaban karo fidisay diiwaankeenna kuma jiro. Mid dhowr sanduuq oo timira mar noo keenay goorba jiri karee.

Sokeeya dirirkii soo bilowday 90kii – Agoosto 19, 2021kii, socdaalkii Ordogaan ee Xamar ayaa la arkay Carab le “innana wey na kan”. Carabi taa awgeed (ugu horreysii UAE’e) naguma odhan karaan “walaalo diimeed iyo kuwa bahwadaag baannu nahay” Somaaliga sidaa u arki waaya, waxad ku tilmaami laheyd sawiro.

Intiinnii la socday, dagaalkii Qadar iyo cigaaleyda kale, waxad ogeydeen in Qadar iyadoo bil soon lagu jiro loo diidayey in cunnadu u gudubto, welibana laga inkaarayey masaajidadooda. Iigu filan tibla qaadasho aan ku moora ooto haddaan Somaali ahay.

Iyadoo waaqaca Carab iyo innagu sidaa yahay, waxtar daayo faragelin siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ayey intaa noo maleegayeen, oo waa tii ay xukuumadaheenna ku dirqinayeen inaan ka fiirsasho la’aan xiriirka u jareynnay cid ay siyaasad ahaan is hayaan. Qarsoodi u gacan siinta diidayaalka siyaasadda ee hubeysan.

 

            Loollanka cidda Somaaliya guursaneysa

 

Imaanshii Ordogaan, waxa ka dhashay baratan cidda siyaasaddda, dhaqaalaha, bulshada iyo amniba Somaaliya meerineysa. Gaashaan-buur Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ka kooban, oo ka dhana Turkiga ayaa sameysmay, oo looga gol leeyahay sidii arrimaha Somaalida dibadda looga dhigi lahaa Turkiga, xoogeystayna bartamahii 2014kii illa maanta oo uu kolba la jaan-qaadayo isbedelka kolba siyaasadda Somaalidu sameyneysay iyo hoggaamada dhismayey.

Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh ee ku ekeyd bilowgii Feberaayo 22, 2017kii, Imaaraadka iyo Qadar ayaa aad uga soo muuqday loollanka iyo cidda cadka gobeed ka qaadaneysa raqda meesha taal ee maandeeq aan u naqaanno iyo sida Turkiga loo maareynaayo.

Caleemasaarkii Farmajo,, madaxweynaha hadda Xasan Sheekh (B), Shariif, Sheekh Axmed, feberaayo 22, 2017kii

Illaa dowlladdii Farmaajona Qadar bannanka ayey ka aheyd saaxada. Hayeeshee, mey quusan oo waxay sugayeen inta waqtigu u soo meerayo, dabcan xaggooda ayuu hadda maray oo iyagaa hadda noo ah (The good guys). Duulku aad bey noola ganacsadaan oo dalka waxa soo gala iyagaa laga keenaa ama la soo mariyaa, Waxa la diiwaaniyey 16kii sano ee tegay inay nooga timid badeeco gaareysa $1.53 bilyan, halka innaguna u dirnnay badeeco gaadhay  $94.97 milyan.

Waxan nahay dad illa xad isku milan, hanti badanina xaggooda naga taallo, laakin dad badan ayaa qaba inay noo arkaan qoom ay maamuli karaan, lana marin karo wax kastoo la doono. Saas oy tahay haddana noomey arag weligood in xaggeenna wax badani ka soo mari karaan ama in aan mar khatar ku ahaan karno dhaqaalahooda cirka maray ee badanaa ku xiran ganasiga iyo kala gudbinta badeecadaha dunida, illaa mar dhow.

                           Goormaa nala caashaqay?

Imaashahii Ordogaan ee Xamar iyo isku fidintiisii dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulsho ee Somaaliya Carabi soomey dhoweyn, bal waxaabey bilowday tartan cadaawadeysan iyo sidii Turkiga looga saari lahaa Geeska. Calaamado muujinaaya in olalahaas lagu guuleystay ma muuqadaan, weyna suuroobi laheyd haddeyan aheyn dadka Somaaliyeed oo diiday inay ka abaal-gadaan Turkiga.

