The Warsan
Cover

Dr Biday: “Waa been, adoo mutta maahee, heli meysid” -Wareysi

Dr Biday (labaad, midigta)

 

 

 

 

Aadanaha xoolaha waxa ka sooca garashada, ibta garashona waa maskax, maskaxina waa hibo Alle. Ifka hooyo ayaa leylinta hore yeelata, iyadaa ah wadada aadane ku soo gaaro dunida, higaadda hadalkana ku ababisa. Safarka yeelasho-aqooneed ayaa bilowda, waayuhu halka uu kuu jaheeyaba, idlaanna meyso illaa lugtu luxudka kuu tilmaanto. Aadane wax ku ool ma noqdo, hadduusan helin aqoon ka dhigta mid u qalma waxa loo abuuray iyo cidda abuurtay.

Iftiinka aqoonta kaan helin, khatar buu ku ahaanayaa naftisa, qoyskiisa iyo bulshadiisa iyo koonkaba? Haa shaki la.

Siyaasadda dhanna diida, ur cid u bixisana la waayo gar-wadeenkeed waa isaga. Dhaqaalaha kobci waaya, xatooyada yacda weyda iyo bulsho sabool ka bixi weyda, aabaheed waa isaga. Nabadgelyada saldhigi weyda, waa “ka jawaabeynaadu” waraabiso, jilaageedu waa isaga. Bulshada diin iyo dhaqanba weedaarata, xad kasta ka talowda, diiwaanka xishoodka xidha, hoggaamiyaheedu waa isaga. Bal qiyaas bulshada tafaasiishaa yeelata cidhibteedu waxa ay noqon!

 

Ma dafireynno in labada jaaninbba ku dhex dhuuman karo fara-ku-tiris xun ama fiican, ujeedaduse, waa dhudhuminta mugdi iyo iftiin (aqoon-aqoondarro). Saasoy tahayse, badanaa aqoonyahan le hab-dhaqanka midaan alifka loo bilaabin, sow markaa in lagu weeleeyo khasnnadda alif-laawaha dow noqonmeyso?

Culimada baarta dabeecadaha aadanaha, waxay yiraahdeen aadane waa “hoggaamiye ama la-hogaamiye”, haddana waxay raaciyeen inaan mar u dhaqan ekaataanno nafleyda kale ama duur-joogta, markaasna waa marka la waayo cid wax hoggaamisa, allow-sahalna fursad helo, xaaladdu murgto, illaa loo ekeedo oowr seenta leysaga xidhay.

Geel uma soofee, ma innagay na booqddeen, oo sifaha duur-joogta naga heleen. Haddii warbixinta na loo ka been abuuray, maxaa keenay in Ra’iisalwasaare Hamsa yiraahdo; “hadda waxa la gaaray waqtigii aan sida dadka u noolaan laheyn” sow muu qirin duur-joog inaan dhaqan-wadaag leennay, welina dhexda u naallo.

Haddii la yidhi, aqoon la’aani, waa ifiin la’aan, maanta dalkeennu dhinacaa halkuu ka marayaa, 30 + gu oo aan iska lulanno kadib. Yaase door ku lahaa waxbarashada waqtiga adag ee aan weli naga dhamaan, yabyabka waxbarasho ee aan maanta heysannse, yaa gacan ka geystay? Bal aan jidka gadaal idiin qaadsiinno.

Waa sidaase, gugii 1998kii,120 takhtar ayaa dood geliyey talo uu lahaa Alla ha naxariistee Dr Maxamed Adan Warsame, bal haddii dib loo howlgelin karo jaamacaddii qaranka, kulliyaddii caafimaadka, si loo daboolo baahi dhinaca xirfadleyda caafimaadka ee iman kadhay, fursad tacliin sarena loo siiyo arday dugsiyada sare ka baxday oo suuq daadsaneyd. 13 takhtar ayaa ka dhabeeyey taladaa loo aayey, kulliyaddiina dib u howlgeliyey.

 

 

Dr Maxamed A. WarsameD

 

Gu’yaal doora kadib, waxa soo burqaday hey’adaha tacliinta sare oo gaarka loo leeyahay, sharciyo nidaamiyana aan weli loo meel marin ayaa waxa in dhawaalaba soo baxayey eedeymo salka ku haya tayada, bixinta shahaadooyinka macmala iyo tira kaloo badan.

