31.5 C
New York
July 3, 2020
Social

Waan Yaraa Isna Dabcan Wuu Yaraa.

Wednesday May 27, 2020

W/Q: Niciima Cilmi Yuusuf

Waan yaraa isna dabcan wuu yaraa. Goob waxbarasho ayaanu isugu nimi iyo waliba hal fasal. In uu fasalka  ugu sarreeyo ayuu jeclaa anna sidoo kale. Halkaas ayuu ka bilowdey naceybkayaga jaceylka ku dhamaadey. Waan nacay sida runtii ah. Muu jecleyn in uu cid kale fursadda siiyo, si ay uga jawaabaan su’aalaha macalinka. Huruuf baan ku bilaabey, koleyse isagu imuu huruufi jirin. Maalin ayaan isku maqiiqey jawaab su’aal uu macalinku si guud u dhex dhigey fasalkaka. Waxaan cuqdad ka qaadey sida uu maalin walba iiga hororsado jawaabaha biyaha iiga fudud ee uu ugu derajo qaato. Maalintaase dirida ayaa aan qaniiney. Ka gaadhsii intii aan is lahaa ayaan dar jiidhey. Qosol yar oo quudhsi ah iyo eegmo aan digasho u fahmey ayuu isu key raaciyey. Waa markaa marka uu dabku isii qabsadey colaadayadii danbasku huwaneyd. Kor iyo kal inta aan u eegey baan sinqad dhameystey, wax igaga filan ma aheyn se waxa igu dhacey. Waan xanaaqey ilaa heerka aan gaadhi karayey, waxba se iima uu ogeyn. Waxa uu igu dileyba imuu soo eegi jirin in aan huruufayo. Had iyo jeer waxa uu raaci jirey macalimiinta, taasina waxa ay caqabad ku noqotey huruufka oo ahaa hubka kaliya ee aan kula dagaalamo ninkan i daba galey. In uu i dabagaley oo aan khadyaan ka taaganahay ayaan ku qancey. In aan iska reebo ayaan go’aansadey.

Gacan in aan u qaado ayaa ay iga mareysaa. In aan fursad kale siiyo ayaan isku ladqabeeyey. Mudo dheer oo huruuf aan la iga dhurin ku taxan ka dib fursadii ayuu baaldareeyey. Aniga oo fasalka muraad u ga baxaya ayaa aaga uu fadhiyo ‘qixii’ la ga yidhi. In uu isaga yahay su’aalba ma galin. Su’aashu waxa ay aheyd talaabadii aan qaadi lahaa.

Waxa aan ku istaagey kaabad u dhow dugsiga oo aheyd halka ay taatikadu ka bilaabmeysey. Magaciisa ayaan u gu yeedhey oo uu horteyda yimi. Sidii uu qorshuhu ahaa ayaa aan dhirbaaxo miisaankeeda leh indhaha ka qabadsiiyey. Jawaabta uu bixiyey ayaa wax walba bedeshey. Dhoolacadeyn dhawaqa magaceyga oo naxariis lihi ku ladhan yahay. WTF! Talaabada labaad waxa ay aheyd in saaxiibadey xaga danbe bud’dad kala dhacaan. Hadii aan baajin karo ama baacin karo kuma eegeen. Degenaanta uu muujiyey, sida magaceyga uu u gu dhawaaqey, iyo sida uu gacantiisa uu ii ga dhawrey, wadnaheyga sida ay u gilgileen qaraxyadii mataanaha ayuun baa ku dhawaan kara. Far danbe ma taagin. Hadii aan taagi kari lahaa isaga ayaan ku difaaci lahaa. Waa ruux gob ah. Waxa aan isku xukumey in aan ku degdegey. Sababtaas ayaan habeenkii oo dhan u seexan waayey. Waxa aan qalbigeyga ka dareemayey kaarka nabaradii horteyda loogu geystey. Aniga ayaa sababey aniga ayaana u dhiban. Kooxdeydi waxa ay isugu hambalyeynayeen in ay mooshinkaa guul ka gaadheen, ana marooro dilaac ayaan la duubnaa. Dadnimada meesha la yidhaahdo oo aanan aqoon halka ay jidhka ka ga taal ayaa i xanuuneysey. Runtii, waxa uu ahaa xanuun aanan ilaa hada dib u dareemin.

Subixii ayaa xafiiska maamulaha ka dabagaley hooyo oo dugsiga looga yeedhey. Isaga oo kaligiiyana meel ayaa looga yeedhey. Waxa la yaab kale igu noqotey in uu hooyo kursi hore uga soo qaadey. Intii aanu maamuluhu iman ayaa ay hooyo, ‘Eeddo, waalidkaa mee?’ Ku tidhi. Hooyo iyo aabbo in aanu midna laheyn ayaa uu u sheegey. Daqiiqadaa magaceyga hadii la i weydiiyo ‘BAHALAD’ ayaan ku sheegi lahaa. Si run ah ayaan meel fog u ga naxey oo deymo naxariis leh kula jeestey. Dhoolacadeyn mar kale dhulka ila ruxdey ayaa uu ka ga jawaabey. Waxa yari awoode kale ayaa uu watey.

