The Warsan
Cover

Xaaf, haddana ma waxuu buriyey heshiiskii uu la galay dowladda dhexe?

Muqdishu_ Arrimaha siyaasadda ee Gal-Mudug ayaa kolba weji cusub yeelaneysa. Xukuumadda dhexe ee uu hormuud u yahay RW ayaa howl badan gelisay sidii maamul loo dhan yahay loogu dhisi lahaa nawaaxigaas. Hayeeshee, dhinacyada wada sheegta maamulka magac u yaalka ah ee ka jiray ayaa kolba burinayey heshiisyo wadahadallo lagu xiiqay ku yimid.

Waxa shiddo aan laga gudbi aheyd muddo in Xaaf, {waa ninka hadda sheegta inuu yahay madaxweynaha{ lagu qanciyo inuu aqbalo doorsho laga abaabulo Gal-Mudug oo aakhirka keenta in maamul sameysmo. Xaaf waxa uu aqbalay subag-salaax kadib inuu doorashada uga dambeeyo wasaaradda gudaha ee federaalka. Mushkilad taa xanuun badan waxa lagala kulmay ururka Ah-lu-sunna oo Xukuumadda Kheyrre uga shiddo badnaaday tii Xaaf.

Waxa joogto Ururku u jebinayey kuna eedeynayey xukuumadda dhexe inayan ka soo bixin wixii ku qornaa heshiiska. Maalmo dhow ayuu Ururku soo gudbiyey 20 xubnood oo uga qeyb gelaya baarlamaanka dhismi doono. Hayeeshe, waxa mar kale furmay, aag cusub oo khalal siyasadeed oo hor le soo wadda oo ka iman kara dhawaaqa Xaaf ee ah inuu la soo noqday awooddiisii, sida la sheegayana uuba magacaabay guddi doorasho. Su’aashu, waxay tahay siyaasiyiinta Gal-Mudug ma waxay doonayaan in iska  daba-wareegga lagu jiro, shacabkana rahan loogu heysto rabitaan kooxeed ama shaqsi?

Wasiirka Gudaha Sabriye, oo runtii ku amaanan juhdiga aan marna joogsan ee uu arrinka geliyey, waa inay shacabku gacan ku siiyo dadaalkiisa. RW ayaa isna door kaa la mida qaatay, welina gobolka u jooga, bal in  xal kama dambeysa la gaaro. Doorkii shacabu ma mid daawasho ayuu ku soo idlaaday? Siyaasiyiinta aan maamul soo wadin, shacabku waa inuu ka midoobo, maamulna dhisto

Source: Warsan magazine

Related posts

Guurddoon app helps you find your desired love

warsan

Djibouti president: Time isn’t right for deal with Israel

warsan

Somalia a classic case of war creep

warsan