The Warsan
CoverOpinion

Mohamed O. Hagi Mohamoud: Yuusuf Garaadoow, raggu waa raggii, goobtu waa goobtii, doodduna waa iyadii

Waxa qoray: Mohamed O. Hagi Mohamoud

 

Dooddii Yusuf Garaad waxa ay dhaafi kari wayday; Somaliland si kale la isagama difaaci karo’e iyaga ha la iska horkeeno. Waxa uu u jeedaa kuwa Xamar jooga ee Somaliland ka soo jeeda, oo keliya ayaa difaac u noqon kara midnnimada. Sheekadaa jawaabteeda, waa uu ogyahay, waase is-yeeyeelayaa waayeelku! Yuusuf, waxaan leeyahay ashkhaasta reer Somaliland ee Xamar jooga ee shaqo tagga ahi la midoobi maayaan iyagu Somaliland ee cidda midnnimada rabtaa (Soomaaliya) ha soo hor fadhiisato Somaliland.

Intaa waxa uu ku daray in dadka Reer Soomaaliya ay bilaa karti yihiin oo aqoontoodu aaney marnaba midnnimo keeni karin. Taa waxa uu ku caddeeyey dooddiisa, gaar ahaan halka uu leeyahay dadka miiska la soo fadhiista Somaliland, waa dad ka aqoon iyo garasho hooseeya dhiggooda wadahadallada. Waxa kale oo uu barobogaando ku sheegay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Labadaa doodood waa deelqaaf iyo aflagaaddo oo iyaga intaa u dhaafi maayo.

Marka uu sidaa leeyahay, Yuusuf waxa uu rabaa in Xamar ay khabiir u aragto wax ka tari kara doodda wadahadallada, sidaa darteed,  waxa uu farsamo codsanayaa in wadahadallada lagu daro! Haddana sida uu qoraalkiisa ku xusay Yuusuf taa cakiskeeda, waxa uu sheegay in doodihii hore oo dhan uu si toos ah iyo si dadbanba qayb uga ahaa! Isla doodahaa hore ee uu qaybta ka ahaa, waxa uu Yuusuf qirayaa in Somaaliya ay dhankeeda ku fashilantay oo doodda lagaga gacan sarreeyey!

Waxa ay iswayddiintu tahay, kuwaa hore ee uu dhex fadhiyey, muxuu wax u ga tari waayey? Walaalkay Yuusuf, waxa aan leeyahay raggu waa raggii, goobtuna waa goobtii, doodduna waa iyadii. Dhanka kalena waxba isma beddellin oo adigu waa adigii Yuusuf ahaa ee miiska lagu guuldarraystay shalay fadhiyey. Yeelkeed, Yuusuf, waxa aan mar labaad leeyahay kaalay, soo dhawow oo miiska mucjiso cusub la soo dhex fadhiiso, oo keen dood liqda madaxbannaanida Somaliland oo dhaafsiisan walaalo ayeynu nahay, Itoobiyana waa cadowgeenna ee aan midowno! Ku darso oo Itoobiyada cadowga ahi, waa ta afarta dekadood Muqdisho dhexdeeda bilaashka loogu saxeexay!

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud

—————————————————————————————————————————————————————————

AFEEF- Feker kasta ee Boggan ku soo baxa masuul waxa ka ah qoraha,  sinna ugama tarjumajo, saameynna kuma le siyaasadda majallada warsan iyo boggeedan midna.

—————————————————————————————————————————————————————————–

Related posts

President Farmajo: Why a small elite silences the voices of millions they claim to represent?

warsan

Ethiopia: 65 health professionals Contracted COVID-19

warsan

“Racism manifests in the very structure of international aid-UK MPs

warsan