Majallada Warsan, saddax bille akhristayaal badan kule dalka, ayaa muddaba heleysay codsiyo ku aaddan bal in cabashooyinkaa xaqiiqadooda laga daba tago. Majallada waxa u suurowday inay la kulanto mid ka mida 13ka takhtar ee kor ku xusan. Waa takhtar

 

Maxamed Maxamuud Xasan (Biday). Takhtar Maxamuud oo hadda ah guddoomiyaha Jamacadda Banaadir, waxa uu naga oggolaaday inaan la kullanno, xog-ogaalnna u noqonno tacliinta sare guud ahaan, gaar ahaan JB ee uu maareynteeda hayo.

Waxan ku socdaa xafiiska guddoomiyaha, kama foga degaankeyga, daqiiqado kadib, waxan soo gaaray aqalka looga taliyo Jaamacadda Banaadir, waa guri lix dabaqa, barxad weynna le. Waa goob ii sawirtay waayihii wacnaa ee ardaynnimada. Arday gabdho iyo wiilalba le ayaa isku mashquulsan, laga yaabee inay fasallada ka soo baxeen, malaheygana ka doodaya casharku siduu u adkaa ama macallinkoo magacyo badan la siiyo- waa waddo aan ku soo jarmaaday.

Tilmaan baan helay le, dabaqa lixaad adoo taga maahee, madaxweynaha JB heli meysid. Xambaaraha dabaqa 6aad i gaarsiin lahaa baa waxa gaadh ka haya, gaar-ahye aad mooddo in la yidhi; “Yaa weylak, haddaad qofaan ballan u oolin soo deyso”. Ballanku waa ii yiil.

Waxan soo galay xafiis aad u bilicsan, wax walbana cusub yihin, gabadh baan bariidiyey, oo isu sheegay. Intey ka soo boodday gambarkii ayey inta qol iga furdhay, “gal i tidhi” Markaan galay qolka guddoomiyaha, waxa kursigiisa ka soo booday, nin dheer, timo cad oo xariira le, ifaaya, weji furan, qosol yarna lagu iidaamay, aqoonta iyo waayo-aragnnimada ku qarsanna muuqaalkiisa laga dheehanaayo. Aqooni waa ta ku bisleysa. Assalaamu Caleykum iyo laab-saar ayuu isugu key daray. Nagu yaraa noociisu baan hoos ka yidhi!

 

Waresigu su’aashan ayuu ku bilowday:

 

Warsan: Guddoomiye, si kooban ugu sharrax Dr Maxamed Maxamuud Xasan (Biday) qof aan aqoon.

Dr Biday: Somaali ku dhashay Marka, gugii 1964tii, waxbarashda hoose iyada ka soo bilaabay, Macallin Jaamac, 15May ku xijiyey, Jaamacaddii Ummaddana ka qallin jebiyey gugii 1981kii. Waxan ahay takhtar daaweynta guud iyo qalliinka ku xeeldheer. Shahaadada labaadna lagu siiyey la-tacaalidda cudurrada haleela wadnaha.

Assaasahii Isbitaalkii Xayaat, oo inuu adeeg caafimaad bixinaayey ka sokow, soo tababaray kalkaaliyeyaal badan oo maanta adeegga caafimaadka kaalin mugle uga jira. Anoo weli bixiya adeegga caafimaad ee bulshadeydu u baahan tahay, ayaan haddana, hadda ahay guddoomiyaha JB.

Warsan: Maxaa loogu baahaday in JB la curiyo, yaase taladeeda lahaa?

Dr Biday: Taladeeda waxa lahaa (Alla ha u raxmadee) Dr Maxamed Adan Warsame, kadib, waxa kulmay 120 takhtar, doodna geliyey talada oo nuxurku ahaa in dib loo howlgeliyo Jaamacaddii Ummadda, kulliyaddii caafimaadka. Dood dheer kadib, waxa loo arkay soo jeedinta talada, rabitaan riyo ah oo xaaladda lagu sugan yahay dhaqan geli karin (gugu waa 1998kii).

13 takhtar ayaa haseyeeshee diiday in taladu halkaa ku xijaabato, wacadna ku maray inay dadaal bixiyaan, tabari meel ay dhigtaba. Guri dhowr qola ayaa la kireeyey, 38 aradayna waa

lagu bilaabay, takhtar walbana keydkiisa buugaagta aqoonta caafimaadka laga qudhqudhiyo ayuu hibeeyey.

