3.1 C
New York
March 24, 2019
Cover

JABUUTIDA CUSUBI, WAA WADNAHA MAALGASHI BULAALA

Guddoomiye Aboubakar Cumar Hadi

 

Majallada Warsan, waxa sharaf u aheyd inay la kulanto guddoomiyaha dekadaha iyo goobaha canshuuraha ka caaggan ee Jamhuuriyada Jabuuti, Aboubakar Cumar Hadi.

Guddoomiye Hadi, waxa uu ka hadlay khilaafkii ka dhashay dekadda Dooraale ee Jabuuti iyo shirkadda DP World ay wada maalgeliyeen ugu dambeyntiina keenay in dowladdu la wareegto. Guddoomiyuhu, sidoo kale, waxa uu ka hadlay  horumarka dhinaca dekadaha iyo Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti hirgelisay.

 

DP World, markii ay Jabuuti lumisay, waxay durbadiiba gashay Somaaliya, oy tuhmeysay inay sahal ku marsan kadho doonisteeda, burburka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho jira awgii. Waxad moodda inay wax badani uga qabsoomeen, maamullada qaarkood ayaana soo dhoweeyey, heshiisyana la saxiixday.

Majallada Warsan, oo wacyi gelinta bulshada Somaaliyeed door weyn ku le, qeybna ka ah xalka, ayaa go’aansatay inay soo uruuriso, una soo bandhigto shacabka Somaaliyeed iyo dowladdaba macluumaadka ku saabsan DP World iyo fursadaha maalgashi ee Jabuuti diyaarisay.

 

Majalladu, waxay hore ugu soo bandhigtay akhristayaasheeda iyo bulshada guud ahaan, wareysi uu madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, mudane Ismaciil Cumar Geelle siiyey cadadkeedii Abriil-Juune, 2018kii iyo kii 9aad, (Luulyo-Sebtembar, 2018), oo ka hadlayey xafladdii ballaadhneyd ee 4tii Luulyo Ibta looga furay mashruuca ganacsi iyo maalgashi ee Jabuuti ay soo bandhigtay.

Guddoomiye Hadi oo aad xog-ogaal ugu ah DP World howlihii ay ka wadday dekadda Jabuuti, ayaa isagoo ku mahadsan naga oggolaaday inaan arrinka kala sheekeysanno.

Maalintu laba ayey isu-qeybisay, heer kulku waa mid aan jacel badan kuu heyn. Waxan ku soconna, xafiiska guddoomiye Hadi oo aan ka fogeyn dekaddii faracyada kale dhashay ee dalku hore u lahaan jiray. Daqiiqado kadib, waxan soo gallay goob ku dareensiineysa in howl baaxadle laga maamulo.

Shaqaale dhallinyaro u badan, ayaa ku mashquulasan halkii howsha loo beegay. Waxa ley keennay qol ay ka buuxaan dad dalal kala duwan isaga yimid iyo malaha qaar matalayey sharikaadka xiriirka shaqo la le hey’adda. Waa halka leysku sii nasiyo inta la gaarayo toogadaada ballanka.

Sawirka qolku ku siinaayo, waa mid kuu sahlaya inaad fahamto heerka sarreeya ee dowladda madaxweyne Geelle, caalamka ugu qancisay, ugana gadday in Jabuuti tahay meel ku habboon maalgashiga. Dabcan waaney tahay. Marka aan galay qolka guddoomiyaha, waxa kursigiisa ka soo kacay, nin dheer, timo cad oo xariira le, ifaaya, aqoonta iyo waayo-aragnnimada ku qarsanna muuqaalkiisa laga dheehanaayo. Assalaamu Caleykum iyo gacan-qaadis ayuu isugu key daray.

wareysigu, su’aashan ayuu ku bilowday.

1. Warsan: Guddoomiye, si kooban ugu sharrax hey’adda iyo howlaheeda qof aan hore ula socon?

Gudddoomiye Hadi: Waa hey’ad dowladadeed, haddana u qaabeysan sidii shirkad madax bannaan.