Dagaalkaas Turki nacebka ah oo aan weli qaboobin, hoggaanka waxa u haya Imaaraadka oo iyagu si gaara uga walaacsan dagaal dhaqaale oo Somaalida uga imaan kara, kuna saabsan dekadaha Somaalida oo casriyooba, kadib markii Turkigu gaanta ku dhigay dekadda iyo duulaay-degga Xamar oo horseedi kara in dunidu maalgashato dekadaha Somaaliyeed, Turkiguna horseed ka noqdo.

Ganasiga dunida ee u wareegay Asiyada bari, dekadaha Imaaraadka ee hadda aadka u camiran, waxay waayayaan ganacsato badan oo hadda isticmaala dekadahooda marka ay helaan dekado uga dhow, dhinaca adeegana la siman ama ka sarreeya. “Somaliya waxa ka soo socda maaha wax innaga farxiyaaya, mana eeganeynno” waxa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka.

Go’aanku maxuu noqday?

Ma hubo in na la mari karo wixii la doono, bal xaaladda dalku galay iyo surbacaadyada biiray ee bulshadeennu dugsato, suurowdee in la ina ka helo kuwa dibnaha wax ka maqla ama duflaalyo aan waxba xeerin, xad kastana gudba. Dalku waa ka qeybsan, xukunkiisuna baahay, awoodda dhexe si ay u xakameysna kansho badan uma heysato. Xilalka qaranka “yaa ka bixi kara” haddaan leysugu dhiibeynna xaalku waa nin walaalkii doqon yahay ciil kama baxo. In na la ka dhex kalluumeyso fududaan kartee.

Imaaraadku, waxay isku duween qorshooyin tartiib tartiib u fula oo looga hortago in Somaaliya hesho fursado dalka lagu hormarin karo, gaar ahaan dekadaheeda. Udub dhaxaad, waxa looga dhigay qorshaha in dalku uusan nabad uu horumar ku haweysto helin, inta la kari karana lagu hayo halka uu joogo iyo meel ka hooseysa. Laba qorshe oo is-barbar socda ayaa la howlgelyey:

  1. Carqaladeynta amniga oo loo xilsaaray siyaasiyiinta iyo diplomaasiyiinta.
  2. Sharikadaha Ganacsiga oo DP World ugu horreyso, oo iyana fulineysa waxa ay u bixiyeen {ganacsi wadaaga}. Labaduba xowli ayey howlahoodu u socdaan.

DP World sannadadihii na dhaafay waxay ku mashquulsaneyd inay gacanta ku dhigto dekedaha halbowlaha u ah dalka, waana ta kula wareegtay qaarkooda ganacsi-wadaag aan wax ka hirgalay la arkin illaa hadda, oo qaarkood sannado jirsaday.

Berbera ayaa loogu horreysiiyey, oo la geliyey adduun gaaraya $440 milyan. Faallo badan iigama baahna xaaladda ay hadda sugan tahay, oo ah mid aad looga warqabo.

 

 

Dhagaxdhiggii Berbera

 

Bosaasso ayaa xigtay, iyana isaga sheekeyn meynno, waxa ka qabsoomay heshiiska dhaxdhiggiisu hoos ka muuqdo. Waxba kama hirgelin, haddana weli iyagaa jooga.

 

Ahmed Yaasiin Saalah, wasiir dekadaha Punt iyo agaasimaha guud ee DPWorld

 

Magaalada Xamar, waxay ka dhiseen isbitaal ay u bixiyeen Sheekh Zahid. Waxa furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Juun7, 2015kii. Hadda waa xiran yahay. Haddii mashaariic muuqado dalka kasameyn lahaayeen, oo dhinac socda dekadahan ay ku qamaameen, growshiyo ayey heli lahaayeen. Hadafku, waa in howlgab laga dhigo dekadaheenna, lagana horjoogsado maalgelinta dibadda ama ta gudahaba. Waa nooc jahawareer oo gurracan.

Dekadda Kismaayo maaha inayan isha ku heyn, haddii aaney haddaba waan waan kula jirin Axmed madoobaha mucaaradkiisu u yaqaanaan Axmed boqor, oo socdaalkiisii Addis horraantii Maajo xiriirinayeen wallow uu guuldareystay, Axmedna Aabi arkin.

