25.8 C
New York
July 10, 2020
Opinion

Kala-Aragti Duwaanaantu Waa Ilbaxnnimo

Mohamed O. Hagi Mohamoud
Juun, 2029
Kala aragti duwaanaanta ra’yigu waa halka ay ilbaxnimada iyo aqoonta maanta dunida taal ka soo ifbaxday. In ra’yiga lagu kala duwanaado ayaa xaddaarad ah. Waxase shuruud ah in isla aaraada lagu kala duwan yahay la isku ixtiraamo. Doodaha ka dhasha araahda kala duwan ee waxsan raadiska ah ayaa horumarka bulshooyinka keena. Dabcan, doodaha iyo aaraadu ma wada saxsanaan karaan, wakhtiga ayaa se saxnaantooda iyo qaladkooda u kala run sheegaa.

Tusaale ahaan, Cilmiga Science muddo 1,000 sano ah ayuu diimaha loolan adag kula jiray. Aakhirkii cilmiga science bannaanka ayuu u soo baxay oo waxa uu iska caabiyey diimihii cadaadiska ku hayey, gaar ahaan diinta Kiristanka. Sababta oo ah, faa’idadiisa ayaa la gartay iyo in uu nolosha wax weyn ku soo kordhinayo. Cilmiga maadiga ah (science) waxa u hiiliyey ma aha wax kale; waa wakhtiga -wakhtiga ayaa runta u gargaara beentana suuliya.

Maanta diimuhu sidoodii ayey u jiraan oo ay wacdiga u wadaan. Ilbaxnimada iyo fahamka ayaa keenay in cilmiga maadiga ah iyo diimaha kala duwan ay maskaxaha bulshooyiinka caalamka ku wada noolaan karaan. Markii hore waxa ay diimuhu u turjumayeen cilmiga maadiga ah in uu yahay hadal iyo ficil shayddaan.
Adiga oo Muslim ah ayaad aaminsan tahay cilmiga maaddiga ah (science). Adduunka korkiisa waxa aad nolol oo dhan u isticmaashaa waa science, haddana cibaadadaada ayaad wadataa. Science ku 92% bulshooyinka caalamka kama kaxayn diimihii ay aaminsanaayeen, inkasta oo uu saameyn ku yeeshay habka cibaadadooda, gaar ahaan dunida Kiristanka.

Maanta wakhtigu waxa uu dhaxalsiiyey cilmigii maadiga ahaa halka uu joogo oo ah in wax walba isaga loo daba fadhiisto. Diin iyo diin la’aan cilmiga science-ka ayaa ah waxa nolosha guud ee aadanaha qaabeeya wakhtigan la joogo. Calalla marka la helo wax kale oo loolan la gala.

Taa waxa aan u ga socdaa ra’yiga kala duwan ee aadanuhu waa ka keenay wax wal oo cusub. Ha ka biqin waxa cusub, si kasta oo aad u kufto oo aad u la qabsan waydo wax noloshaada ku cusub, haddana waad ka kici kartaa. Isku day in aad aaraah abuurto, haddii aad abuuri kari waydo kuwa jira naqdi oo falanqee. Wax iska wayddii nolosha. Isku day in aad taqaanno xasuusnaatana shalay, ugu dambeyn wadciga maanta si weyn ugu fiirso si aad berrito u saadaaliso.

Weligaa ha ku habsaamin qof, shakhsiyad, cid qolo iyo qoom gaar ah midna. Maskaxuhu waxa ay ku waayeelaan oo ay ku waaweynaadaan aaraahda iyo afkaarta (ideas). Maskaxaha dadku waxa ay ku diciifaan ashiyaada (material). Maskaxa dadku ugu dambeyn waxa ay ku siqiiraan oo ay ku saaqidaan ka hadalka askhaasta (people). Yaree caadifaddaada oo kori garaadkaaga. Isku day in aad fahamto bay’ada aad ku nooshahay. Ku go’aan qaado maskaxdaada oo keliya, yaaney ku saameyn waxa hareerahaaga ka socdaa oo aaney kaa duwin jahada saxda ah. �
Mohamed O. Hagi Mohamoud

Related posts

An Arab-Israeli alliance is taking shape in the Middle East

warsan

When Journalists Don’t Trust Their Bosses

warsan

Which former president costs South Africans the most?

warsan

Leave a Comment