Cidina sooma qaadin dan gaara, ta guud ayaa aheyd udub dhaxaadka, aqoontoo la gudbiyo, lana diyaariyo xirfadleyaalkii guyaalka soo socda hanan lahaa adeegga caafimaadka bulshada Somaaliyeed.

Maanta waa tan le 13 kulliyadood, aqoon kala duwan siisa 7000 arday, aflaxisay 10,000 kale, leh howlwadeenno gaarraya 300 qof, 180 barayaal yihiin. Si aannad ii weydiin magaca Jaamacadda Banaadir goorta uu baxay, waxa uu dhashay gugii labada kun iyo labada (2002da), mar haddey jaamacaddu noqotay mid gaar loo leeyahay.

Warsan: Ardadu xaggey ka imaanayeen, mar haddeyan waqtigaa jirin dugsiyo sare oo macna le, idinkase marna ma idinku soo dhacaday inaad dugsiyo sare abaabushaan?

Dr Biday: Dallado waxbarasho ayaa jiray oo maamuli jiray tira doora oo dugsiyada sare ah, innana maba aanaan qaadan karin arday badan, qalabka, barayaasha iyo dhaqaalaha oo aad u koobnaa awgeed. Maya marna kuma aanaan talloon inaan dugsiyo sare furnno, yoolkeennu tacliinta sare ayuu ahaa, welina yahay.

Warsan: Ma sahlana agaasimka iyo ka mira dhallinta tacliin sare oo tayo le, haddaan dowlad ama dhaqaale buuranu jirin. Sideebeey idiinku suurowbeysay inaad soo saadhaan kaadir caafimaad oo tayo sare le, bulshadana lagu aamini karo?

Dr Biday: Takhaatiirta howshan soo bilowday oo dhamaantood barayaal ka noqday kulliyadda ayaa ahaa kaadiriin tayo le, dalka iyo dibaddana wax ku soo bartay inta aan sokeeye-warjeefku dhicin.

Aqoonta iyo waaya-aragnnimada barayaasha ayaa suurageliyey in loo saldhigo maamul iyo siyaasad waxbarasho oo soo saari kadha kaadir caafimaad oo tayo le. Jaangoyntaas siyaasadeed ayaa sidoo kale suuragelisay inaan isku duwnno qorshe dhaqaale oo lagu wado howsha. Dhaqaalaha ka soo xaroon karay ardayda ayaa qeyb ka ahaa qorshaa dhaqaale ee la dejiyey, oo bixinayey, welina bixiya qoondo lacageed oo lagu jaangooyey jeebka waalidka sabool u badan.

Warsan: Guddoomiye, waxa jira eedo bulshadu aad u hadal heyso, sida in ardyga lacagtu ku bar godo inta aanuu waxbashda dhameysan, albaabka ka xirataan, xattaa haddu yahay mid A+ iyo B+ aan hoos uga dhicin, maxaad ka leeday?

Dr Biday: Aadane ma eed la aado, caddeymo xaqiijiya in la keenaase laga maarmeyn. 13ka takhtar ee seeska u dhigay JB badankood, dhamaantoodba aan dhaho, waa khubaro saboolku kanshada siiyey, oo canshuur laga qaaday wax ku soo bartay, abaalgadayaalna maanaan noqon, oo inta karaankeenna ah wax badan baan saboolka ku celinnay, welina wadnaa. Waxase in la garto ah, in JB tahay hey’ad gaar loo leeyahay, dhaqaale ay wax ku waddana u baahan.

Ka warran haddaan gugiiba laba boql (200) arday oo saboolka ka yimaada tacliin bilaasha siinno. Ka warran arday kasta oo shil ku dhinta (qaraxyada u badi), waalidka, kii uu u joogo arday dugsi sare dhameeyey aan bilaash wax ku barnno. Ka warran waaliddiintii ku shahiiday dhacdadii shaamow ardadii ay dhaleen ee JB ku jirtay inay bilaash ku dhameysteen. Ma nihin dad damac xoolo-uruursi hoggaamiyo. Noo kaalay aad markhaati ka ahaatid warcelintane.

