The Warsan
Cover

Mufti Magacaaban iyo Marjac Culumo Midna Ma Heysanno

 

 

 W/Q Sharmaarke Aw-muuse

Maajo 2, 2020

Somaali Maanta meelna uma fayooba oo bur-burku meel walba wuu ka saameeyay, inta aynu dhamaanteen wada ognahay ee tamardarida dawladeed iyo tayo xumada wacyi ee shacabka idinku celin maayo si aanay u noqon waxaad ogtahay ma kuu sheegaa, waxaanse intaa ku dari lahaa uun walax kaloo ah halkay u dhimatay. Soomaalidu waa ummad islaam ah guud ahaan, waliba 100% ku faanta islaamnnimo (inkastoo malaha boqollaydaa wax iska badaleen baryahan danbe intii hadh-kayaacu yimi), yeel- keedee halkaa hadda uma jeeddee, ninbaa laga hayay” waar Geela kud-na wuu dilay waana loo weheliyaa ‘ye” aan hore ugu socdee, waxaad aniga iigu dartaan aafooyinkaa Soomaalida u gaarka ah Marjac iyo Mufti la’aanta.

Kama wado Culimo ma haysanno, kamana wado kuweenu waa bayd-gaab aan ku filayn kitaab-furka iyo kala saaridda masalooyinka diinta.  Xaasha !! xumaantaa uma Quudhee, waxaynu haysanaa culimo inagu filan, waliba ka fiqi iyo fahamba sarreeya kuwo badan oo loo hilaad iyo han-qal-taago meelo durugsanna jooga. Waxaanse ka wadaa aduunku sidii hore maaha, wax badan baa isbadalay, walina isbadalku xawaare sare ayuu ku socdaa, maalin walba dhacdo cusub iyo dhawaaq diimeed ayaynu maqalnaa, ma saxbaa mise waa khalad tolow yaa inoo kala sheegi, waxaad ogaan doontaa haddii aad Qormadan ila dhamaysato.

Aan ku socdee, dorraad shiico Soomaali ahi ma jirin, shalayna daacish ma joogin, maanta waa caqli-doon, Ilxaad caasi ku faana, iyo calmaani ciilku ku raagay, dar kalaa ba soo tuban meesha.

Waxaan ka wadaa, marka la eego intaa iyo xaaladaha kalee lagu jiro, dalka iyo dadka Somaaliyeed waxay u baahan yihiin hal mad-hab, hal Mufti, iyo hal Marjac oo muwaafaqo leh, uma baahna la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan, waliba ku darsoo dadku waa SHAAFICIYA waxaanay u baahan yihiin in loo xoojiyo uun toodaas, si looga bad-baado jibbo iyo jaah-wareer Fatwo.  Ku darsoo arimaha diintu waa tiilo iyo timaado, Tiilo oo ah intii xaasilka ahayd ee hore loo haystay, waxay u baahn tahay xoojin iyo xayn-daab adag, si looga ilaaliyo waraabaha iyo weerarka ku soo maqan. Timaado oo Shareecada looga yaqaano” النوازل ” waxay u baahan tahay baadhis baac-dheer, baxthi, iyo balaaq isku mid ah in ummadda loo sheego. Tusaale adduunka waxaa marqudha ka naxsaday (Coronavirus), inta uu caafimaadka iyo dhaqaalaha yeelay waxaa ka badan inta uu shicaarkii Shareecada yeelay, waxaase ka bad-baaday uun dalkii Marjac, Mufti iyo Mad-hab qudha lahaa.

Waxaan ka wadaa in xaashi casaha iyo xaashi cadaha labada sheekh kala sitaan lays waafajiyo, kadibna talo iyo tanaasul ka dhex dhashay lagu soo xulo xeel-dheere loo daba fadhiisto axkaamta shareeco, laakiin saw taa badalkeeda nin waliba xertiisa iyo xil-qadiisa uun iskumuu xeerin, kadibna wadaad u eke fiqigu ku qaloocday oo qalin-duurre ahi bulshadii cidla kamuu helin oo xaggan iyo xaggaaba umuu jiidhin.

Saw miskiinkii caamada ahaa ee xaajada u fadhiistay lama odhan xaggan ha u jeesan oo xaggan ha u jeesan, kadibna duul culimo qastay jawaabtii may noqon. Sow ma ogin innaga xaggeenna in laynaga baryay waar bal dadka uun u sheega cudur-daarka jira, si kii doonaa u yimaado kii doonaana u maqnaado iyo wali lama dhimana suga.

Ugu dambayn Soomaalidu waxay tidhaahdaa “haddii kariyaha cuntadu (kuukta) wuu fasahaada”.  Sidaa daraadeed madaxweyneha dalka iyo dadkuba waxay u baahan yihiin in loo sameeyo Marjac iyo Mufti diimeed oo dastuuri ah, si looga bad-baado afkaar dibadeed iyo Aafo Shareeco, markaa ku dhiiro madaxweyne ansaxintooda, waliba haddii aad u baqato kursigaaga waxaan kuu hubaa in waxay ku tarto mooyee, waxay ku yeeshay aanay jiri doonin.  Allah ayaa Mahad leh

 


Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

Arab League a tool, not a player, in Palestinian issue

warsan

Trump administration says it does not recognize Armenian genocide

warsan

Mogadishu among the most Innovative Cities in the world

warsan