Muddo haatan laga joogo 1400, oo sannadood ayay ahayd markii uu Nebi Muxamed SCW uu dadka Muslimiinta ah kula dardaarmay inay Sujuudda badiyaan, isla markaana ay Sujuudu tahay xilliga uu qofku Ilaa-hay ugu dhaw yahay.
Haddaba, daah-fur caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Sujuudu wax badan ka tarto caafimaadka jidhka iyo maskaxda Bani’aadamka. Dr. Cabdirisaaq Muxumed Xasan (Dr. Lixle) oo ah Cilmi Baadhe iyo dhakhtar haysta shahaadada labaad (Master Degree), ayaa waxa uu dha-waan soo dhigey barta uu ku leeya-hay Facebook-ga qoraal dheer uu ka diyaariyay arrintaasi. Waxa uu ku sheegey in Sujuudu ay daawo ka tahay xanuuno badan, isla markaa-na qofka Sujuudda badan leh aanu ku dhicin xanuunka isku buuqu, waxaanu Dr. Lixle Qoraalkiisa oo Wargeyska Saxafi soo qaatay ku yidhi;
“Sujuudu, waa rukni ka mid ah arkaanta salaada. Adoonkuna wuxu Ilaahay ugu dhaw yahay markuu su-juudsan yahay. Suurad dhan oo quraanka kariimka ka mid ah magaca sujuuda ayaa la siiyay, si la inoogu sheego ahmiya-da ay ilaahay agtiisa ka leeday. Sidoo kalena waa baraarujin. SUURATU SAJDAH;
Suuradani, waxay dhacdaa number-ka 32, marka laga soo tiryo xaga sare dhinaca Faataxadu kaga taalo Kitaabka Qur’aanka ah. . Kalmadaha sujuud iyana marka quraanka laga dhex tiriyay, waxay noqdeen 32jeer. Inta jeer ee ay tahay in la sujuudo goobaha ay quraanka kaga soo aro-ortay tiro ahaan waa 15 jeer. Suuradan aan kor ku soo sheegnay aayada tilmaamaysa, waxay kaga beegan tahay aayada 15aad. Sujuu-da, waxay culimadu ku tiriyaan inay tahay mid ka mid ah Mucjisooyinka quraanka.
Hadaba akhriste, faa’iidada caafimaad ee ku jirta Sujuudda lama koobi karo, xubin kasta oo jidhka ka mid ah faa’iido caafimaad ayay ka heshaa jidh ahaan iyo naf ahaanba.
Waxaana ka mid ah:
- Jidhka dhamaantii, sujuu-du waxay u nidaamisaa habsami u socodka wareega dhiiga. Habsami u socodka dhiiguna, wuxu firfircooni dheeraada siiyaa jidhka gabi ahaan-ba.
- Madaxa: Marka aad sujuud-san tahay, dhiigga intiisa ugu badan waxa loo shubaa xaga madaxa, si maskaxdu u hesho nafaqadii iyo ha-wadii ay u baahnayd.
Caafimaad ahaan, waxa la rumay-san yahay in sujuudu ay daaweyso xanuunnada neerfaha kiciya ((ner-vous tension)) oo dhan. Arrinta muhiimka ah, isaguna, waxa weeye sujuudu inay daawo ka tahay madax xanuunka iyo madax xanuunka((-HEADACHE AND MIGRAINE)).
Qofka sujuuda badan ama sujuuda ku dheeraadana, waxay culumadu sheegeen inaanuu ku dhicin xan-uunka la xidhiidha Maskaxda, sa-babtoo ah Illaahay subxaanahuu wa tacaalaa ayaa xijaab u sameeya ka ilaaliya ((negetive electric charges)) oo ah kuwa cadhada, diiqada, wal-walka, murugada, iyo dhamaan xan-uunada madaxa keena, Culimada qaar, waxay ku dheeraadeen inay xataa cimri dherer ku jiro, cimri dh-ererku halkan micne ahaan, wux-uu ugu jiraa hadii caafimaadkaagu wanaagsanaado, wax qabadkaaguna wuu kordhayaa, waxaanad ka bad-baadaysaa sanado badan, oo aad sa-riir yaal ahaan lahayd oo iyana waqti cimrigaaga ka go’an ah. Mar walba se waxad dhimanaysaa waqtigii rabi kuu asteeyay.
Maadaama maskaxda ku badan tahay dhaqaaq danabeed (electirical activity) sujuudu, waxay ka caawisaa in la isku miisaamo danabka togan iyo tan taban, si aanay u dhicin xan-uunada ay ka mid ka tahay, SUUX-DINTU ((EPILEPSY)), sababta oo ah marka uu qofku sujuudsan yahay, dhaqaaaqyada dabaynta taban ee maskaxdu, waxay ka soo baxaysa halka uu qofku wejigiisa Sujuud-da dhulka ka dhigo, waxaanay toos u gashaa dhulka, taasi oo wax alla wixii buuqa ku abuurayay maskaxdu ay dhulka gelayaan. Sujuuddu, wax-ay korisaa garashada iyo fahanka. xinjirawga ku samaysma xididka wadnaha dhexmara, oo ka mid ah xanuunada loo yaqaan (CRONARY ARTERY DISEASE)) iyo sidoo kale xinjirowga maskaxda waxayna dawo ka tahay faaliga ((STROKE)).
Cabdi Rizaaq Muxumed Xasan