The Warsan
Cover

Dhaqan ka socda gobollada Bari iyo dowlad-degaanka ayaa Xamar ku sugan

Isimo iyo odayaal ka socda Maamulka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Duubabka dhaqanka ayaa soo dhoweeyay wafuudan isugu jira Isimo iyo Odayaal.

Ujeedka Socdaalka Isimada ayaa lagu sheegay inay tahay dadaalada loogu jiro nabadeynta Soomaaliya, isku soo dhowaanshaha umadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkooda uu la xiriiro sidii dowladda Federaalka ay u bixin laheyd magta lacago ay uruurinayeen oo loogu tala galay dagaalo ka dhacay Gobolka Sool oo lakala siinayo beelo sanadihii u dambeeyay ku dagaalamayay

Isimadan ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, iyadoo inta ay joogaan Muqdisho ay la kulmi doonaan qeybaha dhaqanka.

Facebook
Twitter

Related posts

Cash Based Interventions: A trap to prolong on donor dependency, increase poverty

warsan

The Gross Injustice of Demanding Poor Countries Lead on Emissions Reduction

warsan

Stitched Lips! Hundreds of Migrants Are on Mass Hunger Strike in Belgium

warsan