The Warsan
Cover

BULSHO WAX WALBA AQBASHA HIIRAAN KOW

SALLAANKA DANTA GAARA MAXAANAD U TUUREYN?

 

 WQ: Nur Cilmi

Luulyo 8, 2024

 

In la midoobo talo fiican bey aheyd, cudud dhaqaale iyo mid bulsho baa ka dhalan kara, haddii si fiican loo maareeyo. Waxay aheyd in arrimaha dhinacyo badan laga darso, xisaabtan dhabana wax lagu kala goosto, si sheegasho dambe looga hortago. Beledweyne iyo Jowhaar, si aan ka fiirsi badan laheyn ayaa lagu mideeyey gugii 2016kii, madaxweynihii ugu horreyeyna xilka waxa uu hayey wax sannad ka yar. Labada gobol waa dhul qaniimo Alla ku galladay, muhimad dhuleedna le.

 

Ugaas Yusuf Ugaas Xasan

 

Hiiraan waxa la qiyaasay xoolaha jooga inay gaarayaan 3 milyan oo neef, oo kuwa la dhaqdo ah. Duur joogta cidna ma tirin. Dhul-beereed tacabka ku fiican iyo webi aan gurin oo joogto u waraabiya dadka, xoolaha iyo dhulkaba Alla waa ugu daray. Hiiraan halka uu dhaco, waxay ka dhigtay meel halbowle u ah ganacsiga, isku xirka gobollada dalka iyo jaarka.

Sh/dhexe, muhimaddeeda dhaqaale astaan waxa u ah inay nasiib u heshay in laga dhiso magaalo-madaxdeeda warshaddii ugu horreysay  nooceeda, Afrika oo dhan gugii1929kii. Dhul-beereedka qasabku ka bixi jiray bedkiisa, waxa lagu sheegay 100-150km oo isku wareega. Xoolaha iyo wax soo saarka beeraha cid ku heysata waa dhif. Gugu markuu ahaa1963-4, waxa la geed-qaaday dhul—beereed baaxadle oo Shiinuhu ka beereen bariis, Somaaliya aan hore looga beerin. Maanta waa gobolka dhinaca bariiska ugu wax soo saar badan. Badda ayuu qeyb mugle ka heystaa oo siineysa muhimad kaloo gaara.

Gobollada qaniimadaa le, dadkoodana lagu qiyaasay 3-4 milyan oo qof ayaa maanta macluul dugsada oo safaf-dhaadheer ugu jira raajin waqtigii la quudan lahaa kadib maray oo WFP qeybiso. Waa hey’ad wacad ku madhay inaanu kobcin wax soo saarka gudahu, seexisana kuwa danaha gaarka ah ilaashada ee loo diro inay ka badbaadiyaan dadka, dhiirrigeliyaanna beeraleyda.

Hirshabeelle, gugii 2016kii ayaa madaxweynihii ugu horeeyey loo caleema saaray, wax ka hal yar gu kadibna albaabka ayaa farta loogu fiiqay. Waa Cali Cabdulaahi Cosoblee. mar uu Cosoble hadlay kadib ridistiisii, waxa uu eedda huwiyey Ra’iisal-wasaarihii isna xafiiska laga ceeriyey ee Xasan Cali Kheyrre. Sebtambar, 2017kii ayaa madaxweyne kale loo doortay H/shabeelle, 4 gu oo uu xilka hayey laba dhagax oo uu isi-saaray lagama dhaxlin, markii uu xilka ka tegay Noofembar 2020kii. Ogow labadu waa reer Hiirane.

 

Dowllad-goboleedka Hirshabeelle, waxa hadda xilka haya madaxweyne-ku-xigeenkii labadaa madaxweyne ee kor ku xusan- Waa Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe).

Guudlaawe, waxa uu dhaxlay “nin gurrani hal uu tumay dhanna uma fayooba” dowlad-goboleed looga tilmaan qaadan karo, hayeeshee, isaga waxa la soo gudboonaaday oo mushkiladahaa u raacay kacddoon shacab oo ka soo burqaday gobolka Hiiraan ee la midoobay Sh/dhexe oo uu Guudlaawe ka soo jeedo, sababtana waxa loo aaneeyey doorashada sidii loo maareeyey iyo cabashooyin wax qabasho la’aan salka ku haya.

Haddii Guudlaawe shacabka Hiiraan ku eedeynayaan madaxweyne maxuu u noqday? Ma qabato. Waxa habboon in reer Hiiraan is-weydiiyaan sababta ay ku waaayeen madaxtooyada? Labada madaxweyne ee hore, waxay ka yimaaddeen Hiiraan, waana waqtigaa, waqtigii dhibaatooyinka ugu ba’ani soo mareen maamul-xumo halkii ugu hooseeysay oo gobolka joogto u aheyd awgeed.

