The Warsan
Cover

“Jabuuti, Somaaliya waxa ka dhexeeya birna ma goyso, biyana ma mayraan” -Madaxweyne Xassan

 

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wadahadal dheer kadib ayaa si qotodheer uga hadlay ahmiyadda  xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee labada dal..

Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.

Related posts

Ethiopians Donate Blood, Money to Back Incursion in Rebel Region

warsan

Ethiopian undertaking all China flights, Nigeria issues advisory

warsan

If you build a bad system, expect bad results

warsan