‘Waxba ma leh, aniga ayaa jooga oo idiin wada waalid ah.’ Ayaa hooyo dhankeeda ka soo yeedhey. Danbi kasta oo maamuluhu igu sheegey isaga ayaa iga difaacey. Waa wax la yaable. Caqliga caadiga ah wax aan ku aqbali kari waayey. Ciqaab kasta oo aan yeelan lahaa isaga ayaa baajiyey. Waxa uu maamulaha ku qanciyey in aaney waxba u jirin sida wax loogu sheegey. Dabcan maamuluhu goobjoog ma aheyn. Hooyo oo aan danbiga in badan hore u gu soo qirtey ayaa yaabtey. Yeelko. Anigu yaab waan dhaafey. Dareemo ilaa hada magac aan ku sheego aanan garaneyn ayaa miyirkii la tagey.

Sidaas ayaa uu xal fududi ku yimi. In aanan dib u gu noqon ayaa la igu waaniyey. Waa kaa xalka la gaadhey. Xal kale oo la gaadho ayaanba jirin, maadaama oo aanu dhibane ba jirin. Wax kasta oo ay hooyo u soo bandhigtey in ay u qabato ayaa uu diidey.

Mar kale ayaan gurigii su’aalo, welwel iyo wax kale kula noqdey. Wax aanan bini’aadan hore u gu dareemin ayaan isku arkey. Daqiiqad kasta oo nolosheyda ka mid ah aniga oo ka fekerkiisa ku bixinaya ayaan is arkey. Si na waan isu qaban kari waayey. Hurdadeyda, cuntadeyda, iyo shaqadeydaba si dhakhso ah ayuu u saameeyey. Waan ka heley runtii. Waan jeclaadey sida runtii ah.

Fasalka markii aan ku soo laabtey dhaqanadiisa oo dhammi waxa ay iigu muuqdeen cakiska sidii ay markii hore iigu muuqanayeen. Jawaabta uu su’aalaha macalinka ka bixiyaa wey i farxad galiyeen. Socodkiisu ma sidan oo dhan ayaa uu isugu miisaanaa? Codkiisu ma sidan ayuu u macaanaa? Ma sidan oo dhan buu codkar u ahaa? Ma balaaqigan ayaa uu ahaa deggen? Ma sidan ayuu u ixtiraam badnaa?

Mar kaliya ayaa aan is arkey aniga oo ifka u gu neceb qofka hadalka ka booba. Aniga oo jecel in aan dhageysto hadalkiisa. Aniga oo la socda dhaqdhaqaaqiisa. Tii oo aan jecelahay in uu kaco oo aan socodkiisa daawado. Iyada oo uu marka uu isoo eego wadnahu i xadreynayo. Marka uu iga soo hor baxo aan baqayo.

Waxa aan go’aansadey in aan raaligaliyo. In aan hor istaago oo cafis ka dalbado. Inan yar oo wakhtigeedii xinka iyo xasaradda ku jirto ma fududa in ay garowdo, raaligalin bixiso, isla markaana cafis dalbato. Tani na waaba kiis gooni ah. Hor istaagiisa oo kaliya ayaaba wadno istaag iigu filnaa. Waan u yeedhey. Yeedhmo tii maalintii hore ka kalgacal badan. Kama kalgacal badneyne waa cakiskeedii. Haghago ama gaangi aanan isku ogeyn ayaa igu soo boodey. Waan idhi. Hadal aanu xarafna xaraf ilaa hada iga daba marin ayaa uu iigu jawaabey. ‘Kun jeer baan raali kaa ahay, walaal.’ Dibnaha ayaa i kala caraabey. Wax uu soo celiyo ayuu carrabku afkii ka soo waayey. Maskaxda lafteedu amaradii waa ay joojisey. Af-kala-qaad hadaad hore u maqashey maalintaas ayuu igu dhacey. Miskiin baan noqdey. Mar danbe ayaa ‘mahadsanid’ meel aan la aqoon la ga soo direy dirqi iga ga soo yeedhey. ‘Iska waran?’ Su’aal aanan fileyn una soo diyaargaroobin ayaa ay igu noqotey. Hadii aan isaga waramo waa uu yaabi lahaa. In aan ku seexdo oo ku soo tooso, isaga daawado oo dhageysto oo ilbidhiqsi aanu nolosheyda ka maqnaanin hadii aan u ga waramo waa uu yaabi lahaa. ‘Nabad’ ayaan se ku koobey. Waa runtey oo maanta dagaal ma wadin ee waa nabad. Maalintaa ka dib hadal toosi nama dhex marin, laba sanno oo danbe ayaan se isaga dhiganayey halkii aan casharada dhigan lahaa. Waxa uu ahaa jaceyl carruurnimo oo xiise leh. Hadda waanu kala luney. Malaa ma garteenba.

FG- Waxa qudha ee sheekadan ka dhiman waa in aan magac loo bixin. Waa farshaxan ugub ah oo inad libiqsato kuu diidaya, in aad miliqsatana kugu kallifaya. Qoraalka, gaar ahaan sheeko-faneedda, habluhu kuma badna. Naciima oo kale aan akhriska ugu hiilinno.

 

Waxa uu maqaalku ku soo horreeyey  Warbaahinta Hadgwadaag

 

 

Related posts

What a Weird World We Live In!

warsan

QOOLKA SABOOLNNIMADA

nur

Afka Soomaaliga iyo isbeddelka waayaha

nur

Leave a Comment