The Warsan
Opinion

XEERKA DUMINTA!

W.Q: Maxamed Nuur Shire

Ilmo aadan iyo inta dunida saaran idilkood ma dhammeystirna, sidaas daraadeed, waxa ay qabanayaan sax iyo khalad labadaba waa ay leeyihiin; taas macnaheedu waxa weeye, dunida oo dhan dhismo ayey ku jirtaa, oo wax ilaa iyo haatan la ebyey ma jiraan.

Eebbe weynaha dunida iyo waxa dulsaaran unkay ergeydii uu soo dirayey idilkood waxa ay wadeen farriimo isku mid ah, balse mid kasta waxa uu soo kordhinayey hadba wixii ummadda ka maqnaa, waana halka Nebi Maxamed (NNKH) uu ka yiri, “waxaa la ii soo direy oo kaliya inaan dhammeystiro dhaqanka wanaagsan”. Dabcan, waxaa la dhammeystiraa wax horey wax uga noolaayeen ee meel cidla ah wax lagama dhammeystiro.

Taas waxa aan ka fahmeynaa in dadaal kasta oo horey la isugu dayey ay ku jirto maskax bini’aadam oo dooneysay in waxaas ay noqdaan kuwa ugu wacan; iyada oo ay taasi jirto ayaa tayada arrin kasta ka muuqata ay le’egtahay ama ku xirantahay dadaalka iyo aqoonta la geliyey arrintaas.

Aan ku soo dhawaado qoddobka diiraddu ii saarantahay ee aad iga sugeyso ee “XEERKA DUMINTA”. Dadka Soomaaliyeed waxaa ka muuqda dhaqan la sii kala dhaxlayo oo ku saleysan in barnaamij kasta oo la saluugo in marka hore la dumiyo haddana eber laga soo bilaabayo, taas oo la macno noqon karta, in waqtigu ku dhammaanayo sida marba barnaamij loo aas-aasayo.

Aan Dib U Celino Cajaladda:

Tusaalaha koowaad:

Intii u dhexeysay bishii toddobaad ee sanadkii 1960-kii ilaa Oktoobar 1969-kii, waxaa Soomaaliya ka jiray xukuumado rayid ahaa oo dawladnimada waddanka ku waday hab dimuqraaddi ah oo la is doorto, codna lagu kala baxo. Madaxweyne Aadan Cadde, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey oo Afrikaan ah oo isaga oo talada haya doorasho lagaga adkaaday, isla markaasna aqbalay natiijadii doorashada oo sidaas xilka ku banneeyey.

Dhaliilo waa jireen oo xukuuaddahaasi ay lahaayeen oo qoddobka ugu weyn uu ahaa, musuqmaasuq baahsan oo dadka qaarkiis gaarsiiyey in sidii dawladnimadu ku socotay ay karhadaan, jecleystaanna in isbedel uu yimaado, walow dawladnimadu ay Soomaaliya ku cusbeyd.

Guuxaas oo jira ayaa shan iyo tobankii bishii Oktoobar 1969-kii magaalada Laascaanood waxaa askari ka mid ahaa booliska uu ku dilay madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke, dhacdadaasna waxa ay soo dedejisey afgambiga militeriga ee 21-kii Oktoobar; waxaa xaalku uu isugu sallaxay askarta, “Allow meel aan rabay roob ma iigu da’ay”.

Dawladdii miiliteriga ee dalka la wareegtay waxa ay la timid nidaam cusub, kii hore u dhisnaana waa ay xaaqday xumaan iyo samaan wixii uu lahaaba, habaar iyo dacaayadna waa u dabadhigtay.

Dhiiggii cusbaa wax badan oo waxqabad ah ayuu dalka ku soo siyaadiyey, haba u badnaadeen sannadadii hore, sida, dhisiddii ciidankii xoogga dalka, kaabayaashii dhaqaalaha iyo qoriddii afka Soomaaliga.

Markii jabhado kala dambeeyey oo wada saluugay sidii dawladdu wax u wadday ay nidaamkii meesha ka saareen sanadkii 1991-dii, waxa ay xididdada u siibeen aas-aaskii dawladnimo ee Soomaaliya, ilaa iyo haatanna si wacan dib waa loogu unki la’yahay.

Sagaal iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey (2000-2019) dawladihii dalka soo maray mid kasta oo dhalata waxa ay isbeddelka ka bilaabaysay iney xaaqdo oo meesha ka saarto dadkii dawladda ka shaqeynayey, xukuumad kastana shaqaale dawladeed oo cusub ayaa ay la imaaneysay; mar kasta waa qabyo iyo eber ka soo bilow.

Tusaalaha Labaad:

Dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen (welina yihiin) Muslim sunni ah oo mad’hab ahaanna shaaficiya ah. Sannadadii lixdameeyadii, toddobaataneeyadii iyo siddeetameeyadii ayaa waxaa dalka ku soo laabtay aqoonyahanno dalalka carabta qaarkood Diinta  ku soo bartay oo jaamacado kaga soo baxay, gaar ahaan dalalka Masar iyo Sucuudiga. Dadkaas waxa ay la soo laabteen barnaamij loogu magac daray “SAXWAH” oo macnihiisu yahay “baraarug”,  iyaga oo ula jeeday in fahamka Diinta la saxo, gaar ahaan, habdhaqanka, cibaadada iyo nidaamka dawladnimada.

