The Warsan
AnalysisEconomics

Rag Wada Fadhiya oo Kala Fadhiya

Bulshada soomaalidu waxa ay isku ixti-raami jireen sheekada marka la fadhiyo golaha haasaawaha oo ahaa naadiga Bkaliya ee ay ku kulmaan,kuna shee-kaystaan bulshadu marka ay soo xareeyaan xoolaha kana nasanayaan tacabkii iyo hawshii maalinimo dabadeed dadku way ku soo ururi jireen golaha waana ay ku laali jireen dabaka iyaga oo dooyaysan nin waliba waxii uu manta lasoo kulmay ayuu ka sheekayn jiray waxaana lagu dhagaysan jiray dhago fiineed waxaana laga illaalin jiray wax kasta oo hagardaamo iyo docwareen ku haya sheekada uu tabinayo ruuru waxaana la oganjinay qofka feedho jeex-eeya haasaawaha la wado kadaa hebalaw waxa aad tahay dhatacle aan maalina aan haasaawi-nayn golaha maalin kaliya ,Waxaa kale oo ay ka lahayeen maahmaah guun ah oo odhnaysaa hadal waa dhe ama dhagayso taas oo ay ku qotonto xigmad fogaan dheer kuna salaysan dhaqan diineed oo ay
mujtamaca soomaaliyeed hiddo tirsanayaan salkana ku haysa quraanka iyo sunaha nabi,dadku markii ay ka soo hayaameen dhulalkii miiga ahaaa waxa ay soo galeen magaal-ooyinka iyo magaalka meel waliba waxa ayleedahay dhaqan iyo curfi ugaar ah waxaa lagu badalay golihii maaweelada iyo murtida miiga makhaayad kursi cad a ama huteel ay isugu yimaadan reer magaalku, habeenkii oo ay dadku fadhiisan jireen golaha waxaa lagu badalay in ay reer magaalku yimaadaan hutee-lada iyo makhaayadaha casarekii ,galbtii inta uu nin waliba kabtiisa iyo karintiisa ta ugu bilic san soo diyaarsado ayaa uu yidhaa kaltuuneey kaafee ama koob liton ah I sii dabadeed waa ay is toydaan markaasay yidhaahdaan waar hebel mee?

Waxaa la dhagaystaa ninka soo akhriya joor-naalo badan iyo goob wareedada(websites) farabadana soo booqda ayaa dhagta la hoos-dhigtaa taasi waxa ayahad in muddo ah kahor,laakiin hada ma jirtaa taasi?

Hadaba inaga oo hiddo iyo dhaqan u lahay in aynnu dhagaysano ruuxa sheekaynaya kuna ixtiraamayna sidda milgaha iyo sharafta leh ee uu ula wadaaga dadka ay sheeko wadaa-gta leeyihiin ayaa manta waxaad moodaa in uu dhaqan kaasi rifmay ,suulay kana baxay meesha iyada oo ay jiraan wax yaabo badan oo loo saadaalin karo kana mid yihiin adeeg-siga aaladan casriga ah internetka gaar ahaan mobile internet taas oo aad arkayso bulshadii yar iyo waynba ku foogan isaga oo lagaba yaabo in uu fadhiyo goob kulan qaxweed.

kagana mashquulo in uu ku foognaado kala fatasho moobilkiisa gacanta taas oo mararka qaar keenta in ay ku yidhaahdaan asxaabtisa qaar bal horta inga yara dhig oo soo jeedso waad nala fadhidaa waanad naga maqanta-haye, hada waa ragii madasha wada fadhiya ,waana rag wada fadhiya kala fadhiya .
Waxaana meesha ka baxay nidaamkii saxsanaa ee suubanaa ee ay dadku ku sheekay-san jireen marka ay fadhiyaa goobaha layskugu yimaado ee laga wada shaaho bal u fiirso waxaaad arkaysaa isaga oo nin waliba fadhayo tilifoonkiisa oo aad mooddo in uu shilin kagurayo Isaga golihii haasaawaha fadhiya ayuu booqnayaa goobihii wararka iyo facbookga markaasuu ka mashquulayaa asxaabtii uu lafadhiyay waxa ay keentay dhaqan aad u liita abid iyo abdo u layan waxa aynnu milgo kulahayn in ruuxi la dhagaysto hase ahaate hada waxaad arkaysaa nin mudakar ah oo shee-kaynaya oo nin waliba ku mashquulan yahaymoble kiisa gacanta waxaa meesha kabaxay edebtii iyo asluubtii lasku maamuusijiraya ruuxu marka sheekaynayo.

 

Qr: Cabdi-casiis Maxamuud Yuusuf

gudoomiye74@hotmail.com

Related posts

Forget Russia, Pakistan’s Tactical Nuclear Weapons Are A Real Threat

warsan

Death of a politician: Of course, I mean Macron

warsan

Coronavirus and cover-up: Egypt’s two-fronted war

warsan