The Warsan
Cover

Ralligelinta ka horreysiin laheydaa kulanka Addis Abeba

 

Dhaqan Somaaliyeed maaha in laba walaala loo kala dabqaado, oo weliba shisheeye dhexgalo, waayaha ayaase keenay, qaddar Alla iyo ku qabatayba lama diidi karo. Hoggaamiyaha Somaliland Muse Biixi Abdi ayaa ka dhoofay Hargeysa, Addisna kula kulmay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo madaxweynaha federaalka Somalia. Kulanka is-aragga waxa lahaa hoggaamiyaha Federaalka Itoobiya Abiy Axmed, wallow aan cidina soo bandhigin sawir muujinaya inayba kulmeen. Maluhu waa inaan natiijo waafiya ka dhalan, dareenkuse, waxa uu yahay in la kulmay, haddii wax lagu qaato khudbaddii Farmaajo ka jeediyey doraato shirkii loo xiray garsoorka Somaaliya.

Farmaajo, waxa ku dhawaaqay raalligelin kedisa, oo u muuqatay mid gogol-xaar u ah, wararka hawada duulduulaya ee le Farmaajo oo Abiy la socdo ayaa Hargeysa tegaya.

Mushkilada Somaliya –Somaliland in laga dawoobo, waa wax qof kasta oo Somaali ahi jeclaan lahaa, bal wadiiqadan bilowga ah ee isu-juujuubka u eg, ma tahay tii loo mari lahaa, raalligelintase maxaa ku beegay kulanka Addis, oo u muuqata mid kulanka ka dhalatay! Farmaajo raalligelinta haddu ka horreysiin lahaa kulanka, maanta guushu intan wey ka weeynaan laheyd. In laga garaabo wixii dhacay, waa waajib, in hore loo guto ay mudneyd, haddiibase ay hadda timid, waxay mudan tahay in la boogaadiyo.

 

TEGISTA HARGEYSA MA RUNBAA MISE MALUHU WAA BEEN

 

Haddii tegistu wada ku soo jirto, madaxweyne cagta u dhig, oo halkeeda xoog saar, inaad madaxweeyne Biixi is-kasbataan, xiriirkiisana joogteyso, kadibna marka ay tegis soo dhoweyn iyo marxabeyn wadata gaadho, tag. Waxad ogaataa, Xalka mushkilada Somalida ee ka yimaada Somaalida dhexdeeda inuu ka fursad fiican yahay ka shisheeyuhu abaabulaan. Dhexdhexaadin la’aan sidii aad u dhalin laheyd Madaxweyne ( Farmaajo) wadda kasta oo macquula u mar, miiskana saar wax qancin kara walaalaha dhibka loo geystay.

Magaca midnnimadu, waxa uu yimid markii Somaliland ay shuruud la’aan ula midowday Somalida  koofureed. Ma jiro gobol kale oo looga abaal-sheegto, oo aan Somaliland aheyn. Waxa la doonayaa in Koofurtu iska baadhbaadho Cigaalkii 1960kii oo u dhiirada sidiisii oo kale. Fursadaasi, hadda waxay la gudboontahay madaxweyne Farmaajo. Koofurta waa inay ficil ahaan muujiso inay weli dooneyso midnnimada, oo aan hadda muuqan marka laga eego awood qeybsiga hadda jira. Somaliland dhinaceeda, waa inay muujiso miisaan waaqaca dugsan oo lagu gaaro xal midnnimo ama mid gooni-isu taaaga.

 

Related posts

Museveni, Kagame resolve to release prisoners

warsan

BREAKING: Rockets intercepted near Israel’s Ben Gurion airport, explosions heard in Tel Aviv

warsan

‘Somalis are the Irish of Africa’: Irish man helps rebuild Somalia’s rule of law

warsan