The Warsan
Cover

Halganka Cali Jeyte Weli Hiil Kama Maarmo

 

Nofeembar 15, 2022

Cali M. Cabdigiir (Caliganay) ; caliganay54@hotmail.com

 

 

DAAWO MUQAALKA} Cali Jeyte oo Wacad ku maray in uu Duurka ku jiridoono inta  Alshabaab uu ka saaraayo Gobolka Hiiraan | Somalia latest news

Cali Jeyte

 

Caddaalad waxaa raadsha hadba ka tabarta yar waxaana caddaaladda qudheedu aalaaba ku salaysan tahay qaabka ka tabarta weyn u qeexo. Isla markaa, waxaa jira Indheeragad intaaba wada garanaya kuna dadaala baraarujinta bulshada, si uu halis imaan karta uga digo. Hase ahaato e’, kolka indheergaradku sidaa wax u bidhaansho, mid xumaanta u garaad badan baa caamada ku kiciya. Sidaa awgeed, indheergaradka wanaagga tilmaama sida qof waalan ayaa caamadu u aragtaa. Haddana, waa la isdhaamaa, oo dad ayaa indheergaradkooda wanaagga jecel marar dhegeysta. Dhegeysedkaa yar ayaana dunidu ku kala hormarsan yahay.

Soomaalidu waa dad maskax badan, laakiin dadaalkaa iyo garaadkaa badan meel fiican ma geliyaan.”  Waxa aan ka soo jaray qormo uu baahiyey nin la yiraahdo Cabdi Cumar. Waxa uu qormada uga hadlay in Soomaalidu qaad Itoobiya ka qaadday, Israa’iil gelisey haddana Yurub soo gelisey, maaddaama aan dhankaa qaad ka yimaada la filan.

Haddaba, Cabdi Cumar waa aan ku raacsanahay in Soomaalidu tahay bulsho garaad badan. Aan raaciyo in ay haddana leedahay indheergarad, balse ay ku habaaran tahay qabyaalad, hubsiino la’aan, iyo indheeragadkeeda oo in ay dhegeysato daaye, ayba hoos u eegto. Cidda og dhibaatada qabyaaladda, hubsiino la’aanta iyo yasidda indheergaradka, hubaal waa habaaran tahay. Waayo aan dhahno? Saddexda cilladoodba waa dhaqan bulsho ka waantoobi karto haddii ay dhiirrato.

Haddana, tubta dadka badanki u arkaan in ay toosan tahay marar ayaa la seegaa, balse marka la garwaaqsado in la habaabay, dib in Loo baraarugo, waxna la saxo bulsho isku kalsoon ayaa ku dhiirrata. “Cid kaloo kuu waabta geed waa tii gabbalkaa dhacaa, ee Soomaalaay garo intaa” Maxamed Cali Kariye ayaa nooga tegey. Argagixisada in la iska dulqaado muddo ayaa laga cabsanayey.

Cali Jeyte waa indheergarad dhiirraday, isla markaa Soomaali tusay in ay tahay: “Fulayoow guuli kuu dhawaa!” Halganka uu horseedka u yahay hiil Soomaalinnimo ayuu mudan yahay. Cidda iyada oo awoodda maanta gacan ka geysan weyda dagaalka lagu la jiro Argagixisada Al Shabaab, waxaa loo arki karaa : “Ruux bukaanka kugu nacay adoo baahan kaa tegey samo kuma bannaanee ; Alla barasho wacanaa…”

Biri-Ma-Geydo waa inta dilka laga la xishoodo, gaar ahaan waayeelka iyo haweenka aan dirirta ku jirin, iyo carruurta. Argagixisada Al Shabaab, kuwaa ayey dadka ay laayaan ugu hormarshaan. Waa arxandarro heerka ugu dambeeya. Haddii ay jirto cid ka walwalsan in Argagixisada la jebiyo—jebinta oo aysan danteeda ka arkin, ha xusuusnaato in nabsigu daahi karo, balse uusan baaqan.

In Soomaalidu wax qabsan karto iyada oo aan cidna gacmaha u hoorsan, saddex tillaabo oo dhanka horumarka ay u qaadday ayaan hadda ka hor qormooyin ku taabtay. Waa Dekedda Garacad oo Soomaali isku tashatay dhistay, Doorashadii Soomaalilaandi 2021, oo aad u mudan in qoraallo iyo degelbaaris badan laga sameeyo, iyo marsada 11ka beri lagu sameeyey—doontii xeebta Boosaaso ku jabtay, oo markii shirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay laga codsaday in ay u jiiddo, dabadeedna lagu xiray lacag ka badan qiimaha alaabtii saarnayd, 2018.

Baraarujinta 4aad waxa ay noqon doontaa dhiirranaanta Cali Jeyte hormuudka u yahay, ee Argagixisada Al Shabaab looga xaaqayo dalka, gaar ahaan Koofur.

Dagaalka lagu la jiro Argagixisada maalintii loo kala hari lahaa ma aha. Halganka cali Jeyte bilaabay Eebbe ha guuleeyo, Soomaali iyana ha tuso kartideeda iyo garaadkeeda.

Inta dadku garan karo, caddaalad-darradu waxa ay ka soo bilaabatay abuuristii koowaad. Haddana, inta laga eexday meel dacwadooda looga dhegeystay ma jirto.

