The Warsan
Cover

Kheyrre ayaa joojiyey mashaariic uu qalinka saaray wasiirka is-mahadiyey ee Beyle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono Magaalooyinka dalka, kaasi oo Maanta ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda iyo Duqa Muqdisho.

Amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu hekiyay Mashruuca lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka, waxaana Maanta si wadajir ah saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka howlaha guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Amarka Xasan Cali Kheye ayaa waxaa lagu sheegay in Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka dalka Dib u eegis lagu sameyn doono, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan dhammaan dowlad Goboleedyada.

“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri Amarka uu soo saaray RW Kheyre

Si kastaba Mashruucaan ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, waxaana Mashuuraan uu ku kacayaa 112 Milyan.

Source: Heemaal News Network

Related posts

10 Somali refugees died for starvation, COVID-19 in Uganda

warsan

Biden at the UN Forgets What War Is

warsan

Niger’s military junta scraps defense agreements with France

warsan