The Warsan
Cover

Haddey Kenya Baddeeda Difaacaneyso, Somaaliyana Teeda Ka Seexan Meyso

 

 

Maarso 15, 2021

 

Joornaalka maalin-laha ah ee lagu magacaabo (The Standard) sadhigiisuna yahay Nayroobi ayaa magaal lagu daabacay maanta (15-3-2021) lagu sheegay in Kenya difaacaneyso dhul-badeedka ay dooneyso inay ka goosato Somaaliya  ( Kenya vows to defend disputed maritime border with Somalia). Kenya shalay ayey gudbisay qoraal u ekaa inay mar kale  dacwada taal maxkamadda ICJ ee hore Somaaliya u geysay dib loo dhigo. Waxa laga war qabaa in Kenya dhowrkii sano ee tegay maxkamadda ka codsaneysay in dhegeysiga mar kasta oo waqtiga la gaaroba dib loo dhigo. Lama oga go’aanka ay maxkamaddu ka qaadan doonto maaweelada Kenya, waxase maluhu yahay in markaan Kenya dib u dhigis laga aqbali doonin, lana dhegeysan ddoono dacwada.

Waqti ku lumin meynno taariikhda dhul-badeedkan Somaaliyeed ee Kenya dooneyso inay boobto, waayo “waa war la qabaa xiisa male”, bal waxa jawaab u baahan, waxa weeye warbaahinta Kenya iyo dadka wax ku qora oo joogteeya macluumaad been-abuura,  hanjabaado iyo meel ka -dhacyo anshaxa qoraalka ka fog oo lagu maagayo qaranka Somaaliyeed iyo madaxdiisa.  Waa garowsanahay in Kenya iyo warbaahinteeduba xaq u leeyihiin inay difaacaan danaha dalkooda, hayeeshee aabiga joogtada ahi ka aamus male.

Qofka isku mashquuliya inuu aqriyo, dhegeysto, una kuur galo doodaha iyo qoraallada warbaahinta Kenya ka gudbiso Somaaliya iyo dadkeeda, waxa uu fahmayaa in warbaahinta Kenya tahay weel wax lagu shubto oo ilaalin karin anshaxa iyo xeerarka caalamiga ah ee kala haga qowmiyadaha dunida. Male faaf-reeb lagu ilaaliyo sharafta iyo ku kalsoonaanta warbaahinta, illaa ay xattaa lumiyeen kalsoonidii shacabkooda iyo dunida kalaba. Matalan, siyaasi baa warbaahin loo han-weyn yahay soo fariisanaya, markaasuu cay iyo aflaqaaddo hawada u marinayaa qaran kale dadkiis iyo dowladdiis.

Kenya iyo Somaaliya waa deris aan meel u kala socon, isuna baahan, laakin hab-dhaqanka siyaasiyiinta Kenya iyo warbaahintooda ku wajahan Somaaliya maaha mid u adeegaya danaha labada shacab. Kenya sharcidarro kasta ee buugaagta ku jirta ayey kula dhaqantaa Somaalida, iyadoo isle maanta wey jilicsan yihiine ka faa’ideyso, oo ah mala-awaal aan u  kuur gal laga sameyn.

Taariikhda Somaaliga in Kenya barasho ugu laabato ayey ka rabtaa. Haddii tabahii isticmaarka laga bartay Kenya soo guurineyso  (Qeybi oo Xukun) sonddonkii sano ee aan is-dooxayey ayey u  meel mari laheyd. Soo-yaalka Somaaliga kuma jirto, lagumana hayo inuu ku falgalo wax mid kale u yeeriyey, gumeystaha cad baa ku daalay illaa uu ku sifeeyey “Somaaliga lama saadaalin karo”. Markey waranka noqotana, Somaaligu maaha mid waddadaa horseed loogu noqdo. Somaaligu, waa uu ka warqabaa shirqoollada loo maleego xattaa kuwa aan muuqan. Waxa uu ka warqabaa kheyraadka xeebahiisa Koofureed sida loo xado, dhulkiisa keymaha ah sida loo nabaad-guuriyo iyo doorka ciidamada Kenya ee nawaaxiga jooga ku leeyihiin, diiwaankana wey ku jirta, xisaabtuna maalinteeda.

Haa, Kenya iyo warbaahinteedu dagaal ba’an waxay ku hayaan  in dowlladnnimo facaal ahi dhisanto . Bal eeg dagaalka jaho-badanta ah ee Kenya ku heyso xukuumadda hadda dhisan oo iska diidday faragelinta qaawan iyo maslaxadaha dhinac u adeegga aha, cid yac ka tiraa jiri jirin. Waa baryaba warbaahinta Kenya iyo qaar xarumo ku leba, waxay afuufaan dacaayado dhoodhooba oo dalkan sumcaddiisa iyo dadkiisaba lagu waxyeeleynaayo, marna ku arki meysid macluumaad musaalaxo iyo iskaashi u gacan-haadinaya. Nasiibdarro waxa ah in Kenya dersi ka baran weydo Somaliya musiibada haleeshay iyo waxyeellada ay ka dhaxashay. Sow mey aheyn inay ka fogaato colaad iyo cunsurrada kiciya. Haddaad halkeedii ka dooratay Kenyaay inaad Somaaliya derbiga ku geyso oo aad dab ku ciyaadho, natiijadu cidna har uma jiidi doonto.

Haddey Kenya  baddeeda difaacaneyso, Somaaliyana keeda ka seexan meyso.

 

Qormadii: Nuur Cilmi Xalane


Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

 

Related posts

Egypt denies ‘oxygen crisis’ as Covid-19 ward videos allege shortage

warsan

Energy transitions and colonialism

warsan

How Godless Arabs Changed Europe

warsan