The Warsan
Uncategorized

Tol Beelay, Iga Dhiciya!

Cali M. Cabdigiir (caliganay54@hotmail.com)

12 Karan (January) 2023

 

Somaali baan ahay dilna kuma xukunni, maaddaama aan Canada deggenahay. Nabad iyo nolol baan ku haystaa, haddana wax baa iga maqan. Hoos baa la ii dhugtaa kolka Somaali la ii garto. Durba, caro baan jiq la iraahdaa. “Adiga oo beesha reer hebel ah ka soo jeeda sidee hoos laguugu eegaa” ayaa maaankaygu igu soo tuuraa. Geesaha baan eegaa waxaana isweyddiiyaa “Beel aan reer Madoobe ahayn” miyaan ahay? Maanka ayaan ku laabtaa. “Is-hubso” ayuu igu abhiyaa. Kolkaa ayaan fiiro isugu dhaqaaqaa. Dubkayga inuu madow yahay baan hubsadaa. Kolkaa ayaan haddana maankayga feer u duubtaa. Inta indhaha igu fagiijiyo ayuu yiraahdaa “Somaali haddii aad tahay in beel lagugu sheego baa farxad kugu dhalisa.”Dood dheer ayaa Cali1 la galaa Cali2. Muddo kaddib, “Reer hebel baan ahay” in ay farxad igu abuurto baan qirtaa.

Sidaa awgeed, “Somaalinnimadu waa igu filan tahay” oo dhaqan ii ah waa been. Reer hebel baad tahay xoogaa baan ku degaa. Bohoshaa marka uu igu hubsado, ayaa maanku haddana igu soo laabtaa. Waxa uu igu yiraahdaa: “Haddii wax Somaali ka sokeysa rayrayn ku geliso, marka, “Diirsooce” baad tahay, waayo Somaali kale in aad ka fiican tahay baa rayrayn kugu dhalisa.”

Dibirseexato baa la ila dhigay. In la iga adkaaday baan oggolaaday. Waxa aan garwaaqsadaa in aan diirsooce ama takoore ahay, oo cid kale oo Somaali ah aan Liidnnimo tayda ka daran u tirinayo. Haddana, liidnnimada ma qeexi karo.

Haddaba, hiil baan u baahnahay.  Somaali baan marti ugu ahay hiilka. Dhaqan ku salaysan Isla weynaan suxud saaxud ah baan qool ugu jiraa.

Related posts

UAE assisting Egypt to recruit Somali soldiers amid Horn power struggle with Ethiopia

warsan

Algeria refuses French request to use airspace to intervene in Niger

warsan

Saudi commentators go public in criticising UAE role in Yemen

warsan