The Warsan
Uncategorized

Kitaabka Dhulka Ka Qaad!

 

 

Waar ileyn 50 ka oday ma waalee anaga sidii caruurta ha noola hadline Hassan sheekh iyo siilaanyey u kala dab qaadayaan na dheh. Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. Dhaqankoodu mid maaha. Dhaliil la iskama qaato. DHafoor taabasho weeye. Dhibtana la iskuma eego. Daily way kaftamaan. Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee. Kaalayoo bal dhegeyso.

Dhaqane: Oday dhaqameedyada maxaa ugu yeedheen

Dhaashane: Yaa u yeedhay dee aad sheegaysaa?

Dhaqane: Waar ileyn 50 ka oday ma waalee anaga sidii caruurta ha noola hadline Hassan sheekh iyo siilaanyey u kala dab qaadayaan na dheh.Turkigaa lacagta ay ku

soconayaan bixiyey na dheh.Anagu hadaanu waddani nahay odayaasha waxaan ku nidhi: Adeer ama Hassan sheekh ha idin soo diro ama Siilaanyo ha idiin yeedhee anaga mid uun nimankaa ka timaadeen nooga geeya.Waxaa ku tidhaahdaan: Reer Somaliland waxay idin yidhaahdeen Ictiraafku ama ha raago ama ha soo dhakhsadee waanu helaynaa. Haddii laakiin dowlad kale idinkaga hor dhawaaqdo. Waxba isuma nihine ogaada.

Dhaashane: Ina Abdi gaboobe maxaa isu tihiin?

Dhaqane: Aduunka qofka runta idiin sheegaa ugu necebtiin waayo?

Dhaashane: Waar anagu daacad baanu nahay. Hantida dadkuna way naga nabad gelaysaa adeer.

Dhaqane: Ma ragiina Airporka dhan liqay ee Petroolka dhan cabay ayaa weliba haniyi ka nabad gelaysaa? Waar heedhe waxaa la yidhi:Beri baa Xamar mid mooyaani guri u soo dhacay. Nin guriga jiifay baa kor u booday markuu sanqadhii rasaasta maqlay. Miis uu jiidhay baa waxaa ka dhacay kitaab quraan ah oo saanaa. Kii mooryaanka ahaa baa ku yidhi: Kitaabka dhulka ka qaad waryaa. Ninkii guriga jiifay oo baqayaa ayaa yidhi: Adigu qaad nooh. Kii mooryaanka ahaa baa yidhi: Waar aniga wayso iima dhowree kitaabka dhulka ka qaad. Imika ma intaa wadanka wixii yaalay liqdeen ayaa hadana awliyo iska dhigaysaan?

Waar ileyn 50 ka oday ma waalee anaga sidii caruurta ha noola hadline Hassan sheekh iyo siilaanyey u kala dab qaadayaan na dheh

 

Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden

Related posts

Milk powder production in Ethiopia, Profit-making idea

warsan

Somaliyey dood baan ka qabaa in aad ku faraxsantay-Waayo?

nur

Rivalry between MBS and MBZ is now on full display

warsan