The Warsan
Uncategorized

Yoolka Masar waxa weeye in Somaaliya u ahaato xoorka Geeska Afrika

Qalinkii Ibraahim Hawd

Waxaa jira siyaasado la halabuuro iyo kuwo nasiibku kugu sooro. Sidoo kale waxaa jirta siyaasad taxliilinteeda aqoon iyo xogogaalnimo lagu soo dhiraardhiriyo iyo mid banyaal iska ah oo qof waliba garan karo. Ta aynnu halkan ka ga hadlaynno ayaa nooca dambe ah.

Masar iyo ururka Jaamacadda Carabta ee ay iyadu gadhwadeenka ka tahay, waa cidda kowaad dunida ee aan aqbali karin gooni isu taagga Soomaalilaand. Taasi kama aha xumaan ee maslaxaddooda qoomiyadeed baa ku jirta Soomaaliya midaysan oo iyaga Geeska Afrika u joogta, isla markaa leh qaddar xoog ah oo Itoobbiya cabsi geliya. Maxamed Ibraahin Cigaal sannadkii 2000 wax uu yidhi: “Masar waxay doonaysaa Soomaalidu in ay weligeed ahaato xoorkii laga fadhiisan waayay Geeska Afrika.” Halkaa Geeska Afrika wax uu ula jeeday Itoobbiya, oo ah yoolka Masar.
Soomaalidu dawladnimada ka hor ayay la caaddifadootay qaddiyadaha Carabta kuna milantay. Kacaankii Masar iyo baaqii Jamaal Cabdinaasir, halgankii xoraynta Yaman, Falastiin, Aljeeriya, dagaalkii Yuhuudda iyo Carabta, dagaalkii Ciraaq iyo Eeraan, kacdoonka Wahaabiga, intaba Soomaalidu waa ay dhex yaacday, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba. Ka mid noqoshada Jaamacadda Carabta iyo la safashada qaddiyadaha Carabta dhab ahaan Soomaalidu wax aad u badan bay ku wayday, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida dhulkeeda, taas baana qayb ka ahayd burburkii dawladnimada.
Bahdilka ay xulafada reer Galbeedku Soomaalida u joogteeyeen sababteeda waxay aheyd  saddax arrimood:   Ta kowaad waxay ahayd in Soomaalidu kibir badnayd, ta labaad in ay reer Bariga raacday, ta saddaxaadna dagaalkii ay Itoobbiya ku qaadday. Dhanka kale, Soomaalidu waxay oggolaatay in la carabeeyo, iyada oo gashay heshiiskii xaaraanta ahaa, waxii loo yaqaannay Ololaha Carabaynta Soomaalida (xamlat at-tacriib as-Soomaal). Waxaas oo dhan Soomaalidu waxa ay ku heshay iyo waxa ay ku wayday weli kama ay xisaabtamin, waana taa sii wadda.
Haddaba in maamulka Xasan Sheekh sida muuqata dalqaada ugu dhacay Masar iyo maslaxadda qoomiyadda Carbeed, waxay si dabiici ah u xoojinaysaa dantii istiraatijiyadeed ee ka dhexaysay Soomaalilaand iyo Itoobbiya, una sii gudbin kartaa heer kale. Sidoo kale, tallaabada Soomaaliya Turkiga ayay dhanka Soomaalilaand u soo duwi kartaa, Turkiga oo ay ka go’an tahay inuu dhulka Soomaalida meel adag ku yeesho.
Turkiga oo Berbera yimaadda waxa qudha ee carqaladayn karaa waa dabinkii Imaaraadka/DP World ee Soomaalilaand sida ka fiirsi la’aanta ah ugu dhacday ee dekeddaa gacanta u gelisay. Reer Soomaalilaand maanta wax ay isku wada raacsan yihiin Berbera Imaaraadku inay dhiseen, se aanay horumarin dhaqaale ahaan, taas oo ka dhigaysa boos ceshi iyo curyaamin dekedaha Dubaay loogu danaynayo. Sidee haddaba Soomaalilaand u midayn kartaa soo jiidashada maalgashiga Turkiga, xidhiidhka togan ee Itoobbiya, raalligelinta reer Galbeedka iyo lacagtii Imaaraadka ka gashay Berbera?
Ugu horrayn Soomaalilaand iyada oo ka faa’iidaysanaysa isu dhowaansha dawladda Hawidaar iyo Jaamacadda Carabta, waxaa la gudboon inay ku dhaqanto siyaasad Carabta ka jeedda, kuna jeedda cid wal oo ay iyaga is hayaan: Turki, Eeraan, Gadar, Israa’iil, ay weheliso Itoobbiya oo ah ta ugu muhiimsan.
Xaaladahan oo kale siyaasaddu wax ay u baahan tahay dhiirrasho iyo waxoogaa qar iska tuurnnimo ah. Berbera daruuri uma aha saldhig millateri oo Turkiga la siiyo, waxaana loogu beddeli karaa inuu dhisto Lughaya, Seylac iyo Maydh tii uu doono. Muhimaddu waa in Turkiga Soomaalilaand laga siiyo beddel uu kaga maarmo Soomaaliyada ku kufriday ee ka abaaldhacday.
—————————————————————————————————————————-

Statements, comments or opinions published in this column are of those of the author(s) and do not necessarily reflect the editorial policy of Warsan magazine. Warsan reserves the right to moderate, publish or delete a post without prior consultation with the author(s). To publish your article or your advertisement contact our editorial team at: warsan54@gmail.com

Related posts

Ramaphosa’s presidency in peril as panel sees case for impeachment

warsan

UAE assisting Egypt to recruit Somali soldiers amid Horn power struggle with Ethiopia

warsan

Ethiopia arrests 400 as govt defends response to deadly ethnic violence

warsan