19.7 C
New York
July 24, 2019
Politics Regional

“GACANTUU KA BAXAY” MICNAHEEDU MAXUU YAHAY ?

Madaxweyne qeyllada ma maqashay

 

Kalmadaha   “gacantuu   kabaxay”    ayaa    beryihii na  dhaafay  waxa  aad  u adeegsaney  mucaarad  dowladda madxweyne Maxamed Cabdullaahi.

Qoddobada ugu muhinsan ee ku jiray warmurtiyeedkii 9kii Sebtembar, 2018kii ka soo baxay Kismaayo ayuu amnigu ka mid ahaa. Mas’uulkii inta shir jaraa’id qabta oo kalmadda “amnigu gacanta ayuu ka baxay” Afka ku ballaariya, welibana u digay xildhibaanno laba aqal ka tirsan oo shirka jaraa’id fadhiyey, waa guddoomiyaha golaha maamulka ee dowlad-goboleedka Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare.

Waare, oo arrinka dareen xammaasadi hareysay ku muujiyey ayaa xukuumada Xasan Cali ku dhaliilay wax qabad la’aan iyo kartidarro dhinaca maamulka ah. Toddoba iyo tobankii (17kii) Sebtembar markii golaha shacabku u fadhiisteen fadhigoodii ugu horreeyey intii ay ka soo laabteen fasaxa, ajandahuna amniga ahaa, ayaa ku idlaaday dood ah“gacantuu ka baxay” iyo “weli kama bixin”. (waa amniga) Qormadan gaaban, waxan isku deyeynaa inaan ku qeexnno micnaha saxa ah ee “gacantuu ka baxay”. Micnaheedu maxuu yahay, qeexmo ceynkee ah ayeyse qaadan karta.

Fahamku, waxa uu yahay, gudoomiye Waare, xubnihii golaha shacabka iyo mucaaradka ee kalamadan aad u adeegsaday fasirka ay siinayaan maxuu noqonayaa. Haddii micnaha ay siinayaan uu yahay, amnigu waa isku daatay, meel laga dabaqabateena male, waxa loo baahan yahay inay ka jawaabaan, sababta uu Xamar caadiga u yahay oo dadku howlahooda caadiga u wataan, golaha shacabku u shirayaan, Waare garoonka shir jaraa’id ugu qabtay, wasiirraduna xafiisyadooda ugu shaqo tagaan.

Amnigu markuu gacanta ka baxay Xamar, tilmaantiisa, waxa sharraxi kara, cabbiri kara,“gacan ka bax” amni nooca uu yahay, qofkii joogay sannadkii, 1990kii, markii ciidamadii dowladdii Maxamed Siyaad Barre (Alla jannada ha ka waraabiyee) iyo jabhadihii ka soo horjeeday mudada bisha ah ku dagaalamayeen Xamar iyo markii ay ciidamadu ka baxeen, jabhaduhuna isku hareen, wejiga uu Xamar lahaa.

Waxay aheyd meel fowdo ah, ka qoriga heystaa dowlad yahay dagaallada qabaa’ilku joogta yihiin, dadkuna qaxayo, oo magaalada la banneynayo nidaamkii dowligu burburay.

Waxay qaadan kadhay kalamadaha hadda la siinaayo ee ah “amnigu gacantuu ka baxay”. Haddii micna ka sare ka duwan la siinaayo, waxa loo baahnayaa in micnaha ay qaadan kadho la qeexo, waana kaa, ka qormadan kooban uga jawaabi doono inta aan ka fahamnno.

“GACANTUU KA BAXAY” Gacanta waxa ka baxay micnaheeda waxa loo fasiri kara, shey gacantaada ka fakaday oo aan howo laga qabin inuu badbaadayo. Micnaha ay isku jilibka yihiin ee ay jaalloobi karaanna, waxa ka mida: la xakameyn karin, la maamuli karin, wax isku daatay, baahaloobay, nidaamkii lumiyey, fowdo ah, amarka qaadan, aan la qabooji karin, kala daadsan. Wax walba khalad u shaqeynayaan, laguna kala yaacayo. Markaa amnigu gacantuu ka baxay Kalmadahan dhamaantood, waxay tilmaamayaan xaalad rajo-beela oo  aan rajo laga qabin in dib loo soo kabkabo ama qaadaneyso waqti aan la qiyaasi karin. Waxa hubaala in habacsanaan amni oo ballaarani jirto, dhiig-baxna ku sugan yahay, laakin dhiig cid ku deeqda hadii la helo, rajo ayaa laga qabaa inuu soo hagaago, lana dabaqabateyn karo.

Dhaliil in laga soo jeediyo, waa wax xaq loo leeyahay, hayeeshee, waa in lagu cabiro niyad waddaniyadeed, Islaamnnimo iyo Somaalinnimo. Mushkiladda amni, ee hadda aad mooddo in dana kale laga dhex-googoobaayo, eedda ugu horreysa, waxa is kale, golaha shacabka ee iyaga hadda qeylada ugu badani ka soo baxeyso, oo waa wareeyda le, xukuumaddana uga dhigay mid waxqabadkeedu 0% yahay.

Golaha shacabku, ma isweydiiyey sababta guddiyaddiisu la xisaabtan iyo dabagal ugu sameyn waayeen xukuummadda ay hadda xagxaganayaan. Yaa sheegi kara gudida golaha ka tirsan ee howl loo bogay ka sameeyey howlihii loo diray. Gudida amniga ee qaar xubnahiis cambaareynta qeyb ka yihiin, jawaabta ay u hayaan waa tee, sabata golaha loo keeni waayey sharciga amniga.

Haddii la keeni waayey, wasaaradda qaabilsan maxaa golaha loo hor keeni waayey. Goluhu intuusan eed soo jeedin, isagu tiisa ma ka soo baxay, yaase iyaga kula xisaabtamaya. Hal guddi, oo waxqabdkiisa la maqlo ma jiro. Guddoomiye Mursal, waxay ka muteysteen abaal marin.! Guddiyo cusub oo facaala, sow looma baahna.

Waxa diyaariyey qorayaasha Warsan

Related posts

Madaxweyne Geelle: “waxan horseed ka nahay hana-qaadka iyo kala-faa’ideysiga ganacsiga”

gradadev

PENTAGON STEPS UP DISPUTE WITH TURKEY OVER WEAPON PURCHASE FROM MOSCOW

warsan

QATAR FOREIGN MINISTER CRITICAL OF SAUDI, UAE EFFORT TO IMPOSE ‘STABILITY’ ON REGION

gradadev

Leave a Comment