 

 

Warsan: Guddoomiye, Dad baa qaba in ardaygu yahay ka jaangooya siyaasadda jaamacadda iyo (guud ahaan kuwa idin la mida) kol haddii ardaygu yahay isha dhaqaalaha jaamacadda, shaaaddo aanuu u qalminna siisaan, ma leydinku nabayaa?

Dr Biday: Malaha qaarkii waa dambi, warna in la hubiyo kama maarmo inta aan la qeybin. Ma jiro arday JB aqbasho, hadduu jiro, waa mid maray tijaabooyin badan, sharciga aqbalaadda JB-na ka gudbay. Waa been dhoodhooba, JB kama  baxdo shahaaddo aanad mudan, mid wadadaa soo tijaabiyey ma aragteen? Haa, laakin guul kalama dheelman. Haddiiba shahaaddooyinka JB yihin kuwa dadaal li’ iyo mudnaan la’aan lagu qaato, ardada aan soo saarnnay kama soo muuqddeen goobaha shaqada dalkeenna, jaamacadaha iyo hey’adaha caalamigaa ee dunida.

Bal tag isbitaalka Urdogaan (ex Digfeer) qeybta cudurrada wadnaha-waxad u arki madaxa qeybta Dr Cabdinaafic M. Xuseen iyo Dr Xaliima Cabdulqaadir Axmed, oo labaduba ah kaadiriin aan juhdi soo gelinnay, maantana u faa’ideeya bulshadeenna. Haa, waa nabid!

Warsan:  Baahida idanku aannad weli daboolin iyo waxa aad jeclaan laheyd in wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare sameyso, si hore loogu dhigo waxbarashada dalka.

waxbarashada iyo tacliinta sare sameyso, si hore loogu dhigo waxbarashada dalka.

Dr Biday: Weli sidii aan rabnnay maaha qalabka, goobaha tabarrada iyo degaamada kulliyadaha JB. Wasaaradda waxa muhiima inay dhameystirto sharciyada iyo siyaasadda guud ee waxbarashada. Wasiirka si gaara, waxan uga codsan lahaa inuu dhallinta aan waxbarashada asaasigaa helin ama jaamacadaha geli kari weyday inuu dadaal geliyo sidii loogu heli lahaa dugsiyo farsamo, oo hubaal dalku aad ugu baahan yahay.

Warsan: Maalgelin haddaad hesho, mudnaanta kowaad mashruucee kuu ah?

Dr Biday: Xarun cilmi-baariseed, maktabad, isbitaal dhameystiran iyo beero.

Warsan: Mahadsanid

Dr Biday: Soo dhowow

 

  

Tiro ka mida aqoon-yahanka ka soo sahay qaatay jaamacadda Banaadir, door muglena uga jira adeegga bulshada iyo dunida kale waxa ka mida:

 

 

Dr Cabdinafic Maxamud Xuseen

 

Bismillah,

 

Magacaygu waa Dr Cabdinafic Maxamud Xuseen, galay kulliydda caafimaadka jaamacada Benadir gugiii 2010kii, qeybtii 9aad, shahaadada kowaad waxan qaatay gugii 2016kii.
Bilawga gugii 2018kii, waxaan bilaabay tababar aqoon-kororsi dhinaca qalliinka wadnaha iyo xidadada oo aan ku kala qaatay labada isbitaal ee Mogadishu Somali Turk Hospital (Ex digfeer) iyo Isbitaalka Dr-Siyami Ersek, Istanbul Türkiye. Aqoon-kororsigaa gugii 2023dii ayaan dhameeyey, anoo ku biiray takhaatiirta ku xeeldheer la tacaalidda cudurradda haleela wadnaha iyo xididada oo naadir ku ah dalka..

Takhasuska, kadib waxaan isku howllay in waddanku helo xarun cudurrada wadnaha la tacaasha oo aan hore dalka uga jirin (Cardiac Surgery Centre). Xaruntaasi, hadda waxay  suurta gelisaa in wadanka ka samaynno qaliinka furan ee wadnaha,  markii ugu horaysay taariikhda caafimaadka Somaaliya. Turkiga ayaa naga saacida gudasha howsha muhiimka u ah bulshaadeenna.

