3.1 C
New York
March 24, 2019
Opinion Politics Technology

Musuqmaasaq Soomaali Waa Meheraddeediiye

 

Maraakiibta Xaalufisa Badda

 

 

Dad badan oo Soomaali ah waxa fajac ku noqotay xil ka qaadistii Md. Dr.Cabdiraxman Moxamed Cabdi Xaashi, Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo ahaa nin u guntaday badbaadinta baddeenna, lana hubay in uu aqoon iyo daacadnimo ku hubaysnaa. Intii yareyd ee uu hayay xilka, wuxuu ku guulaystay wax badan oo ummadda Soomaaliyeed waxtar u ah.

Markii lays weydiiyay sababta ka danbaysay casilaadda muddanaha, waxa soo baxday warar sheegaya in u Wasiirku diiday shatiyo la siiyay maraakiib xaalufisa baddeenna. Taas oo caqabad ku noqotay, madax badan oo marakiibta jiraafku badda soo gashaday oo ganacsi sharciga ka dhan ah ama baal marsan ku jiray.

Waxa   xil   ka   qaadista   Md. Cabdiraxmaan ina tusaysaa ama abuurraysaa, in DFS oo ku doodda la dagaalanka musuqmaasaqa, aysan daacad ka ahayn. Su’aasha isweyddiinta muddani waxay tahay, marka la eego dadka ku hawllan xaalufinta baddaheena, ee doonaya hanti in ay urursadaan oo aan u arxamayn jiilka nool iyo kan dhalan doonaba, hantida kale ee siyaabo laga fiicanyahay, oo la wada ogyahay ku soo gasha madaxdaas miyay ku filaan weyday?

Markaad daristo taariikhda madaxda dalkeenna ugu saraysa qaarkood, waxa kuu soo baxaysa in aynan aqoon u lahyn taariikhda, dhaqanka iyo waayaha  dalkeenna oo muhiim u ah qofkii dal hoggaaminaya. Qofkii dal hoggaaminaya waa  inu qadarin u hayo dhaqanka dadkaas, isla markaas fahamsanyahay waayihii ay soo mareen iyo waxyaabahay qiimeeyaan. Haddiise uu noqdo qof wata dhaqan iyo qiimayn qalaad, wuxuu noqdaa qof habawsan oo khaladaad badan gala. Madaxda dalkeenna oo qaarkood dibedda ku barbaaray, oo wax ku bartay, waxa la tuhunsanyahay in ay ka aradanyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka oo ayan fahmayn xidhiidhka ka dhaxeeya qofka iyo beesha u ka soo jeedo.

Taariikhyahan la yirahdo Pitt Younger baa laga hayaa, “Taariikhdu waxay ka qayb qaadataa dejinta siyaasadda dal.”  Marka haddii aan qofka madaxda ahi  aqoon dhaxalka tagtada aan la taaban karin (untouchable heritage) oo mararka qaarkood aan ku kaydsanayn qoraal, waqtina uusan u helin inuu la caweeyo kuwa aan habeen dalka ka dhixin, sidee bey suurto gal u noqonaysaa  in u fahmo dareenkooda.

Wasiirka Kowaad ee  caanka ah ee dalkiisa Ingrriska badbaadiyay Dagaalkii Adduunka ee Labaad , Winston Churchill baa yiri, “Qarniyaal badan baa taariikhyahannadu iyo dhaqanyaqaannadu la talinayeen madaxda dadka, waxayna ka qayb qaateen dejinta siyaasadda dalalkooda”. Marka haddii madaxdeena qaarkeed dibed (qurbe) ku barbaareen oo wax ku barteen oo ayan hore u soo qaban xil, sidee bey u dejin karaan siyaasad ina badbaadin karta? Sidee bey inooga saari karaan marxaladdan adag ee dalkeennu maanta marayo? Miyaynaan noqonayn kuwo indho la’ oo kuwo indho la’i hoggaaminayaan?

Churchill wuxu kale oo yiri, “Inta aragtidaadu tagtada (past) gaarikarto, bey timaadadana (future) arki kartaa.” Marka qofkii aan aqoon taariikhda, dhaqanka iyo waayaha baaxada weyn ee dadka Soomaaliyeed,  ama  aan fahmin oo aan garan xiriirka qaybaha bulshada iyo sida ay isu saameeyaan, ma jeexi kara dariiqa ay dadkaasi dhibta kaga bixi karaan?