In dekadaheenna albaabada leysugu dhufto waxbaa ka hirgelaaya, welina Somaaligu muu dareemin. Ma waxay markaa noqoneysa inaan ka marqaati furro inaan nahay duul wax waxba su’aal ka keenin, xataa haddey noqoneyso wax jiritaaanka dhaawacaya ama iilkaba u diraaya?

Dhacdo aad saameyn ugu yeelatay bulshada Xamar iyo Somaalida guud ahaan, waxay aheyd markii ciidamo ay tababareen- waa Imaaraadkee, iyagana ka amar qaadan jiray ay dhowr jeer isku dhaceen ciidamada qaranka u diiwaan gashanaa dabayaaqadii 2016kii, dhimasho iyo dhaawac bandanna keenay, bilo kadib inta aan oodda loo rogin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya inbitaalka Sheekh Zahid- 2017kii

 

Waa dhaqan lagu yaqaan bey leeyhiin dadka yaqaan, khatarna ku ah amaniga, iyadoo la og yahay inay meelo ay ka mid tahay Yaman maleeshiyaad maxalli ah oy gacanta ku hayaan geestaan tacadiyo aadanaha ka dhana, gumaadka Yaman ku socdana qeyb mugle ka yihiin.

Madaweynihii Beddelay Xasan Sheekh, waa Farmaajo’oe, liifka ayuu u gaabiyey Imaaraadka iyadoo qarka loo tegay in safaaradaha la kala qaato. Lama oga, weydiimo badanna waxa leska weydaarsay halka fiilooyinku iska taabteen. Inuu xakameeyey baa guul aheyd.

Farmaayo waa nin af-gaaban, kolkuu hadlana ma helo ereyo uu si fiican ugu qeexo waxa uu rabo inuu ku gashado, bal shucuur-waddaniyeed iyo ifafaalo waxqabad buu muujisan jiray, umayse qeexneyn wadada gaarsiineysa. Waxa uu garan ogaa sida duuflaalka loogu meeleeyo jagooyinka sar sare ee dalka ama loo dallacsiiyo mid aan astaahilin. Maaha mid u gaara ee wax uu la qabay mid kasta oo maray kursiga uu banneeyey.

Isku dhaca isaga iyo qolada Imaaraadka waxa lagu koobay saddax arrimood:

  • Faragelintooda aan gabashada laheyn ee ay ku hayeen hey’adaha qaranka, gaar ahaan arrimaha ciidamada.
  • Qadar oo kasbatay, kuna maaweelisay ballanqaadyo mashaariic horumarineed oo badanaa aan hirgelin.
  • Isagoo kari waayey inuu isku wado nacabka iyo gacalka, haadiyo danaha is-diiddan ee shisheeyaha, kalana soo dhex baxo ta u dana qarankiisa.
  • Iyo inuu diiday ciidmo Somaali ah in loo diro dagaalka Yaman ka holca.

  Waa ayo Imaaraadku?

Qoladani gacanka Bershiya ayey degaan, waxayna ahaayeen 7 Imaaradood oo mid walba odoy-dhaqaameed u arrimiyo, ka hor inta aaney isu tegin sannadkii 1971dii, kolkaasoo ay la baxeen midowga Imaaraadka Carbeed.

Baaxadda dhulka waxa lagu sheegay 67,340 km2, Aadanaha ku nool waa 10 Milyan, 1.5 milyan ayaa imaraati ah. Diiwaanka taariikhaha, waxa loo geliyey soo jireen boqolaal sano gaaraya. Qarniyadaa dadka dhulka degay kalluumeysi, ugaadhsi iyo qodaalka ayey noloshoodu ku tiirsaneyd.

Waa qoom Alla xoolo ku galladay hadda, 5aad weeye bariga dhexe dhinac tanaadnnimada, dunidana waxay ku jiraan dhowrka iyo tobanka ugu horreeya. Qoobka waxay ku hayaan hanti gaareysa AED 1.84 Tarilyan. Ciidamo badan male (65,000), xoolaha lagu tayeeyo ayaase gaaraya ($6.3 bilyan).