Haddana, in badan isma weyddiiso sida uu koonku noqon lahaa haddii geela, Maroodiga, Geriga, yaxaaska, iyo nooleyaasha kale ee dadka ka awood badan la siin lahaa garaad ka badan ama la mid ah garaadka dadka la siiyey. Isla markaa, lama hilaadin karo qaabka ay wax u maammuli lahaayeen—amaba in ay iyagu nolosha ku heshiin lahaayeen.

Qoraagu waa ogahay in hilaadda kore aan dadku isku si u eegi karin, kana heshiin karin. Dad baaba qaar amaba xabbad kuugu qaadanaya in aad tiraahdo: Abuurihii ayaa nooleyaasha u kala eexday.

Yeelkadeed e’, 18 jir dugsi sare dhigta ayaan dooddaa la wadaagay. Waxa uu igu yiri, “Dadka uun baa ciribtir qarka uu fuuli lahaa.” Waa aragti ka duuleysa garaadka dadka koonkan ku dhaqan. Filkiisa ka sokow, 18 jirku waa akhris badan yahay, waxa uuna ogyahay in nooleyaal waayo jiri-jirey tirtirmeen, qaar qarka u saarin yihiin qaarna lala damacsan yahay. Kaba sii darane, ciribtirka u dambeeya dadka ayaa isla damacsan.

Al Shabaab muddo ayey Soomaalida gumaad iyo gaboodfalba ku haysay filina mayo in ay ogyihiin in haddii Soomaalidu tirtiranto ay iguna raacayaan.

Si kabtaba ha ahaato e’, bulsho marka ay badbaadeyso, geesi indheergarad ah ayaa u soo baxa. Haddana, qadduuc xumaanta u garaad badan ayaa u xayta in uu curyaansho halganka.

Indheergaradka geesiga ahi waa Cali Jeyte—halka caadoquuteyaal fashilin geesaha kala socdaan.

Haddii Argagixisada Al Shabaab dalka laga sifeyn 2023, xoogaa meelo ku dhuumaaleysta baa ka soo hari doona.

Wararka Maanta: Khamiis, Nov 3 , 2022-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si  kulul uga hadlay weerar lagu dilay caruur uu dhalay sarkaal ka tirsan  Shabaab

Inkaar kale baa qolyahan ku dhici doonta. Sida tabartoodu u xun tahay iyo in qudhooda birtu karto ayaa dadweynaha la tusay. Halganka Cali Jeyte bilaabay baa abaal, sooyaal iyo bogaadinba ku mudan.

“Victory has a thousand fathers and defeat is an orphan (guushu kun aabbe ayey leedahay, guuldarraduna waa agoon).” __John F. Kennedy ayaa ka yiri jab ka raacay weerar uu ku qaaday dalka Kuubba (Cuba) 1961.

In kasta oo aan filayo in ay dhaqan kasta ku jirto, “Libin nin hola baa hela” waa maahmaah iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah.

Guul iyo guuldarro

Guuldarro: Haddii halganka Argagixisada dalka looga xoreynayo lagu guuleysan waayo, sheekadu waxa ay noqon doontaa “Jugjug meeshaada joog.” Isla markaa, madaxweynaha waxaa loo yeeli doonaa ceebo aan hadda cidna ku aqoon, amaba aan jirin.

 Guul: Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh ku guulaysto in Burcad-Diimeedka dalka laga xoreeyo, baal dahab ah ayaa sooyaalkiisa lagu qori doonaa. Arrin kale baa guusha Xasan Sheekh la imaan doontaa.

Dibedjoog badan ayaa soo laaban doona. Waxaa dardar geli doona tamashle (Dalxiis), ganacsi cusub oo ay bilaabaan habab kala duwanna u socda, barenimo in badan ku dhiirrato—aalaaba heer dugsi sare iyo inta ka sii hilan—taa dambe oo keeni doonta in waxbarashada dibuhabayn lagu samayn doono.

Waxa aan marna dib u dhici doonin in Soomaalida looga wada taliyo Xamar. Ma dhici doonto in guddoomiye gobol, oo Xamar laga soo magacaabay loo diro gobol Soomaaliya ka mid ah. Waxa aan iyana dhici doonin in xarumaha Golaha Wakiillada ee Soomaaliya, wasaaradaha, ciidammada iyana ay Xamar wada ahaadaan.

Guusha Xasan Sheekh waxaa aad uga nixi doona hoggaamiyeyaasha gobollada, qabqableyaasha, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ganacsatada burcadnimada ku lacageysatay, iyo cid kasta oo boob iyo dhac wax ku noqotay, ama wax ku samaysatay.

Guul iyo la’aanteedba, Beelaha la hubeeyey qaarkood ayaa laga yaabaa in ay hubka isku la jeensan doonaan. Hase ahaato e’, dhibaatada ay isu geysan doonaan beelohaasi, mar kasta aad bay uga yaraanaysaa ta Al Shabaab ay bulshada ku haysay.

Akhriste bal adna qalinka u qaado.

——————————————————————————————————————————————————————————

Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

The Arab League: A disaster for both Arabs and Muslims, Abolish it

warsan

What Big Ag Doesn’t Want You to Know: Small Farms Can Feed the World

warsan

Millions in India Could End Up in Modi’s New Detention Camps

warsan