The Warsan
Politics

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamigu, waa mid, waana Gamaal M. Xasan

Burburinta iyo duminta, waxa looga tag-la’yahay kuwii la rabay inay wax dhisaan. Bilowgii sannadkan, shir dhinaca waxbarashada ah oo loo fari-istay Dakar ee ah magaalo-madaxda dalka galbeedka Afrika ku yaal ee Senigaal, ayaa waxa isug tegay dhowr wasiir-waxbarasho Somaaliya ka socda, markaasaa, waxa la waayey si loo xalliyo cidda magaca jamhuuri-yada ku fariisaneysa.

Qolada wax casuntay, oo aan filayo inay aheyd UNICEF oo ka mida hey’adaha gacanta weyn kule la dagaallanka inay dhismaan jaraja-rooyinkii dowlladnnimo, gaar ahaan hey’adihii burburay ee dowladda, ayaa la wariyey inay ku talo bixisay in loo wada-oggolaado

Wasaaradda caafimaadk, oo ay hey’addani gacan weyn ku leedahay, meela badanna gacan ka siiso, waxay warbixinno la daabacay sheegayeen in waaxyaha wasaarradda agaas-simayaashoodu ku jiraan liiska mushaarka UNICEF, howsha loo dirayna ay tahay inayan dhismin waaxyaha wasaarradu, oo runtiina marka ay tagto ka dareemeyso.

Gamaal, oo waraaqihiisa danjirannimo gudbinayey

Waxad dooneysa inaad la kulanto, mid waaxyahaa, mid ka mida ku magacaaban. Marka aad iska soo daba noqoto dhowr maalmood, ayaa maalin dambe farta laguugu fiiqayaa wiil yar, oo derbi taagan oo boorso yari garabka ugu jirto. Wadahadalka ugu horreeyaba, waxa uu kuu soo hormarinayaa adeer, UNICEF ayaan shir ku leeyahay ee maxaa daran?Marka aad ku celiso, oo adeer dhowrkii maal-mood ee aan halkan imaanayey, waxa ley lahaa, shir UNICEF ah ayuu jira, ee ma xafiisa halkaa kuugu yaal? Jawaabtu waa, wax badanaa isaga kaaya xirane, la’aanteedna wasaarraduba ma shaqeyn karto. Wey na kaa!

Dhinaca kale, madxweynayaasha gobollada ayaa ah kuwa ugu horreeya ee jebiya jaran-jaradii xilalka dowladda, iyagoo siinaya ama u raacinaya wasiirradooda shaqo aan sharci ahaan ugu jirin xilkiisa, oo uu leeyahay mid ku jira golaha wasiirrada ee federaalka.

Matalan, marka Barasaabyada, madaxw-eynayaasha sheegtay ay magacaabayaan wasiirrada, waxa ka buuxa kuwa la siiyey xilal aaney laheyn ama isaguba –waa barasaab-kee uusan magacabi karin. Waxad maqleysa mid magacaabaya wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga iyo kii loo magacaabay oo run u qaadanaya, kuna howl gelaya. Waxa inta badan, Nayroobi lagu arkaa wasiirrada qorsheynta gobollada oo kule shir caalami ah oo qorshaha gobolka ah ayaan u joogaa. Haddaad weydiiso, waxa uu ka shaqeynayo wasiirka federaalka ee qorsha iyo xiriirka caal-amiga ah, waxa uu isku deyeyaa inuu kugu qanciyo inay laba shaqo kala leeyihiin, waaba haddii uusan kugu soo celin, su’aal ah “isaga weydii”

Waxa la wariyaa, in qaar (waa barasaaby-adee) ay ku sigtaan inay magacaabaan wasi-irka gaashaandhigga. La yaabkuse, waxa weeye, ka loo magacaabay xilkaas, oo aan saxeyn Barasaabka, khaladkiisiina hirgelinaya. Waxa laga yaabaa inuu yahay mid tacliintiisu sarreyso, welibana qurba wax ku bartay oo kala yaqaan jagooyinka federaalku leeyahay iyo kuwa gobollada. Dalkani, hal wasiir-qorshe iyo xiriir caalami ayuu leeyahay, waxana loo magacaabay oo xilkaas wada Ambassador Gamaal Maxamed Xasan. JOOGSI

Related posts

Biden’s Problem in Yemen: The Houthis are Winning

warsan

Africa and China: An enduring friendship and partnership

warsan

China warns Indian media to observe ‘one-China’ policy, Taiwan tells China to ‘get lost’

warsan