Dowladda iyo iyada ayaa wax soo saarka shuraako ku ah. Howsheedu, waa inay hormariso dekadaha dalka, abuudho goobo ganacsiga lagu hormariyo oo canshuuraha ka caagan. Maalgelinta shisheeya iyo ta gudabahana dhiirrigeliyo, si dalku u gaaro himmiladiisa horumarineed, ee dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga. Howshaasi, hadda waa hana qaadday.

Waxan diyaarinnay fursado ganacsi mar la hela, marka la eego dhiirrigelinta ku lammaanan ee maalgashadaha u diyaara. Hantida-ma-guurtada ah iyo xoolaha kaaga soo aada maalgashigaaga, in canshuurta laga dhaafayo, ayaa ka mida faa’idooyinka sugaaya maalgashadaha.

2. Warsan: Guddoomiye, goormeey aheyd markii aad bilowdeen in la ballaariyo oo la hormariyo dekadaha, yaadse la kaashateen?

Gudddoomiye Hadi: Dekadda Jabuuti toddobaatameeyadii (1970-dii), waxay ahey ta ugu weyn geeska Afrika, haddana in halkii uun la joogo mey aheynne, khasab bey aheyd in aannu la tallaaba qaadnno casriyeynta iyo isbeddelka ku dhacaya ganacsiga adduunka iyo dekadaha. Qorshaha, sannooyinka leysku duwayey, waxa ugu soo hormaray, kii aan daaha ka rognnay, 4tii luulyo, 2018ka.

Ganacsiga canshuurta ka caaggan ee ah ka ugu ballaaran Afrika iyo dekado casri ah oo qaabila maraakiib ku raran badeeco boqolaal kun oo tan ah. Dekadahu sidoodaba laba macaamil ayey leeyihiin oo ku xiran. Waa gancsadaha iyo maraakiibta. Ganacsiga dunida oo ballaadhay awgiisna, waxa loo baahday dekado moola, oo qaabili kara markab ku raran xamuul gaaraya 500,000 oo tan, kuna cabeysan konteynnarro waa weyn.

Dhinaca kale, waxa kallifay in dekado cusub la dhiso, magaaladii oo dhinacyada ka martay, iyadoo laga baqay in shidaalka dekadda ku dega, laguna keydiyo uu dab ka dhasho, wax yeellana geysto. Khasabeey kolkaa noqotay in galbeed loo ballaadho dhowr dekadoodna la dhiso. Dooraale ayaa ugu horreysay, oo la bilaabay 2007kii, dhowr kalana waa la dhameystiray, weyna howlgaleen. Yaad la kaashateen, waxan la kaashannay dowlado iyo sharikado caalami ah.

3. Warsan: Guddoomiye, DP World, oo sharikadaha aad macaaamisheen ka mida, goorma ayaad ganacsi-wadaagga yeelateen, asalka heshiiska iyo sababaha khilaafka keenayse maxaad ka tilmaamim kadhaa?

Gudddoomiye Hadi: DP World markeedii hore, waxa lagu magacaabi jiray DPI inta aaney noqon DP World. Maadaama dowladda qorsheedu ahaa, in dekadaha la hormariyo, waxa laga fursan waayey in tii dalku hore u lahaa horta maamulkeeda iyo maareynteeda la casriyeeyo. DPI ayey dowladdu sannadkii 2000kii, qandaraas ku siisay maamulaha dekadda, adeegga ay qabatana wax ku qaadato.

Muddo kadib markii ballaarinta dekadaha dowladdu ay amba-qaadeysay ayey DPI, oo magaca beddelatay lana baxday DP World lagula heshiiyey in laga wada qeyb galo dhismaha dekadda Dooraale. Waxan isku darnnay adduun gaaraya 132 Milyan oo doolar, 400 milyan ee mashruucu u baahnaa. Laba boqol sideed iyo lixdanka hadhay (268 Milyan), si wada jira ayaan uga dalbannay bunuugta iyo hey’adaha caalamka ee maalgelinta sameeya.

