The Warsan
Cover

Somaaliya maaha waddan gaajo darteedii la isku dal dalo

Janaayo 1, 2023

Aduunyadu waa ay innagu qoslaysaa Allena maalinka qiyaama na weydiin doonee!

 

 

Haddii aan ogaan lahayn khayraadka dhulkeena Eebe ku manaystay, kalana soo bixi laheyn, waxaynu ahaan lahayn mid kamid ah wadamada loo soo tahriibo.

Laakiin in aan horumarnno waxa innaga hortaagan horweynta Siyaasadda daneystayaasha ah ee xukun oo qaybi fikirkoodu uu yahay.

Adduunyadu waa ay innagu qoslaysaa Allena maalinka qiyaame waa inna waydiin doonaa khayraadka uu innagu manaystay ee aynu ka bakhtiyaynno kana tahriibayno. Inta aynu la jirno Siyaasiga danaystaha ah ee aynnu aragtida Siyaasiyiinta wax ku cabiraynno waligeen dulliga kama baxayno.

 

Waxaad ogaataa in Siyaasiga maantu, yahay danayste aan jixin jixin, haddii aad fikirkaaga iyo caqligaaga kusoo koobto deegaanka aad ku dhalatay oo kaliyana waxad ogaataa in aad baadil ku sugan tahay. Bulshooyinka horumaray aragtida waxay ka qaataan waa aqoonyahankooda, halka innaga aqoonyahankeennu Siyaasiga aragtida ka qaato.

Xaq maaha in gaajo darteed Hargaysa dhexdeeda uu ruux nafta isaga jaro. Halka dhinaca kale uu Siyaasigu raaxaysanaayo ee uu nolol dhamaystiran ku noolyahay.

Xaq maaha in ardaygu marka uu qalin jabiyo shaqo la’aan la jiifo.

Xaq maaha in masaakiinta xoolo raacatada ah dushooda lagu loolamo oo hadba dhan lays kula jiidho.

Xaq maaha in marna cod loo doonto marna la dagaal galiyo.

Xaq maaha in been aan dhamaad lahayn lagu maaweeliyo oo caqliyadooda lagu ciyaaro.

Wadankeennu wuxu u baahan yahay gurmad deg-deg ah, caqli iyo cudud dhallinyaro oo caafimaad qabta.

Markaan wadankeenna leeyahay, waxaan u jeedaa intii la isku odhan jiray (THE GREAT SOMALIA) 1960kii ilaa 1991kii.

Guud ahaan Soomaaliya waxa ka jirta faqri iyo nolol aad u adag oo aysan dadka shacabka ahi xaq u lahayn inay nolol sidaas ah ku noolaadaan.

Waxa dawlad loo samaystaa, waa in dadku ay helaan nolol ka duwan midda qalafsan ee ay ku nool yihiin, laakiin guud ahaan maanta Soomaaliya waxa ka jira dawlad u eke iyo maamulo kala fikir iyo aragti duwan oo mid waliba uu dan gaara wato. War fadhiga ka kaca oo u fekera sida aadanaha.

JIILKA BARAARUGA.

Related posts

Biden Can, and Should, End America’s Follies in Yemen

warsan

The Africanness of North Africa

warsan

Economic Benefit of War: the secret you did not know

warsan