The Warsan
Cover

   ODOROS GOLAHA ERGOOYINKA

April 19,2023

WQ: Maxamuud A. Muse

 

Maaha dhacdo hadda uun la ib furay, waayo waa mid ka mida awoodaha madaxweynaha u siinaaya inuu magacaabo mid uga wakiil noqda howl xal loogu raadinayo mid ka mida surbacaadyada bulshadeennu la nooshahay. Waxase anfariir iyo dhabanna heys ah in dhabarka laga taabto mid ku guuldareystay xil gudashadiisa hore loogu tijaabiyey. Ninna fili maayo in xil kale lagu abaalmariyo, waase dhqan aad loogu bartay madaxdii qarankan iska soo dhaxleyey, si gaara kuwa is-buurashadii qarankan la kowsaday.

Xunbaha golahan, waxan ka soo qaadan doonno saddax xubnood oo aad loogu yaqaanno masraxa siyaasadda qarankan.

 

 

Cabdikariim Xuseen Guuleed: Cabdikariim, waa 57 jir ku dhashay magaalada Beled weyne, Hiiraan. Guuleed, waxa uu ka qalin jebiyey qeybta maamulka ee jaamacadda (University of science and technology-Yaman). Qeyb mugle ayuu ku leeyahay sidii caruurta Somaaliyeed ay waxbarasho u heli laheyd bilowgii is-buurashada qarankan, oo ahaa waqti aaney dad badan ku dhiiran karin waxqabad bulsho.

Wasiirka arrimaha gudaha ayuu ka noqday dowladdii RW Shirddoon, 4tii Nofember 2012- 17kii Janaayo, 2014kii. Isla 2014kii ayuu iska casilay xilkaas, wax lagu sheegay xil-gudasho la’aan kadib markii golaha shacabka culeys uga yimid.

Afartii Julaay, 2015kii, Guuleed waxa uu doorasho aad leysugu maandhaafay kaga guuleystay Axmed Mocallim Fiqi oo loo galay madaxtooyada Galmudug. Waxa lagu xusuustaa heshiiskii (Galkacyo agreement) oo lagu nabadeynayey bulshada Gaalkacyo.

Guuleed haddana madaxtooyadii Galmudug ayuu is casilay arrimo caafimaad awgeed. Qalliin wadnaha ah ayuu maray bey diiwaanisay warbaahinta guduhu. Hadda waxa dhabarka loo suray arrimaha murugsan ee Somlandida le waa goosannay iyo jamhuuriyada inteeda kala, bal inuu asaaska u dhigi karaayo wadiiqo dib midnnimada loogu yagleelo. Maaha howl sahlan murugsanaanta arrinka awgeed.

Dad baa qaba in Koofuri aaney heyn qorshe qancin kara waqooyiga oo aan aheyn midnnimo waa muqaddas. Midnnimo hadda muqaddas maaha, waxa le qeybtii keentay. Qorshe cusub oo goosashada baajin kara fili meynno in Cabdikariim lagu hubeeyey, kansho badan oo uu ku guuleysan karana ma muuqdaan, is-aragga ugu horreeya ayeyna wadahadalladu fashilmayaan, marka Cabdikariim ku doodo midnnimo waa lama taabtaan.

Cabdikariim, waxa la gudboon inta aanuu shirarka u libisan, inuu waqti geliyo qorshe cusub oo waqooyiga kalsooni siin kara. Haddii kale, Cadikariim, waxa uu iska ahaanayaa askari fara madhnaan dagaal loo diray, isna inuu taa aqbalo maaha.

Maxamed Cabdi Waare: Waare waa 62 jir ku dhashay magaalada Jowhar, xarunta hoggaaminta Hirshabeelle. Halgan ayuu waxbarashada hoose ku bilaabay, dugsigii sare ee beerahana (Afgooye) waxa uu ka baxay sannadkii 1979kii. Mar dambe ayuu dibloma dhinaca ballaarinta adeegga beeraha ka qaatay (Indiana University Bloomington). Shaqooyinka uu soo qabtay badan, bal waxan isku koobeynaa madaxtooyada Hirshabeelle oo hoggaaminteeda loo caleema-saaray sannadkii 2017kii iyo ta hadda uu haayo.

Waare, madaxtooyada Hirshabeelle waxa uga horreeyey Cali Cabdullahi Cosoble oo af-gambi abaabulan xilka looga tuuray, Farmaajana wax laga saaray. Cali in kastoo waqtigiisu koobnaa, haddana laba dhagax oo uu isi saaray lama warin, Waarana sidaa uu Cali uga tegay ayaa loogu soo galbiyey Hirshabeelle. Waa loo hanweynaa Waare, waayoo waxa uu kulansaday wax kasta oo aadane ka saacidi kara inuu weel ebera, buuxiyo. Aqoon, waaya-aragnnimo, af-tahannimo, galaangal iyo fahamka dunida daneeysa gayigan. Hirshabeelle nimcooyinkaa Alla ku galladay wax ma ugu taray? Mucaaradkiisa iyo muxaafadkuba waxayan isku diidin inuu fashilmay. Walow aayan gar aheyn in goorta loo suro wax ka dhashay ceejo ugu timid dowladdii Farmaajo, oo fashilkiisa qeyb ka aheyd.

