The Warsan
Uncategorized

Kalmada Guddoomiyaha Salaam African Bank

Salaam African Bank, oo muddo dhowr sano ah shaqeynayey, waxa ka go’an inuu qeyb ahaado, isbeddelka dhinaca horumarka dalka ka socda, uuna sii hormariyo adeegga uu u hayo bulshada. Bankigu, waxa uu dhowaan u guurayaa Salaam Tower oo dhowaan la furay.

Sidoo kale, qorshihii saddax-sannad laha ee uu Baanku qorsheystay, waxa uu u socdaa si fiican, iyadoo ay qeb ka ahaayeen, gacanna ka geysteen howl wadeenno khibrad u le arrimaha ganacsiga, si aan u sii ballarinno adeegga aan siinno macaamiisheenna.

Bankigu, waxa uu wadaa qorshe uu ugu ballaranayo waddammada gobolka. Baanka, oo siyaasaddiisa sal ay u tahay in la kobciyo ganacsiga yar yar, si kor loogu qaado maciishada dan yarta, waxan caddeyneyna in siyaasaddaasi halkeedii ka sii socon doonta, oo aan is-bedde-lin. Sidaa awgeed, waxan ku dhiirregelineynaa ganacsatada yar yar inay ka faa’ideystaan qorshaas, baankana xiriir la soo sameeyaan. Baanku, dadka ayuu u adeegaa, si hufan waa uu ula shaqeyn doona mustaqbal.

Ugu dambeyntii, anoo ku hadlayaa magaca gudida maamulka Bankiga, waxan u mahad-celinayaa, sannadguurada 41aad ee xorriyadda qarankana ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, Ra’iisalwasaare Cabdu-kadir Kaamil Maxamed iyo guddoomiyaha Banki-ga dhexe, mudane Axmed Cusmaan. Waxanan iloobeyn taaageerada aad la garab joogtaan sidii loo hormarin lahaa bankiyada Jabuuti oo door mugle uga jira horumarka dalka.

 

Ali A. Hittam – Guddoomiyaha

 

 

Related posts

Back to the era of the Caliphs

warsan

International Criminal Court may investigate UK military for the first time over ‘war crimes cover-up’

warsan

Justin Trudeau wins second term in hard-fought Canada election

warsan