The Warsan
Analysis

Ma wadaadkaad diidan tahay mise waxa uu xambaarsan yahay?

Labadii sanno ee ugu dambeeyey waxaan baraha bulshada ka daalacanayey qormooyin ka dhan ah wadaadadda, waxaanan isku taxalujiyey inaan fahmo sababta dhabta ah ee wadaad-diidku ku salaysan tahay, ama hadafka iyo ujeedadda ay rabaan wadaad-diidku in ay bulshadda la wadaagaan.

Marka hore waynu wada og-nahay wadaadaddu waa bini-aadam gefi kara ama khaldami kari iyadoo ay ugu wacan tahay faham gaabni diimeed, ama wadaadadda qaarkood waxay u badheedhi karaan in ay diinta ugu muraadsadaan danno gaar ah. Gefka aan loo kasin iyo ka loo badheedhay labaduba waa waxa laga filan karo bini-aadamka, waana wax lagu dhaliili karo, lagagana hor iman karo.

Hase yeeshee, waxaan is weydiiyey, wadaad-diidku si ay bulshadda u qanciyaan, ama loola qaato fariintooda, maxay arrimahan soo socda doodooda ugu muujin waayeen.
1. Maxay mar kasta uga hadlaan magaca wadaad oo mutuxan ee ay uga hadli waayeen mawduuca iyo waxa dhab ahaan ay wadaadadda ka ku diideen, isla markaana u keeni waayeen, wixii ay diideen bedelkiisa ama sidii uu sax ku noqon lahaa aqoon ahaan.

Nin wax diiday oon wadin
wax kaluu ka door biday
wuxuu doonayaan jirin – AHUN Gaariye

2. Maxay isugu qaadaan dhamaan wadaadadda iyagoo isticmaalaya ereyga wadaad, ama wadaaddo, inagoo og in wadaadadda soomaalidu yihiin kooxo iyo xarakooyin iyaguba ku kala aragti ah arrimaha qaarkood. Inaad diidmadaadu ay caam yeesho wadaad oo dhan, adigoon sheegin sabab maangal ah ama run ku dhisan, waxay u muuqanaysaa in aanad wadaad diid ahayn, laakiin aad diidan tahay fariiinta wadaadku sido, maadaama caam yeelida dad aan isku aragti ahayni ay tahay qaacido khaldan gebi ahaanba.

3. Haddiiba aad aqoonteed leedahay oo aad rabto inaad saxdo masalo uu wadaad khalday ama koox wadaaddo ahi khaldeen, markaa adiguna waxaad tahay wadaad kale, fadlan bulshadda la wadaag masaladda aad saxaysid. Bulshaddu ma dhegeysan karto adigoo wadaad ah inaad wadaad kale ceebayso maadaama lagaa filayo inaad wax saxdo.

4. Haddii aad diidan tahay xarako diimeed gaar ah, bulshadda fahamsii masalooyinka diimeed iyo afkaareed ee ay ku khaldan yihiin, si bulshaddu wax kaaga faa’iido, una fahamto waxa xarako heblaayo ku khaldan tahay. Bulshadda kuma fila, intaad magaca xarakadda qorto inaad caydo, iyo inaad noo sheegto inaad adigu qof ahaan ka soo horjeedo xarako heblaayo. diidmadaada shakhsiga ah cidina baahi uma qabto, waxaan nacay ila nacana caqli maaha.

5. Dhanka kale diintu waa waano iyo nasteexo uu ku dhan yahay wanaag oo dhami, haddii aad diiday sida wadaadaddu wax u wadaan, isla markaana aad xaq doon tahay ee aanad xin doon ahayn, waxaad wax diidi kartaa adigoo nasteex u eg, oo aan af-xumayn waxna ceebaynayn, magaca wadaadna bulshadda nacsiinayn, maadaama wadaadku bulshadda soomaalida ugu qiimaysan yahay qof barta ama bara mabda’a Islaamka ee ay Soomaalidu aaminsan tahay.

6. Haddii wadaad-diidnimadda aad isku toosinaysid, laakiin dhab ahaan aad diidan tahay Mabda’a Islaamka ee wadaadaddu dadka u sheegayaan, waxaa kuu fiican inaad ku kalsoonaato waxa aad adigu aaminsan tahay, isla markaana aad soo bandhigto si bulshaddu kaaga iibsato haddii uu kuu gadmayo.

Markii aan ka waayey wadaad-diidka dhamaan arrimaha aan kor ku xusay, waxa ii soo baxday wadaad-diidku in ay yihiin badankoodu laba kooxood. Kooxda koowaad waa kooxda leh hal-abuurka wadaad-diidka, waana koox dhab ahaan diidan Diinta Islaamka, laakiin aan wakhtigan badheedhi Karin duruufo jira awgeed, laakiin xal u arkay in ay is nacsiiyaan wadaadka iyo bulshadda, si ay u dhimato fariintii wadaadku xambaarsanaa. (Kill the messenger to kill the message). Qaacidadani waa qaacido soo jireen ah oo lagula dhaqmay Nebiyaddii Ilaahay dhamaantood, Nebiyadda shakhsiyadooda baa wax laga sheegi jiray sida inay waalan yihiin, inay sixiroolayaal yihiin iwm. lagama hadli jirin mabda’a ay xambaarsan yihiin.

Kooxda labaad waa dhalinyaro, dameeri dhaan raacday ah oo la duufsaday. isla markaa aan dhab ahaah fahamsanayn ama aqoona aan u lahayn mawduuca ay ka hadlayaan. Waxa la gudboon in ay wax bartaan, xaqana raadiyaan. Uma baahnid inaad wadaadka nacdo iyo inaad iska dabagasho midna, waxa kuu haboon inaad xaqa raadisid, xaqana raacdid.

Xusuusin: Aragtidaydu marna maaha wadaadka lama diidi karo, lagamana hor iman karo, aragtidaydu waxa weeye, qofka wax diidani bulshadda ha qanciyo, waxa uu diiday ha inala wadaago, waxa saxda ah ee uu ku bedelayona ha inoo sheego iyadoo aqoonteedii wadata. Cid baan nacay ee ila naca sabab la’aan waa aragti jaahil

Waxa qoray Muqtaar Haaji Cabaydh

 

Warsan masuul kama ah fekerka qoraha, isaga oo kaliya ayeyna masuuliyaddiisa tahay fekerkiisu

Related posts

Guilty Macron breathes fire after he fails to turn Libya into Rwanda

warsan

Turkey Has Eclipsed Emmanuel Macron’s Libya Dreams

warsan

Russia Dealing with Neo-Colonialism in Africa

warsan