3.1 C
New York
March 24, 2019
Opinion

Soomaalida Iyo Beeleysiga

Soomaaligu Qabiil ma aammin- sana ee waan si dhiirranaan iyo kalsooni leh loo tusin habdhaqan Ska wanaagsan. “Haddii ay ka filiqday Soomaalida, oo beelo inta u dagaashay ay u kala guurtay,taas micnaheedu ma aha in beelaysiga la aaminay. Beelaysi in dadka lagu kacsho waa fududahay. Waa dhaqan bulshada dani badday qarniyaal hore. Haddii aan laga hadlin, lala dagaalin loona halgamin habnololeed looga maarmo, qabyaal- addu iska tegi mayso diin bayna u noqon bulshada.

Haddaba, ka hadal, ka dood isla markaasna isku taag ciddii aad aragto oo qabyaalad ku dhaqmaysa”. Sida aad sawirka iyo qoraalka yarba ka aragtaan, inan baa boggiisa Facebook ku qoran, 5aad 15,2018. Haddaba, waa runtiis mana aha in la iska aammuso iyada oo dad Soomaaliyeed labada dhanba ku dhima- nayaan. Xaalku waa “kaa dhimay oo kugu dhimay”, mana ah wax cid dammiir lihi ay qaadan karto.

Beelaysi in dadka lagu kacsho oo dhiig Soomaaliyeed lagu daadsho waa fududdahay. “Gashaanti aammus baa lagu mehershaa” waa murti Soomaaliyeed. Marka, waa gar in la yiraahdo: Dhallinta la isku dhammaynayo, ma jirto miyaa bulsho ka gilgilata oo ka hada- sha???? Intaas kaddib, waxaa jira erayo qeexid- dooda marar yare la kala weeciyo ujeed ahaanse isku mid ah. Waa qabyaalad/ beelaysi, haybsooc, dirsooc, midab- sooc, dhaqansooc, diinsooc iwm. Kolka la kaashado www.telesurtv.net, www.businesstech.co.za, www.dailymail.co.uk, www.en.wikipedia.org iyo kuwo kaleba, soocyada kore kii la doono sal ha looga dhigee, xataa 25-ka dal oo koonkan ugu soocaminta badan Soomaaliya kuma jirto. Haddana, haddii Soomaalida dhexdeeda baaritaan laga sameeyo, cudurka koowaad Soomaalidu ka biskoon weyday waxa ay ku sheegi doonaan beelaysiga.

44 dabshid ka hor bay ahayd. waa 1974. Waxa aan dhiganayey dugsiga Hoose-Dhexe ee Bardacad, Gaalkacyo. Sannad-dugsiyeedkii markii uu xirmay, miyiga baan u baxay. Waxa aan aaday tuulo Gaal-kacyo u jirta 40 KM. Ma xusuuto maalinta, balse waxa ay ahayd dabayaaqadii 6aad, 1974. Nin baa barkad waxaa uga dhacday hal geel ah. Maandhuux buu ugu yeerayey. Sidii aan dabadeed sooyaalkii hasha ku helay, Maandhuux waxa ay ahayd kaad-dhal irmaan aadna u caano badan.

 

Ninkii hasha lahaa afka ayuu qaylo ku shubtay. Waxa uu ku habar wacday “War yaa Muslim aheey!” Dhowr nin baa u soo baxday, balse ciidan intaas ka badan buu u baahnaa. Waxa uu haddana ku habar wacday “War yaa Soomaali aheey!!” Tiradii hore wax yar baa ku soo kordhay mana ahayn ciidan hasha barkadda ka saari karey.

Maadaama aan geela lagu darin xoolaha dabaasha yaqaan, hashii hadba waa tiim-banaysay. Ugu dambayntii, ninkii waxa uu ku habar wacday “War yaa reer Hebel aheey!!” Ciidankii uu u baahnaa iyo ka badan baa u soo baxday.

Maanta, 2018, 44 dabshid kaddib, maalin kasta, meel deegaannada Soomaalida ka mid ah habar-wacasho magac beeleed hiil

Qabiil kuma habar wacdeen wax ii dhaama baan waayey

looga raadinayo baa ka dhacda. Soomaal-idu weli waa ka maarmi la’dahay in beelay-si lagu Habar-wacdo? “Maxaa wacay” in la yiraahdo waa gar. Qof ahaan, maalintaas Maandhuux ku dhacday barkadda laga soo bilaabo, waxa aan u fiirsan jirey sida Soomaalidu beelaysiga u adeegsato.