Waxaan sameeyay cilmibaarisyo badan oo la xariira xaafimaadka wadnaha iyo xidada kuwaas oo aan ku daabacnay wargesyo caalami ah.  Xaruntu shacabka iyo qarankaba waxay u badbaadisay naf iyo maalba badan, waayo qeybta qallinka wadnaha inta aan la hirgelin hanti badan ayaa dalka iyo shacabkaba uga lumi jirtay isbitaallada dibadda oo weliba qaarkood aan adeeg fiican bixin karin. Hantidaas maanta wey baaqatay, waxayna ku hadhay khasnnada shacabka iyo qaranka.

Waxaan u mahadcelinayaa hoggaanka JB oo aragti ay lahaayeen lagu yaqleelay JB-da maanta aniga iyo qaar kaloo badan soo saadhay. Waxan ku talinayaa in ardada Soomaaliyeed waddankooda wax ku bartaan, waxbarashada sarena la dhiirrigeliyo.

 

Bismillah,

 

Magaceygu waa Dr Xaliima Cabdulqaadir Axmed, waxan ka mid ahaa ardadii ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir gugu markuu ahaa 2011kii, shahadada kowaad waxan ku qaatay cilmiga (anesthesiology), sarkaalka labaadna waa ka ahay qeybta, isbitaalka Ordugaan. Waxan ahay xeel dheere agaasinta bukaannada qalliinka u baahaan una diyaariya tallaabada xigta sidii ay u guuleysan lahed oo qalliinka ah. Waxan u sameynaa xanuun-ilowsiin ka saacidda inuusan qofku dareemin xanuunka ba’an ee sugaya, hubinnaa bad-qabkiisa, lana soconna xaaladdiida qalliinka kadib..

Jaamacadda Banaadir maahan oo kaliye dugsi cilmiga caafimaadka igu hubeeyeye, waa macallinka igu soo ababiyey sidan u wajahi lahaa nolosha iyo dabeecadaha dadka, maadaama shaqadeydu tahay mid aad u xasaasiya, daqiiqad walbana na la kulmineysa wax kaa yaabiya, la murugooto, gaar ahaan kuwa aannad waxba ka qaban karin.

Alle ka soke, mahad baan u celinayaa danjirayaasha, maamulka iyo si gaara macallimiinta JB oo juhdi badan na geliyey, gooro waqtigu adkaa. Alla ha idin xafido

 

 

Bismillah,

 

Shirwac Cabdullahi Ibrahim, waxaan ku faanayaa inaan ka mid ahaa ardadii faraha badnayd ee wax ku baratay Jaamacadda Banaadir. Kulliyadda waxbarashda qeybta (Bio/chemistry) ayaan galay gugii 2004tii, shahaadada kowaadna waxa gacanta ley geliyey gugii 2008dii.

Shahaadada darajada labaad (Masters), waxan ka qaatay (Jomo Kenyatta University), cilmiga hoggaaminta iyo maamulka gugii 2019kii.  Mudda dheer ayaan macallin iyo maamule ka soo ahaa dugsiyada dalka, aqoontii JB aan helayna, waxan uga faa’ideeyey da’a yar badan oo ku jira ama ka baxay dugsiyada dalka. JB, waa daaqaddii aan ka soo galay dunida maanta aan dhex dabbaalanaayo.

Waa halkii leygu soo baray sida aan nolosha uga jibba keeni lahaa, mid naftiisa, dadkiisa iyo dalkiisa waxtar u yeeshana u ahaan lahaa. Ma garanaayo, waxan maanta ahaan lahaa haddii aanan fursad waxbarsho ka helin JB. Hadda waxan sii-hayaha ka ahay Safaaraddeenna dalka Bakistaan.
Waa ku faanayaa inaan JB ka soo mid ahaa, mahadda kowwaad Allaa le, ta labaadna waxan u diyaa maamulka, macallimiinta iyo bahdii wadada ardaynnimada ila soo qaadday.

   
 
 

 

 

 

 

 

Bismillah,

Dr Yoonis Cali Faarax, mid ka mida ardadii  ka badbaaday musiibadii hotel Shaamo xafladdii qalin jebinteenna gugu markuu ahaa 2009kii. Shahadadii aan ka qaatay jaamacadda wadnaheyga aan ka bixin ee JB, waxay beenisay naxli la buunbuuniyey ee ahaa in dunidu aayan aqbaleyn shahaaddo Somaaliya jaamacado ku yaal bixiyaan. JB ayum baaan u hadli karaa oon shahaadadeeda wataaye, waxa u dhoofay qaarradda Yurub, Allana waxa uu i saldhigay dalka Iswiddin.