Gafaf maamul oo tira beelay ayaa haseyeeshee, Waare galalka uga buuxa. Waxa laga bartay oo aan rajeynaayo inaan looga dayan magacaabis lix, lix bilood socota, kii lagu bilaabayna ku noqnoqota. Waa go’aan kaa saacidaaya kuna baraya maskaxda go’aankaa qaadaneysay ta ay tahay. Kaaga daranta joorfalka qaradaa le cidda loo mooreeyey, waa tu loo nasab sheegto.

Mashaariicda Hirshabeelle badankood kuwa nasiibkoodu soo dhaafiyo jid gooyada xargaha goosatay ee Federaalka, waxay ku hor qudh bixi jireen madaxtooyada Hirshabeela marka looga dhex jeedi waayo danaha gaarka ah.

Masuuliyad haddii garbaha laguu suro, waxa lagaa sugaa waa howkarnnimo guluf iyo soo jeed badan neefsata. Xafladeynta iyo tamashlaha haddii looga mashquulo ka warran? Hirshabeelle mey helin cid u dana qumisa, cid ka dana qunsata ‘”Haa”

Waare shaqada hadda loo diray, waxa hore loogu wakiishay wasaaradaha arrimaha gudaha ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Caqabad xil gudasho waa ta halkaa ka soo muuqaneysa, markaa Waare haddu noqdo mid dana is-diiddan is-dhexgelin kara, tiisana kala soo bixi kara, waa nabad iyo caano, haddiise taasi suuroobi weydo, shirar aan natiijo laheyn ayuum buu mashquul ku ahaan doonaa.

 

       

Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame: Warsame waa 54 jir ku dhashay magaalada B/burte-Hiraan. Waxbarashada hoose/dhexe/ sare waxa uu ku dhameeyey isla magaaladaa. Shahaadada hore ee sharciga, waxa uu ka qaatay jaamacadda (International University of Africa-Khartum) ta labaadna isla sharciga ayuu kaga qaaatay jaamacadda (National University of Maleyshia). Warsame, Golaha shacabka ayuu xubin ka noqday 2009- 2010kii, haddana waa ka mid. Meelo badan ayuu ka soo shaqeeyey, wasaaraddii qorshaha dowladdii Shariif Sheekh Axmed  ayuu wasiir ka noqday 2009-2010kii iyo hadda oo uu yahay wakiilka madaxweynaha ee arrimaha abaaraha iyo xubin golaha shacabka.

Dadka dhaliila magacaabista wakiillada madaxweynaha, waxay dooddoodu tahay in madaxweynuhu meeleyn uun uu sameeyey ee natiijo loo aayo aan laga fili karin xaaladaha dul hoganaaya howlaha loo diray awgeed, qaar baase qaba in ta loo diray Warsame baahi deg dega loo qabay, mudneynna inay dhacdo. Warsame Dhaliilaha maamul ee loo libisay ragga kore lama wadaago baa la qabaa, in kasta mucaaradkiisu wax ka saarayaan heshiiskii (memorandum of understanding ee Somaaliya -Kenya) ee muranka badan dhaliyey, wallow Warsame arrinkaa golayaal badan isaga bari yeelay, haddana waa bar saameyn ku yeelatay sooyaalkiisa siyaasadeed baa la qabaa.

Warsame, waxa lagu ammaanay juhdiga uu geliyey arrimaha abaaraha mudada sannadka ku dhow ee uu magacaaban yahay. Shir kasta, dunida halkuu doono ha dhacee, Warsame waa ka bandhiga baaxadda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Somaaliyeed.

Juhdigaas mirihii laga gurtay si waadaxa looma soo bandhigin, nafo badan oo badbaadayna dadku mey arag. Hase ahaatee, cidda la socota Warsame barahiisa bulshada iyo haddalladiisa tooska ah, waxa laga dheehan karayaa inuu saluugsan yahay sida deeqaha loo maamulo, dowlad ahaan iyo sama-falayaasha caalamiga intaba. Dooddiisu waxa weeya bilyannada lagu uruuriyo magaca shacabka maxaaney nolosha dadka uga muuqan.

UNICEF- ey caruurta Somaalidu dhimashada adduunka waa kowaad, WFP-ey gaajadii hoos uma degto, FAO-ey beerihii lama tabco. Tuugsi ayaad u jeediseen dadkii inta aad beerasho u jeedin laheydeen, lacagaha magacaan aad ku heshaan xaggey maraan? “Qancin iyo xisaabtan ayaa loo baahan yahay”- waa doodda Warsame sidey u dhigmeyso marka doodahiisa la dhegeysto ama la aqriyo.’Degmadaan ku noolahay nin daryeel yiraahdaa, dulli buu ku qoran yahay’- Gaariye. Waxan ka soo qaadnnay bogga FB ee Warsame. Ciil baa dhuunta jooga!

Xigasho: Warsan magazine, cadadka Apriile-Juunyo, 2023


 

Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

If Trump Won’t Lead the World, Others Must

warsan

African Continent a Milking Cow for Google and Facebook

warsan

Three teachers killed and communication equipment destroyed in Garisa

warsan