Fahamka dhaqanku wuxuu muhiim u yahay hoggaaminta bulshada. Mar aan dalka Maraykanka ku kulanay arday madow oo jecel Afrikanimada baan ku iri, “Maqaarkiina madaw Afrikan ku noqonmaysaan, waayo qiimayntiinu (values) waa caddaan  oo dhaqanka Afrikaanka ma lihidin.” Waxa aan u raaciyay, “ Haddii aan idin iraahdo hilib Geel baan cunaa,  ama afar xaas baan qabaa, waad ila yaabaysiin. Marka Afrikaan waxaad  noqonaysiin markaad dhaqanka iyo taariikhda Afrika aad baratiin.“

Sidaas oo kale qof dal kale ku koray, oo wax ku bartay, oo dhaqankii iyo qiimayntii (values)  dalkaas qaatay, oo afkooda ka badiya Af Soomaaliga, wey adagtay sidu dhaqanka  Soomaalida u fahmo ama qiimeeyo.

Waxaad arkaysaa madax maalmaha ciiddaha si khaldan u xidhan dharka dhaqanka. Waxaad arkaysaa madax koofiyadaha kola xirta, kola iska dhiga oo aan u haysan inay tahay astaan diimeed, oo ay tahay in goor kasta la xirnaado.

Madaxdii Soomaaliyeed ee hore waxay dalka ku maamuli jireen waayo aragnimo iyo aqoon dhaqameed. Sayid Moxamed oo ahaa halyaygii qarankii ugu horeeyay  Geeska Afrika ka yagleelay, wuxuu ahaa nin  Soomaalida ku dhaqi jiray aqoon diineed, dhaqan iyo waayo aragnimo dadkuna fahmayeen. Mar u tilmaamayay ceebaha Soomaalida wuxu yiri,

“Musuqmaasaq Soomaali waa meheradeedii
Hadba midab horleh bey kuula imaan maalin gelinkeede
Malahmalahda iyo baanahaa mowdku ka adeegi”.

Sido kale, nin la odhan jiray Carab Dheere oo kibir tadhahay, Goboladda Waqooyi wax Alla wixii uu doono ka sameeyay, Ingiriiskuna baardaajinayey, ayaa waxaa la wariyey in wiil u yimid oo weydiistay gabadh ay walaalo ahaayeen. Carab ayaa weydiiyey wiilkii oo “Maxaad ku falaysaa gabadha?” Waan guursanahayaa ayuu wiilkii ku jawaabay. Carab ayaa asgartiisii faray inay wiilkii toogtaan. Sidii bay yeeleen oo wiilkii rasaas huwiyeen, halkaana qudha uga qaadeen.

Beri dambe baa gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Mire oo waayo badan u soo joogay, kana mid ahaa hormuudyadii Darawiishta, ayaa  tiriyay gaby dhacdadaasi  ku jirto oo la yiraahdo – Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado. Gabayga waxa ku jira 12 dhacdo oo cibro qaadasho leh. Baydka  ugu danbeeya oo tilmaamaya halista Carab Dheere ku jiro wuxu yiri:

“…Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye”

Labadaa odayba, Sayidka iyo Imaaciil, waxay muujiyeen aqoon badan oo ay Soomaalida u lahaayeen. Dadna waxa dhiqi kara qof taariikhdooda iyo dhaqankooda yaqaan.

Waxa shaki badan madaxda qaranka ka qaba shacbiga Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa si gaara ay u taabatay cadaalad xumidu Beesha SSC, oo bud-dhig u ah midnimada Soomaaliyeed, Hase ahaate,  shirar badan oo lala galay Soomaaliland, waxa laga soo sheegay in madaxda qaranku qaarkeed u xaglinayso Somaliland beesha la baxday.

Wax dadka Soomaaliyeed aad uga xumaadeen casilaadda Dr. Cabdiraxman Moxamed Cabdi Xaashi oo u danqanayay dadka Soomaaliyeed oo u hantidooda badbaadinayay. Waxaan rajaynayaa in Dr. C/raxman u waramo dadka Soomaaliyeed oo sheego khatarta lagu hayo baddahooda.

Yuusuf Xeyd

Email:qararo@msn.com

Related posts

Hab-fikirkeenna iyo waayaha cusub

gradadev

Somaliyey dood baan ka qabaa in aad ku faraxsantay-Waayo?

gradadev

Soomaalida Iyo Beeleysiga

gradadev

2 comments

Leave a Comment