Dowladda Jabuuti iyadaa saamiga ugu badan laheyd oo aheyd, 88 Milyan (67%), halka DP World ka laheyd, 44 Milyan (33%). DP World lacagta ay Dooraale ku darsatay, waa tii ay ka xoogsatay howshii maamul ee ay dekadda qabatay. Haseyeeshee, khaladka dhacay, wuxuu ahaa markii tiro hal dheeri ah ay ku hoggaamiyeen gudidii maamulka dekadaha (board of directors). Saddax (3) iyo laba (2). Sharciyo u sad-burinaya ayey marsadeen.

Waxay hor-joogsadeen, oo diideen in dekado horle la dhiso, maalgashi iyagu dibadda ka yihiinna aan la geli karin. Waxay la yimaaddeen shardi ah, haddii dowladdu doonto inay dekado kale dhisto, heshiis iyaga ka baxsanna galeyso, horta waa in iyagu oggolaadaan, markey oggolaadaanna, hantida maalgashiga tiro boqolkiiba looga qoondeeyo. Waxa barbar socday dekaddii oo jilbaha dhulka loo dhigay, maraakiibtii soo xiran laheydna loo wareejiyey dekado kale. Waxyeellada dhinaca farsamada iyo maamulku joogtey ahaayeen. “Weelkan wixii loo dhigtay kuma soo dhicin”

4. Warsan: Guddoomiye, laba maxkamadood oo caalami ah ayaa riday xukun idinka dhan ah, kii ugu dambeyey waxa la ridday Sebtembar, 8, 2018kii. Labadaba waad diiddeen, sababtu maxay aheyd, maxaadse yeeleysaan hadda?

Gudddoomiye Hadi: Xukunka Yurub yaal ee ganacsiga khuseeya waa laba:

A) mid Gudaha loogu talo galay, tixraaciisuna yahay wixii aad kala saxiixateen, go’aankana isagaa jaheynaya. B) Iyo mid caalami ah, nasiibdarro isna waa la mid, oo wixii aad warqadda ku qorateen bilowgii ayaa go’aan ah.

Cidna tixgelin siin-meyso khalad

dhacay in xisaabta lagu daro, xataa haddu qarannimada dalkaas khatar ku yahay, sida ka innaga iyo DP World na dhex yaal, oo qarannimadayada khatar ku ahaa, haddaan aqballo.

Qarannimo gorgortan male. Maxaad yeeleysaan, waxan yeellay:

A)waa go’aankii uu madaxweynaha-yagu qaatay ee lagu qarameeyey dekadddii saami wadaagga lagu ahaa, maalmulkeedana la wareegnnay..

B)Diyaar baannu u nahay inaan wada xaajood ka gallo, kana garbaxnno wixii gar la noogu yeesho.

Hadda dekaddu sidii hore, si ka fiican kana dakhli badan ayey u shaqeysaa.

5. Warsan: Guddoomiye, waxa la leeyahay howlihii dekadda Dooraale aad bey hoos ugu dhaceen intii DP World meesha ka baxday. Maraakiibta dejintooda iyo gawaaridda rarkooda intaba saacado badan ayaa ku luma. Si weyn, waxa weliba aad looga deyrinayaa saacadaha gawaaridu ku lumiyaan gelista iyo ka soo bixidda dekadaha?

Gudddoomiye Hadi: Dejinta maraakiibta, DP World, waxay dejin jirtay saacaddii 25 konteyner, halka ay hadda ka tahay 35 saacaddii. Rarka gawaarida, waxa uu qaata saacado aad uga yar, sidii ay ahaan jirtay. Shaxda hoose ayaa tilmaan ka bixineysa kororka yimid intii qoladaasi meesha ka baxday. Haddii cabasho ka jirto rarka iyo dejinta, diyaar baannu u nahay saxitaan, waana saxeynaa Inshallah.

Waxa leys lahaa wey isku daadanayaan, laakin, taa beddelkeeda cidda na la macaamishaa, wey nooga kalsooni badan tahay markii hore. Hubaal waxa ah in xoolo la hori jiray albaabka u furnnay.