Hantida intaa la eg ee qoladan u xareysan, ganasiga muuqda iyo ka qarsoon ayaa laga kasbay. Dadka sida dhow ula socda ganacsiga Imaaraadka, waxay xaqiijinayaan inay yihiin qolada kaliye qoyska cigaaleyda ee bariga dhexe oo aan u aaba yeelin sida loo kasbaayo hantida. Ma jiro ganacsi laga xishooda mar haddu lacag soo gelinaayo.

Waxay farisiyeen qorshe ganacsi oo aan caqabdo badan laheyn, kaasoo Dubai ka dhigay meel ganacsiga ku haboon oo soo jiidatay ganacsatada iyo sharikaadka wax soo saarka. Waxay ka yeeleen meel u diyaarsan maalgashiga, ganacsigu kuu doono, hadda waa kuu doono ha ahaadee.

 

DP World iyo fashilka dunida kaga dhacay

Dhinaca kale, waxay dunida u kala direen oo maalgashadeen caalamka intiisa kale, Yahuudaba ku daroo. DP World ayaa loo qaabeeyey laguna maalgeliyey maamulka iyo casriyeynta dekadaha, heshiisyo doora ayey la saxiixatay dowlado badan una maamuleen dekado badan inta aan badankood laga eryin.

Waxan ka xusi karnaa dekadaha laga eryey:

  1. Lix dakadood oo Mareykanku leeyahay ayaa 2006kii laga eryey, maamulka oo leysku qabtay iyo argagaxiso inay ku soo dhuumato oo looga baqay awgeed
  2. Feberaayo 22, 2018kii, waxa laga eryey dekadaha Jabuuti oo ay maamulayeen. Guddoomiyaha dekadaha Jabuuti, oo majalladani wareysi kaga qaaday xafiiskiisa dhamaadkii 2018kii ayaa sidan ku sifeeyey dhaqanka maamulayaasha DP World: “Qarannimadeenna ayey halis ku noqdeen, mar baaban moodnnay inay dalka qaateen, waa dad aan xuduud celiya jirin waxbana xeerin, khatarna ah”.

Waxay jebiyeen sharci kasta oo lagu heshiiyey, markaasey weliba noo la yimaadeen qorshayaal qarannimada dhaawac ku ah oo le “ma geli kadhaan heshiis aanan oggolaan iyo ballaarin midna” ayuu raaciyey guddoomiyuhu. Dacwad iyaga iyo Jabuuti weli waxay ka socotaa maxkamadaha dunida.

3- Agoosto 26, 2012kii ayaa sidoo kale laga eryey dekadda Cadan (Yaman), Si la mida kuwa kore ayey mar walba wixii la dhigto u jebinayeen. Waa dabeecad kuwa Somaalida hadda kula dhaqmaan.

 Fargelintooda Geeska iyo badda Cas ee dhinaca amniga

Waxa qarsoon maaha faragelinta aan is-qarin ee qoladani ay ku soo wadday dalalka Geeska Africa, Badda cas iyo sida amni-darro uga abuureen. Waxay xarfaan ku yihiin sida loo maroojiyo oo loo rogo maskadda mid dhuuni-raaca oo ku qanca sandareer looga beddesho kheyraadka dal iyo dad uu u nasab sheegto oy dagaallo sokeeya daaliyeen.

Yaman, Sudaan, Aritteriya, Somaaliya iyo Itoobiya ayaad raadkooda aad ugu arkeysaa. Dalalka dowlado adagi u dhisan yihiin markiiba intey arkaan dhaqankooda xun ayey iska eryaan. Ariteriya waxay xidhay saldhig millatari ku-sheeg Casab ka sameeyeen inta aaney ka guurin Nofembar 15, 2020kii

Yaman horey dabka u geliyeen oo cadaab kasta geliyeen dadkeeda gaar ahaan kuwa diida dhaqankooda naceyba daran ku dhisan. Waxay qabsadeen jasiiradda Suqatara ee Somaaliya bariga koofureed uga toosan.  Yahuud iyo Mareykan ayey kula shirkoobeen.

