The Warsan
Commentary

Kitaabka Dhulka Ka Qaad!

 

Waar ileyn 50 ka oday ma waalee anaga sidii caruurta ha noola hadline Hassan sheekh iyo siilaanyey u kala dab qaadayaan na dheh

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Oday dhaqameedyada maxaa ugu yeedheen

Dhaashane:Yaa u yeedhay dee aad sheegaysaa?

Dhaqane:Waar ileyn 50 ka oday ma waalee anaga sidii caruurta ha noola hadline Hassan sheekh iyo siilaanyey u kala dab qaadayaan na dheh.Turkigaa lacagta ay ku soconayaan bixiyey na dheh.Anagu hadaanu waddani nahay odayaasha waxaan ku nidhi :Adeer ama Hassan sheekh ha idin soo diro ama Siilaanyo ha idiin yeedhee  anaga mid uun nimankaa ka timaadeen nooga geeya.Waxaa ku tidhaahdaan :Reer Somaliland waxay idin yidhaahdeen Ictiraafku ama ha raago ama ha soo dhakhsadee waanu helaynaa .Haddii laakiin dowlad kale idinkaga hor dhawaaqdo .waxba isuma nihine ogaada.

Dhaashane:Ina Abdi gaboobe maxaa isu tihiin?

Dhaqane:Aduunka qofka runta idiin sheegaa ugu necebtiin waayo?

Dhaashane:Waar anagu daacad baanu nahay.Hantida dadkuna way naga nabad gelaysaa adeer.

Dhaqane:Ma ragiina Airporka dhan liqay ee Petroolka dhan cabay ayaa weliba haniyi ka nabad gelaysaa?Waar heedhe waxaa la yidhi:Beri baa Xamar mid mooyaani guri u soo dhacay.Nin guriga jiifay baa kor u booday markuu sanqadhii rasaasta maqlay.Miis uu jiidhay baa waxaa ka dhacay kitaab quraan ah oo saanaa .Kii mooryaanka ahaa baa ku yidhi:Kitaabka dhulka ka qaad waryaa.Ninkii guriga jiifay oo baqayaa ayaa yidhi:Adigu qaad nooh.Kii mooryaanka ahaa baa yidhi:Waar aniga wayso iima dhowree kitaabka dhulka ka qaad.Imika ma intaa wadanka wixii yaalay liqdeen ayaa hadana awliyo iska dhigaysaan?

Waa Qalinkii:Baxnaan Xaaji Aden

Related posts

Musuqmaasaq Soomaali Waa Meheraddeediiye

nur

From calm to confusion: How Kenya’s COVID-19 frontman lost his sheen

warsan

Somali coffee farmers vexed by poor roads and transport in mountain areas of Sanag

warsan