The Warsan
Cover

Xildhibaan Maxamed Caddow oo Jaamacadda Banaadir booqday

30 May, 2024
Warsan -Mogadishu
Xildhibaanka laga soo doorto gobolka Wajeer (South) Somaalidu degto ee Kenya, Xildhibaan Mohamed Adan Addow oo booqasho gaaban ku joogay magaalada muqdishu ayey Jaaamacadda caanka ah ee (Banaadir University) nasiib u heshy inay xarunteeda ku marti geliso gelinkii dambe ee maanta (Khamiis, 30, 2024). Xildhibaanka oo ay weheliyeen Ra’isal-wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi, Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig, Senetor Xil. Prof. Dr. Cusman Dufle iyo Xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya . Wefdiga waxa xarunta ku soo dhoweeyey guddoomiyaha Jaamacada Banaadir iyo barayaasha kale ee ka howlgala jaamacadda.
                         Dr Biday (Midig-kowaad) , Xil. Caddow Labaad-midig, RW Geeddi, Prof.Dufle
Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamud Xassan (Biday) ayaa wafdiga kusoo wareejiyay kulliyadaha kala duwanee Jaamacaddu leeday. Senetor Cddow oo aad ula anfariiray horumarsanaanta baaxadda le ee uga muuqatay  jaamacadda banaadir, ayaa bogaadyey dadaalka mugga le la geliyey jaamacadda kuna amaanay doorka shariifka ah ee ay ku leeday waxbarashada jiilka soo socda ee Somaaliyeed. Guddoomiye Biday oo ka warbixiyey jamacadda iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay ayaa sheegay in jaamacaddu joogto hadda meel lagu faani karo marka laga eego buu yidhi; “maalintii ay go’aansadeen takhaatiir dhow ahi oo aan ka mid ahaa,  in la nooleeyo Jaamacaddii ummadda Somaaliyeed, kulliyaddeedii caafimaadka marka hore oo aan ku bilownnay. Maaheyn howl sahlaneyd, bal Alle waa nagu guuleeyey, dadaalkana waa laba laabeynaa Alla idankii’.
Xildhibaan Caddow ayaa ballanqaaday inuu doorkiisa qaadan doono sidii jaamacadda magaceeda loogu ballaarin lahaa he’yadaha waxbarshada ee Kenya, loona abuuri lahaa xiriir iskaashi-waxbarasho oo dhinaca jaamacadaha Kenya iyo kuwa gobolkaba. Waxan idiin ahaan doonaa buu yidhi xildhibaanku “danjire qaada magaca jaamacadda iyo sida loo hormarin lahaa guud ahaan jaamacada iyo kulliyadaheeda”.
Jaamacadda Banaadir, waxa la odhan karaa, waa jaamacad buuxisay heerka tayo ee laga fili lahaa jaamacad la doonayo inay soo saarto aqoonyahanno keeni kara horumar dhaqaale, bulsho iyo mid aqooneed. Weliba waxay aad isu soo beddeshay intii uu qabtay guddoomiyaha hadda Dr Maxamed Maxamuud Xasan (Biday).  Arday gaareysa illaa 13,802 ayaa aqoonta kala duwan ka qaadata, kuwii ka qalin jebiyeyna, aad bey uga muuqdaan hey’adaha kala duwan ee qaranka iyo kuwa hey’ado caalami ah. Waxay mudan tahay in loo hambalyeeyo.
Hambalyo BU
Qorayaasha warsan

Related posts

Benin’s bold decision on economic decolonization from France

warsan

UAE’s nuclear program could lead to nuclear arms race, disaster, expert says

warsan

“We can no longer guarantee their safety” — ANC spokesperson

warsan