Haddana, kolkii filkayga iyo aqoontay-duba sii kordheen waxa aan sii ogaaday in beelaysigu uu koonka dhan ka jiro, qaabka Soomaalidu u adeegsatose ka mid yahay kuwa ugu liita. Hammi kale baa haddana igu sii dhashay. Waxaa aan mar kale sii ogaaday in Soomaaligu uusan qabiil aamminsanayn ee qaran ka maarmiya uusan weli helin. Waxaa aan markaas sandulle isaga sii dhigay bal in aan wax ka ogaado sababta.

Haddaba, haddii aan 44 dabshid u fiir-sanayey arrintaas maantana aan leeya-hay ugu yaraan 14 dhigane oo baaris iyo bankadhisba leh, aan bidhaansho meelo faraha lagu sii mudi karo.

In kasta oo dabshidka dhanba 4 jeer la soo saaro, Soosaarrada Majalladda Warsan

 

  • tayo aad u sarreysa lagu daabaco, bogga tifatiraha, waxaa ku dheehan “Danta guud lid (VS) Danta gaar”. Boggu intaas kuma koobna, ee waxa uu ku nuuxn-uusadaa sida Soomaalidu danta gaarka ah

doorka u siiso—iyada oo in badan og tahay in danta gaarka ahi ku jirto danta guud.

 

Aan sooyaal kooban bidhaansho. Qarnigii 1aad, amaba ka hor, badmareen-nadii Giriigga, Carabta, Beershiyaanka iyo kuwo kaleba ahaa, kolkii ay badda Meddi-tereeniyaanka soo raaceen, dabadeedna ta Cas, haddana xeebta Gacanka Berbera

 

  • dunida badankeed hadda u taqaan Gacanka Cadmeed—ilaa badda Hindiya, iyo dhanka badda Carabta, Soomaalida waxa ay ugu yeeri jireen Berbers, ama Berberta madow, amaba Berberta Afrikada Bari. Waxa ay ula ekaadeen bulshooyinka dega Waqooyi-Afrika sida Aljeeriya, Tuuniisiya, Liibiya, iyo Marooko oo 90%+ uskun ahaan bulshadu Berber ku abtirsato.

 

Badmaaxyadaasi waxa ay Soomaalida ku sheegeen beelo muran badan dusha-na isaga wada xiran. Marka ay sidaas u tilmaameen, koonka kale, meelihii awoodo midaysan ka talinayeen boqorro baa haystay. Boqortooyo waa hab-maam-muleed muquunin ku dhisan, haddana mar bay dhaantaa qalalaaso.

 

Sooyaalku,Soomaaliga waxa uu ku tilmaamaa danayste waana hubanti in aan danaystenimada lagu dhalan ee si uu ku dhashay. Haddaba, waa halka Soomaal-igu ka yiri “Qabiil kuma habar wacdeen ee wax ii dhaama baan waayey,”waa in la baaro bal in danaystenimada dantu keentay laga maarmay iyo in kale.

 

Danayste iyo dad muran badan cid kastaba ha ku sheegtee, arrin baa xusuusin mudan. Boqorro ciiddaas ka badan baa Soomaalidu weligeed lahayd. Haddana,hal midna waa ku guulaysan waayey in uu Soomaali oo dhan hoostiisa isugu keeno.

 

Iyada oo taasi jirto, sooyaal yahannada, buug dhaariyada iyo waxgaradkuba waxa ay qabaan in aan Soomaaligu weligiis arkin nidaam uu uga maarmo ku-tiirsanaanta beelaysiga. Aragtidaas maxaa loo cuska-nayaa?

 

Indheergaradyo baa isku dayey in ay Soomaali mideeyaan waxaana ugu caansan Daraawiish iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Kolkii laga adkaaday 1920-meeyihii, reer Yurub iyo Boqorradii Itoobiya waxa ay heleen xasillooni ay ku qaybsadaan deegaannada Soomaalida dabadeedna ay gacan ku sii siiyaan in Soomaalidu ay isbahaysiyo isu sii kala saarto—ilaa ay gaartay in jeesba nin caano ku shubto.

 

Haddana, dareenkii midaynta Soomaal-ida waxa uu haddana soo noolaaday dagaalkii 2aad ee dunida. Dhallin qiirootay gumaysi diidnimadu isu keentay, 16 jirna ka mid ahaa baa unkay SYL, SNL, USP iyo HYC iyo kuwo kale. Waxa ay abuureen dareen beelaysiga looga guuri karo Soomaalina magac dawladeed lagu midayn karo. Bulshada Soomaali-yeed oo weligeed loo yiqiin welina loo yaqaan deegaanka guud ee sawirka soo socda, iyada oo Ingiriis, Ingiriis (Keenya), Talyaani, Itoobiya iyo Faransiis ku kala hoos jirtey, aad bay u soo wada dhaweysay halgankaas? Haddaba, Soomaalidu dib bay ugu guurtay beelaysiga ee maxaa dhacay?