Aqoon kororsi baan u raasaday mid ka mida jaamacadaha loogu jecel yahay dalkan-waa jaamacadda (Linköping university) anoo ku hubysan shahaadadii aan ka qaatay JB-da barbaarinteyda door weyn kule, oo Alle iyo waalidkey ka soke, magaceyga ku dartay liiska dadka loogu jecel yahay, looguna baahi badan yahay dunida. Shahaadadeyda horta, waa la aqoonsaday, halkaane leygama harine, waxa ley diray tijaabo loo qabtay 120 takhtar oo isaga yimi dunida badankeed.

Ka warran haddii 17ka takhtar ay tijaabadii gudubtay, arday JB soo hubeysayna ka mid ahaa? Tani, tusaale cad bey u tahay in JB ka tayo iyo adeeg fiican tahay jaamacado heysta wax kastoo sahli lahaa, in jaamacadi tayo ku faanto. Cidina JB uma diidi kadho inay bandhigto tayo waxbasho oo dunida hore martay aan ka sokeyn, markhaatiguna waa “aniga” iyo qaar kaloo badan. Mahadi ha gaadho hoggaanka, maamulka iyo macallimiintii juhdigan guuleystay i geliyey.

Hadda waxaan ka shaqeeyaa Hospitalka ugu weyn gobolka Dalarna ee Sweden.

 

 

 

  Dr Cabdulqaadir Xasan Axmed       

Bismillah,

Macaanka, qiimaha iyo waxtarka aqoontu leedahay iima daadegin illaa aan isu diiwaaniyey tacliinta sare. Waxan ka mid noqday koox dhallinyara ah oo dooratay inay ku safraan waddo geysa ceelka looga oon baxo cilmiga iyo dhismaha kombuutarka (computer science). Waxan gaarnnay ceel biya macaan, gurisna aan looga shaki qabin. Ceelkaas, waa jaamacadda Banaadir (JB).

Waa iska diiwaangeliyey, anoo durba ku carraabay waddo dheer, haseyeeshee aan ku kalsoonsanaa inaan maalin uun jeeniga ku qaadi doona aqoon iga gacan siisa u babac-dhiggidda nolosha dunidan aadka u adag, labada-daraale ta ay la nooshahay ummadda aan u nasab sheegto -Somalida. Waxa ii muuqatay xilka igu soo aaddani inuu yahay mid culus oo iiga baahan inaan isu hubeeyo.

Gugii markuu ahaa 2006kii, oo cidda xusuusataa ay garan kadho xaaladda Muqdishu ceynka ay aheyd iyo sida qof ugu fekeri karay inuu waxbarasho galo iyo cidda arday qaabili kadhay, waxna bari kadhay (dagaalladii Itoobiya Xamar ku qaaden, 2006dii). Jaamacadda Banaadir oo ay ka go’neyda inay waxbarashadu socoto qiima kasta ha ku kacdee ayaan iska diiwaan geliyey kulliyadda (computer science and information technology). Afar gu kadib, 2010kii ayaan kala booday shahaada hore. Kaaliye bare iyo madaxa sheybaarka kombuutarka JBna waa leyga shaqaaleeyey. Halkaa iigamey harin JBiiye, waxa ley dalacsiyey agaasimaha dugsiga daraasaadka sare, shahaadadeyda labaad kadib. Macaanka, qiimaha iyo waxtarka aqoonta oo aan markaan dhadhamiyey ayaa tiri: maxaannad PhD ugu dareyn? Turkiga ayaan iyana kala soo noqday, anoo ku xeeldheer handasada kombuutarka.

Ma ku filla jaamacadda Banaadir inaan iraado “mahadsanidiin” waayo abaalka ii galay, ka qara weyn “mahadsanidiin” abaal aan gudi karayona maba aha, waxanse leeyahay JBiiyey sida aan hooyo iyo aabe abaalkooda u gudi karin, baan kiinana u gudi karina, qalbigaanse boos aannad ka guurin idinka siiyey intaa uu nuuxsanaayo.

WQ: Tifatiraha

Related posts

Kenya’s second President dies at 95

warsan

Geel Somalia Project Invests in Local Youths

warsan

Gaza blockade: Egyptian harassment meets readers

warsan