Warar aan qarsooneyn, waxay sheegayaan inay Gardafuuyta Somaaliya durba sahansadeen oo dhigteen ciidan aan badneyn oo sahan ku wada. In yar oo masuuliyiinta Punt ayaa la og, in kastoo war aad u baahay yahay.

Sudaan waa ta gubaneysa, Yaa gubaya? Waxa gubaaya nin Xametti lagu magacaabo oo ah nin uu abuuray jannaraalkii xabsiga ku dambeey, haddana aan la garaneyn halka uu ku sugan yahay- waa Cumar Al-Bashiire una gacan geliyey Xameetti ceelasha dahabka laga qodo ee Darfuur isagoo uga beddeshay inuu ka difaaco oo u quusgooyo Darfuuriyiinta diidanaa xukunka Bashiir.

Xemetti gumaadkii uu geystay, waa ka gayiyisiiyey isaga iyo Bashiir in lagu eedeeyo dembiyo aadnaha ka dhana inay ka fuliyeen Darfuuriyiinta aan Carabta ka soo jeedin.

Xemeti, waxa la baray MBZ- waa ninka hadda Imaaraadka u taliyee, ahna nin aad looga cabsado oo dantiisa halka ay gasho uga daba taga. Ceelashii dahabka ayaa u gacan galay iyo sharikadda Wanger ee Ruushaka laga leeyahay. Ganasiga labaad ee Dubai waa Dahabka- waana mid laga soo suuq-madoobeeyey dalalka dibadda oo Sudaan ka mid tahay. Imaaraadku waa qoladii Xametti oggoleysiiyey inuu u askareeyo

Dad taageera ciidanka Sudaan oo ka gadoodsan faragelinta safiirka Imaaraadka ee Suudaanta gubaneysa. Port Sudan, 20kii April 2023 (AFP)

 

Suudaaniyiin gumaca Xuutuyiinta leysaga dhigo. Somaaliya waatii lagu deyey. Laguma guuleysan.

Boqolaal ama kumanyaal Suudaaniyiina ayaa Xutiyiintu ku laayeen dagaallada cid wax iska weydiisayna ma jirto. Dagaalka hadda Xametti ku wado ciidamada Suudaan oy gadaal u fadhiyaan xulafo uu Imaaraadku ka mid yahay, waxa looga gol leeyahay in Xametti Suudaan loo gacan geliyo. Ma suuroobeysaa waa maalin kale.

Ciidamadii dhisay ayuu gumaca kala horyimid, shisheeyahana calan u lulayo

 

 MASHAQADA SUUDAAN DURUUS MA NOO TAHAY?

Haa. Haddii uu jiro dunida qoom aan wax ka baran dhacddooyinka soo mara taxanaha taariikhdeeda – waa cunsurka Somaaliga. Kaaga daranta ma jirto goor la sheego oo cunsurkani nabad hoyaday. Waa mar aan innagu ableyda iska asleynnay iyo mar shisheeye na dooxaayey. Waxa hadda indhayagu hayaan mid gacmaha dhiig ku sita, welina hareeraheyga gumaad ka wada inuu na xodxodaayo, damacona cad yahay. Waxan sheegtaa inaanuu mid i sigay nabadgelin. Haddey dhab tahay, maantey u baahan tahay in taa la xaqiijiyo. Yaan na la sigin oo na la sirin.

Hubaal weeye in madaxdeenna iyo horweynta siyaasadda ee qarankani ay war buuxa ka hayaan qalaama-rogadka heerahayaga ka socda,  daboolkana aan lagu rogin khatar foolka nagu soo heysa oo aan u jeedo. Waxan rajeynayaa inaan dhaami doonno kuwa ummaddooda dabka geliyey, waddadoodiina ku carraabin shacabkan dacaya dib dambana u dubin.

Waxa uu ku soo baxay majallada Warsan oo ka daalacan kadho : thewarsan.com

 


Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

“Libya is a crazy place. If you want to be treated as an animal and die at any time, come to Libya.”

warsan

Putin’s Message to African Envoys

warsan

Wealthy nations must help Somalia to prevent worse famine

warsan