 

Soomaali-Faransa, hadda Jabuuti

  1. Soomaali-Ingiriis, hadda maammulka Soomaalilaandi
  2. Soomaali-Itoobiya, hadda Ismaam-mulka Soomaalida ee Itoobiya
  3. Soomaali-Ingiriis, hadda gobolka Waqooyi-bari ee Keenya (Soomaali-Keenya)
  4. Soomaali-Talyaani, hadda dawlad-wadaagga guud.

Sawirka guud waxaa mahad ku mudan “Africa’s First Democrats (Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak Hussen) by Abdi Ismail Samatar, Indiana University Press, 2016—halka habaynta kale qoraagani leeyahay.

 

Guud ahaan, madaxdu waa bareyaal guud bulshaduna waa ardaydii. Kolkii 2 iyo 5 Soomaaliya dhaliyeen 1960, dadweynihii waxa uu indhihii ku dillaacsaday arrimo si xun u tusay waxa dawladi noqon karto.

Bulshadii waxa ay aragtay madaxdii oo guryo qurxo badan muddo yar ku dhisatay. Hadaaqii bulshadu waxa uu tilmaamay in aan guryahaas mushaar keli ah laga dhisin. In yar baa haddana la sugay. Waxaa kolkaas iyana la arkay carruurtii madaxda deeq waxbarasho loo diray xataa kuwii damiinka ahaa. Shacabkii oo yaabban baa haddana arkay iyada oo wasiir kasta uu beeshiisa ka shaqaalaynayo wasaaraddii bulshada dhan loogu dhiibay.

Haweeney waayeel ah oo xigaalo u daran xero uga guurtay baa laga sheegay “Weli wax baan dhowrin”. Waxaaba sii baahday in xatooyada xoolaha dadweynaha loo tartamo loona arko ragannimo. Dhaqankii reerguuraagu isbahaysiyo isu dirirayeen isna waa istaagi waayey. Dawladdii dhal-atay ma noqon mid wax ka qabata dilka, dhaca, haybsooca iyo quursiga.

Haddana, taasi ma aha in bulshadu ay beelaysiga iska jeceshahay, ama dadku aysan garanayn in beelaysiga iyo hayb-soocu xun yihiin. Inta xusuusan karta iyo in ay u hor tahayba, intii aan maammul-

kii askartu imaan, 1969, magaalooyinka waaweyn, bulshadu waxa ay ku socotay heer yare laga siqo beelaysiga. Haa, oo xisbiyadii badnaa oo golaha wakiillada u tartamayey beelo ahaan bay u teed-sanaayeen cid gar ah baana maskab ku doonaysay, balse dad badan baa ka xishoonayey in ay beelaysi ku faanaan. Nebcaantii bulshadu u qabtay beelaysi iyo musuqmaasuqa, Oktoobar 1969, iyada dawladnimo la haystay in 10 dabshid ka yar, waxaa caleemo qoyan loo ruxay Jenneraal xukun boobay—taas oo iyana muddo yar kaddib noqotay ka dar oo dibi dhal, imminkana sheekadu tahay “Afkii baa juuqda gabay”.

Haddii aan dooddan soo kufinno, lama oran karo Soomaaligu qabiil buu aammin-san yahay ilaa la qaado tijaabo. “Qofku waa dembilaawe ilaa gaf ku caddaado” waa murti aadanuhu inta badan isla oggol yahay. Haddaba, inta aan Soomaaliga lagu eedayn in beelaysigu diin u yahay, ugu horreynta, baahida beelaysiga waa in xal loo helo dabadeedna la eego bal in beelay-siga loo boholyoobo iyo in laga bulaalo.

Iyada oo aan ku doodaynno in Soomaal-igu uusan jacayl gaar ah u qabin beelay-siga, akhristaha talo baan ku reebaynnaa.

Diyaarso waraysiqaad (questionnaire) wadan kara:

  1. Xaggee ku nooshahay?
  2. Beelaysi Soomaalinnimada ka hooseeya ma ku dhaqantaa?
  3. Haa, maxaa kugu kallifa?
  4. Maya, maxaa kugu kallifa?
  5. Guud ahaan, beelaysiga ma aammin-san tahay?

Cali M. Cabdigiir (Caliganay) caliganay54@hotmail.com

Related posts

Somaliyey dood baan ka qabaa in aad ku faraxsantay-Waayo?

gradadev

Hab-fikirkeenna iyo waayaha cusub

gradadev

Musuqmaasaq Soomaali Waa Meheraddeediiye

gradadev

Leave a Comment