Shacabka inay adeeg waxbarasho, caafimaad, amni iyo horumar helaan bey aheyd, madaweyneyaashii gobolka ka soo jeeday haddey intaa horseedi waayeen, eeddu Guudlaawe xaggey ka qaban. Ta kale, Guudlaawe, horumarka uu ka sameyn waayey Sh/dhexe, sideebey Hiiraan uga filataa? Bal eeg Jowhar, waa magaalo weligeed aan laba dhagax leysu raarin.

Haa, hubaal Guudlaawe hoggaamin lama imaan, lamana imaan karo, ninkeediiba maaha, iskumana deyin inuu xusho aqoon-yahanno ka caawiya in wax uun loo yabyabo reer jowhar, Beledweyne inta aan la gaarin. Yaase arkay cid Guudlaawe dhaanta oo Hiiraan joogta. Barasaabyada isaga dambeeyey maamulka, waa qolo mid, mid dhaama aan meesha la keenin oo habeenkii soo jeeda, maalitiina hurda, isbaaradana quuta.

Haddii xaalku sidaa yahay, kacddoonka Hiraan dadka hoggaaminaaya, oo hadda laba soo kala jeedda ah, waa inay waaqaca wajahaan, dhudhumiyaan waxa u suuroobi kara, kacddoonka waxa u fuli kara, kanshada loo heysto in Hiiraan dowlad-goboleed u gaara dhisan karo iyo jid-gooyada go’is lagala kulmi karo.

Dhaqdhaqaaqa dib u heeshiis ee uu waday boqor Yusuf boqor Xasan, tilaabo dhinaca midnnimada loo qaaday waaye haddey hana qaaddo, waana wadada lagu xaqiin karo hadaf kasta ee reer Hiiraan doonaan inay hirgashadaan, haddeyse ku socoto sida hadda wax yihiin, hadaf la riixi karayaa ma jiraayo. Dadku maaha inay sallaanka danta gaara lagu gaaro aqbalaan maaha goor walba.

 

Agaasima guud ee sirddoonka qaranka

 

 

Dawada dhibaha is-raaran ee Hiiran xalkooda, waxay ka soo dhex muuqddeen haddii cid la fulisa la helo, hadalkii agaasimaha sirdoonka qaranku ka jeediyey shirkii Maxaas, bishii Juune ee tegtay. Hadalka agaasimaha oo loo qasday mid ka mida beelaha Hiiraan dega, dhabarkana loogu xidho dhibaha gobolka, nuxurku wuxuu ahaa, xigasho: “runta aan isu sheegnno, ka dhibka wada aan qabanno, hebel garle, ka kalana leda aan joojinno, caddaalad aan u saldhignno, Hiiraanna midnnimo horseed aan ugu ahaanno”.

Majalladani, waxay soo jeedineysaa, in inta dib loo dhigto dowlad-goboleedyan lala kala ordaayo ee waaqaca ka fog, bulshadana dhibta ku sii fogeynaya,  reer Hiiraan wadahadal waaqacaa-ku fadhiya ha la galaan federaalka, miiskana ha saaraan caddeymo biya kama dhibcaana oo waxa ay doonayaan lagu bayaamiyey.

Lama rabo kor ka xaadin aan gadmeyn ama qormo ay qoraan dad aan ehel u aheyn waxa laga hadlaayo. Waa in leysku duwa guddi aqoon-yahanna ah, laamaha cilmigana ku xeeldheeraaday oo diyaariya warbixin qancin kadha , kana gadanta Federaarka iyo caalamka dana kule Somaaliya, gaar ahaan Hiiran.

Dowlad-goboleed haddii la ogaansanayo, dooddeeda saldhiga iyo tixraac waa in looga dhigo dikareetadii rasmiga aheyd ee uu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed laba gobol uga dhigay Hiiraan. Lama rabo iyadoo qallan in lala soo cararo, waa in lagu soo lifaaqo, sharciyada gobolka siinaaya inuu astaahilo in loo dhaqan geliyo faafinta rasmiga ee madaxweynaha. Wixii ka sokeeya waa riyo iyo silican dadka lagu hayo.

 

Nur Cilmi Xalane

Related posts

EU ‘plundering African continent’ as Seaspiracy probe exposes horrific fishing practices 

warsan

Gulf rivalries could impact Horn of Africa’s stability

warsan

Israel opposition leader Benny Gantz failed to meet the deadline

warsan