Salaam African Bank, oo muddo dhowr sano ah shaqeynayey, waxa ka go’an inuu qeyb ahaado, isbeddelka dhinaca horumarka dalka ka socda, uuna sii hormariyo adeegga uu u hayo bulshada. Bankigu, waxa uu dhowaan u guurayaa Salaam Tower oo dhowaan la furay.
Sidoo kale, qorshihii saddax-sannad laha ee uu Baanku qorsheystay, waxa uu u socdaa si fiican, iyadoo ay qeb ka ahaayeen, gacanna ka geysteen howl wadeenno khibrad u le arrimaha ganacsiga, si aan u sii ballarinno adeegga aan siinno macaamiisheenna.
Bankigu, waxa uu wadaa qorshe uu ugu ballaranayo waddammada gobolka. Baanka, oo siyaasaddiisa sal ay u tahay in la kobciyo ganacsiga yar yar, si kor loogu qaado maciishada dan yarta, waxan caddeyneyna in siyaasaddaasi halkeedii ka sii socon doonta, oo aan is-bedde-lin. Sidaa awgeed, waxan ku dhiirregelineynaa ganacsatada yar yar inay ka faa’ideystaan qorshaas, baankana xiriir la soo sameeyaan. Baanku, dadka ayuu u adeegaa, si hufan waa uu ula shaqeyn doona mustaqbal.
Ugu dambeyntii, anoo ku hadlayaa magaca gudida maamulka Bankiga, waxan u mahad-celinayaa, sannadguurada 41aad ee xorriyadda qarankana ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, Ra’iisalwasaare Cabdu-kadir Kaamil Maxamed iyo guddoomiyaha Banki-ga dhexe, mudane Axmed Cusmaan. Waxanan iloobeyn taaageerada aad la garab joogtaan sidii loo hormarin lahaa bankiyada Jabuuti oo door mugle uga jira horumarka dalka.
Ali A. Hittam – Guddoomiyaha