Qolyahaas saxwada la baxay, waxa ay dadaal farabadan ku  bixiyeen iney xididdada u siibaan wixii horey u jirey oo dhan oo samaan badan iyo xumaanba ay ku jireen; meelaha ay xoogga saareen iney eber ka dhigaan waxaa ugu waaweynaa, dhaqanka,  nidaamka dawladnimada iyo mad’habkii shaaficiga ee ummaddu ku dhaqmeysay.

Wax u hirgala iyo wax ay gaari kari waayeenba, iyaga ayaa markii dambe gacanta sare yeeshay, dadkii ay u yimaadeenna habaar iyo dacaayad bey ka daba tuureen.

Wax badan oo khaldanaa baa jirey oo Islaannimada khatar ku ah, oo ay ka mid ahaayeen, wixii awliyada laga aaminsanaa, aqoon la’aan badan oo xagga Diinta ah, nidaam isna Soomaalida ku cusnaa oo shuuci la dhihi jirey oo marmar dagaal cad la galaya mabaadii’da Diinta Islaamka.

Iyada oo intaas ay jiraan oo xumaan ah, haddana dadku ma wada xumeyn; waxaa jirey culimo axkaamley la oran jirey oo dadka bari jirey fiqiga iyo Quraanka; waxaa jirey dhaqan wanaagsan oo bulshadu lahayd oo ab-ka-soo gaar ahaa; waxaa jirey oo ka sii badnaa bulsha-weynta oo Muslimiin ahayd oo hab ay u noolyihiin uu jirey. Waxaas oo dhan lama xeerin ee dusha ayaa la iska saaray; nidaam guuraya, oo dhaqankiisa, afkiisa (af carabi) iyo aragtidiisa Diineed wata ayaana la damcay in lagu bedelo wixii jirey oo dhan.

Waan oggolahay in wixii khaldan la saxo oo la bedelo, balse wixii wanaagsanaa ee jirey yaan la xaaqin oo eber laga soo bilaabin weeye halka aan warkeyga u wado.

Tusaalaha Saddexaad:

Shantii sano ee ugu dambeeyey waxaa soo badanayey dadka aadka uga soo horjeeda aragtida islaamiyiinta Soomaaliya, gaar ahaan aragtida salafiga ah ee dadka qaarna ay wahaabiyada u yaqaannaan. Dabcan, wahaabiyadu sida aragtiyaha kaleba waxna waa saxeen waxna waa khaldeen  (qiimeynta sax iyo khalad waa arrin furan in si caddaalad ah loo qiimeeyo).

Dadkan aragtida salafiyada ka soo horjeeda oo iyaga laftooda is huwan oo magac gaar ah aan lahayn, ee ku doodaya in wax badan ay khaldanyihiin, sidii caadada Soomaalida ku soo badaneysayba, waxa ay ujeeddadoodu tahay in ay salka ka jaraan salafiyada iyo wixii ay sameeyeenba. Waxaa intaas dheer, iyagu (qolyahan cusub) wax barnaamij ah oo ay isku raacsanyihiin oo ay ku bedelayaan kan ay diiddanyihiin ma wataan.

Sida dowga ah waxa ay tahay, in wixii salafiyadu soo kordhisay ee wanaag ah la sii kobciyo, wixii ay khaldeenna la saxo, weliba iyagu billaabaan in khaladaadkooda ay saxaan, qolyaha kalena wixii khaldan ay caddeeyaan sida iyo halka khaladku ka jiro, xalna ay tilmaamaan, balse marnaba meesha waxa aan qaban in sax iyo gef la isla wada xaaqo.

Dabcan, waxa dhammaan la doonayo waa wanaag iyo khaladka oo laga fogaado, sidaas haddii ay ujeeddadu tahay, waxa ay ku habboontahay in wixii horey u saxnaa ee maskax, maal iyo muruq galeen aynaan awood iskaga dhammeyn ee aynu ka sii faa’iidno, wixii khaldanna aynu farta ku fiiqno, ka dibna aynu meesha ka saarno, iyada oo ay na hoggaamineyso cidda khaladka laga tirsanayo. Balse waxa ay baladu ka bilaabataa marka khalad cad lagu sii indho adkaado, kuwa kalena ay xididdada u siibaan wixii horey loo saxay.

Soomaalida laguma baran in ciddii khaladkeeda loo sheego ay ka garowdo oo qirato wixii ay kharribtay, si rasmi ah cid khaladaadkeeda kaga cudurdaaraneysa lama hayo, iney ku sii indho adagtahay mooyee. Kolka, tolow Soomaalidu ma khaldamaan miyaa?

Gunaanadka qormadeydu waxa ay daarantahay: waa la doogiye yaan la dacaroon, oo xeerkan baas ee duminta ineynu ka waantowno waa aan ku talin lahaa.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

Email: mnuur10@gmail.com

Afeef: Fekerka qoruhu maaha mid marna ka tarjumaya siyaasadda majalladan, waa mid isaga ugaara

Related posts

Farmers’ Protests Reflect Existential Crisis of Indian Agriculture

warsan

Houthi rebel attacks: a new development in Yemen’s ‘festering’ war

warsan

Kala-Aragti Duwaanaantu Waa Ilbaxnnimo

warsan