The Warsan
Cover

Weli Somaali Ma Nahay?

10 Juun, 2020

 

Su’aal baryeysa in Somaaliyi  is-weydiiso ayaa ah: Yeynnu nahay? Xaggeennu ka nimid? Xaggeynnu joognna? Xaggeynnu u soconna iyo meesha aan dooneynno ma ku gaari karnna danta gaarka ah? Ma joognaa meeshii inaan joognno ay aheyd?

Su’aalahan iyo kuwa kaleba ayaa maskaxda ku soo dhacaya markuu mid milicsado xaaladda Somaalida ee maanta.  Jawaabta su’aalahani si cad waa “Maya”. Weli halkii inaan joognno ay aheyd ma joognno, sababtoo ah waxan noqonnay kuwa si qodda-dheer u qeybsan, ficiltama, cadaawad meel salkeedu yahay aan la garaanna hareysay.

Waxan noqonnay qaran dadkeedu isu-carooday, warankana isku raadinaya abid. Qaran ka arradan diintooda oo dibnaha aan dhaafin. Dad kalsoonidii ka luntay.  Dad dalkooda wax xun u rjeeja iyo wanaagiisa. Dad wax rajo ah ka filan dalkooda, cadowgana kala mida. Dad ka quustay inay mustaqbalkooda dalkooda ku aamiaan, maalgashina aan quurin. Dad dalkooda loo dacareeyey oo u hanqal taaga mid dhib walba ku qabaan, haddana aan wax ka baran oo khaladkii mar walba dib u gala.

Waxan u xuubsiibannay kooxo danta gaarka ahi maskax-madhay oo waxay arkaan booba mid guud iyo mid gaaraba. Danta guud ee qaranku waxay noqotay mid la iloobay oo la cidleeyey. Waxan guud ahaan iloownnay wixii isu-keen xiri lahaa ee na mideyn lahaa. Keennu waa dal halganka iyo mushkiladuhu ku joogtoobeen, dhanna aan u baxsan. Halganka wax lahaansha ayaan xidadada u aasnnay iyo inaan gacanta ku heynno ilaha dhaqalaha.

Watigii na dhaafay, ka jooga iyo ka  soo socda waxa qaabeeya halka aan u soconno iyo qorshaha aan u dhignno. Siyaasadda kacsan ee hadda, oo daqiiqad walba heer kulkeedu sare u socdo, ma ku gaari karna hal aan hiigsaneynno mise  xallineysaa maskax sii kala jeedda oo midba dana gaara u adeegeyso mise waxan eegnaa maskax ka duwan taa oo u adeegaysa qaranka iyo dadka.

Jahwareerkan taagan aslkiisu waa doorashada oo laba kooxood oo soo kala jeedda hoggaaminayaan- (xukuumadda iyo mucaaradka). Waxa ku milmay labadan oo go’aankii qarameed ee la dooonayay aan soo bandhigin laba gole shacab. Goor aan sii fogeyn golaha wakiillada ayaa soo bandhigay go’aan ay ku sheegeen in xalka lagu gaari karo oo dib shir guud ha loo galo ah (wadatashi). Golaha shacabka, ka wakiilladu intuusan go’aankan soo saarin lama tashan oo kama dalbin go’aan wada jira.Khilaaf horle!

Golaha uu Cabdi Xashi go’aamiyo waxad moodda inuu arrinka ku deg degay, heer kulkii siyaasaddana sare u sii qaaday. Khudbaddii Madaxweynaha ee golaha shacabka, waxa loogartay inuu doonayo in xisbiyo doorashada lagu galo, sharciyada ka ansaxay laba gole ayaana sidaa le, walow la qabo in diyaargarowga qeybaha kale ee doorashada suuragelin lahaa weli aaney sameyn diyaargarow waafiya. Xisbiyada ay Madashu hoggaamineyso-waa kuwa le hannaankii 2016kii ee xukuumaddani ku timid ha loo noqdo.

Madasha war murtiyeedyada ka soo baxa, waxa ka buuxa hanjabaado iyo warar dhiillo sida. Labadii madaxweyne ee hore, waa Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmede, waxay khudbadahoodu u eg yihiin kuwa le “doorashaa la geli ama dalka waxa lagu celinayaa halaaggii laga yimid”. Maaha in lagu hanjabo waa la  dacaroon haddii sidan la yeelin, dalku inuu nabad yahay ayaana cid la xukumo iyo dad la xukumo lagu helayaa, saameyntuna waxay noqon mid aan cidna cafin.

Dalku waa ka hadda xanuunka caabuqa dugsan la nool, dunida oo dhanna haya, xayiraado aan weli la qaadinna meel walaba dunida ka jiraan oo isu soo uruurka iyo isu socodka laga digay.

Sidee loo helaa xal wixii aan isu geegeynnay noo xafida burburna naga ilaaliya, haddaan burburnase yey dan u tahay?

Hubaal waxa ah in cidda faa’ideysa tahay cadowga dibadda oo runtii ah mid horora oo xoog badan. Cadowga guduhu isma ogee dadkiisa ayuu calowga la cabayaa oo cid aqoonsi gaara siin doonta heli uu maayo.

Aadanaha Alla waxa uu u qaabeeyey inuu xal u helo mushkilad kastoo isu soo qaddimta, Somaaliguna Aadanahaa inuu xal keeno ay tahay ayuu xubin ka yahay, haddaan xal heli weynno, waxan ahaan doonna qoys ka mida qoysaska duur-joogta ee dagaal iyo yaa awood le wax ku qeybsada.

LABA WADIIQO MID AAN KA RAACO

  1.  Haddii cudurku sii jiro oo aan isu soo bixi weynno mudda kororsi lagu heshiiyo (Xukuumad iyo Mucaarad) oo loogu diyaar garoobi karo doorashada laguna dhameystiro sharciyada iyo adeegyada kala ee lama huraanka u ah doorashada.
  2. Si looga gudbo habka qaabka daran ee odoy-dhaqameedka noo celinaya ee xubnaha gole-shacabyada aan arkeynno ee siiriga jeebka ku wata noo gola keena, aan ku beddelanno hannaanka xisbiyada.

Waxa caado ah in dunida weligeed aan lagu arag meel doorasho xalaala oo cid walba ka farxida lagu arag. Shaqsi haddu doorasho waayo fursad kale oo uu dib ugu tartamo waa uu heysta, laakin dalka dagaal galaa fursad kabasho ka dheer. Marka  haddii aan “Weli SomaaliNnahay” dalka iyo rabitaanka shaqsiga aan kala ilaalinno, dalka iyo dadkana siyaasigu ha badbaadiyo, si uusan u waayin cid iyo dal uu xukumo.

“Hebel nooma dhaho ee waa noo dhalaa” ninka yiri; xigmadduu uu uga jeeday bal kala soo baxa

Nuur Cilmi Xalane

Mulkiilaha Warsan magazine

 

 

 

 

 

 

 

 

Related posts

UAE lobbying behind registering of AJ+ as foreign agent in the US

warsan

Saudi Arabia ‘not consulted’ over US strike to kill Iran general

warsan

‘Don’t blame Russia, blame NATO’ – Ramaphosa slams western powers

warsan