The Warsan
Cover

“Walaalayaal, Saaxibayaal Shirka Ka Soo Qeybgala- Qoorqoor

18 Agoosto, 2020

Qorayaasha Warsan

 

Hoggaamiyaha dowlad-gobboleedka Gal-mudug ayaa ku dhawaaqay in Dhuusamareeb laba furmay, madaxda shirka joogta ee uu uga horreeyo madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdulahi ayaa ka doodaya warbixintii ay diyaariyeen gudidii loo xil-saaray inay isku soo duwaan kana soo talo-bixiyaan habka ugu habboon ee doorasho ku qabsoomi karto. Hoggaamiye Qoorqoor waxa uu sheegay in is-faham jiro, wixii ay dhinacooda ku biirin lahaayeenna laga sugayo Deni iyo Axmed Islam oo aan hadda shirka joogin.

Hoggaamiyaha Gal-mudug ayaa ka codsaday labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubbaland inay ka soo qeybgalaan shirka afkaartoodana ku biiriyaan. “Kala-duwanaasho dhinaca fekerka waa uu jiraa, waana jiri doona, laakin walaalayaal, saaxibayaal kaalaya shirka, waa hubaa inaan meel wax isla dhigi karnee” ayuu raaciyey Qoorqoor. Waxay aheyd khudbad odoynnimo oo wax isu soo jiideysa, qolada codsiga loo dirayna, waxa haboon inay tixgeliyaan codsigaas, oo tagaan shirka fekerkoodana dhiibtaan. Waxa aad qabto inaad golaha keento ayaa ka haboon aad laabta ku heysato una muuqato mid carooday. “Nin carooday laga badi” ayey aheyd xigmad Somaaliyeed.

Qoorqoor sooma uusan dhoweyn taladii Puntland ee aheyd in shisheeye damaannad-qaada shirka waxa ka soo baxa lagu soo biiriyo shirka, waana feker shacabka Somaaliyeed intiisa badan qabo, runtiina maaheyn mid looga fadhiyey Puntland. Ummaddu waxay sugeysa in wax dadka iyo dalka u dana la gaaro, si shacabka looga badbaadiyo cabsida iyo walaahowga laga dhaxlay khilaafka hoggaamiyaal laga sugayey inay dalka horseed ugu ahaadaan nabad iyo xassilooni. Talada fiican Alla ha wafajiyo.

 

Related posts

Will Sudan Militarily Provoke Ethiopia to Save the TPLF on Egypt’s Behalf?

warsan

Several Missiles Landed In Asmara Late Saturday

warsan

Ethiopia may hold election amid COVID-19

warsan