6. Warsan: Guddoomiye, booskii DP World banneysay, yaa idiin  galay, waxa la leeyahay Shiinaha ku soo ballaadhay?

Gudddoomiye Hadi: Weli cid maannaan siin, wadahadal ayaan la wadnaa xukuumada Itoobiya, oo muujisay inay daneyneyso saamiyo ay ku yeelato dekadaheenna. Waxa iyaana suurowda, inaan annaguna saamiyo ku yeelanno hey’adahooda Is-gaarsiinta, Gaadiidka cirka iyo qaar kale. Shiinuhu waxba nama weydiisan.

7. Warsan: Guddoomiye, ma waxa idin dhexdhexaadinaya Sacuudiga, idinkuse inta aad is-qabateen wadahadal toos ah ma isku soo hor fariisateen DP World?

Gudddoomiye Hadi: Waxan ogahay maaha in Sacuudigu dhex-dhexaadin wado, waxanse ogahay in labada dowladood wadahadlaan, gaar ahaan wasaaradaha arrimaha dibadda. Annaga ka shirkad ahaan, wax xiriira ama wadahadala DP World nama dhexmarin intii aan kala guurnnay.

Warsan: Guddoomiye, waxad mar dhow furteen mashruuc aad u ballaaran oo aad ugu talo-gasheen inaad ku dhiirrigelisaan ganacsiga iyo maalgashiga, maal-qabeenka iyo ganacsadaha Somaaliyeed kuwa loo gacan haadinaayo qeyb ma ka yihiin?

Gudddoomiye Hadi: Somaalidu safka hore ayey ku jiraan marka laga hadlaayo maalgashi iyo ganacsi, doorkooduna waa mid aad uga muuqda dunida. Waxan ka xumahay in meeelo badan ganacsigooda iyo naftoodaba khatar lagu geliyey. Jabuuti marti kuma aha Somaaligu, hantida uu ku yeeshaana, waa mid amaana oo aan khatar looga baqeyn marna. Jabuuti maaha tii 70kii, 80kii, 90kii ama xataa 2000kii. Jabuutida maantu, waa midda Afrika maanta uga dayato ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah.

Jabuutida maantu, waa ta Afrika badhay dalalka awoodda dhaqaale iyo ganacsiba le. Shiinaha oo la og yahay saameynta uu ganacsiga dunida ku leeyahay halka uu Afrika ka soo galay, ugana fido waa Jabuuti. Fursado maaalgashi, oo marna aan ku sugeyn, ayaa Jabuuti ku diyaara, in Somaalidu u soo deg degto, waa  farriin aan u gudbinaayo.

9. Warsan: Guddoomiye, waxad la socotaa in DP World hadda u wareegtay Somaaliya, welibana dhowr dekadood qaadatay, talada aad siin laheyd madaxda Somaalida na la wadaag?

Gudddoomiye Hadi: Haddii aan ku tala-bixiyo, haddaan ley hureyn (DP World iyo Somaliya), heshiisyada aad la geleysaan adkeeya, una wakiisha khubaro aqoon durugsan ule sharciyada badaha iyo dekadaha. Qoraal cad oo dhan walba leyska taagay kala qorta, si eednaan ugu dhicin khalad qoomamo dambe keena. Kolleey, waxa la oranayaa, ninkan ragga wey coloobeen, laakin xaqiiqadu waa sida aan xusay.

10. Warsan: Mahadsanid

Gudddoomiye Hadi: Soodhowow

Guddoomiye Aboubakar Cumar Hadi, agaasime guud ayuu ka soo noqday dekadda weyn ee Laagoos-Nyjeeriya. Agaasimaha ganacsiga DP World-Jabuuti. Sifax group ayuu la shaqeeyey. Khibrad-shaqo oo 30 sano jirsatay ayuu ka soo helay dekadda Jabuuti, isagoo shaqada ka soo bilaabay waaxda badda iyo ka war-qabka dekadda, mas’uulna isla markaa ka ahaa, uruurinta iyo keydinta macluumaadka dekadda. Agaasime ku-xigeenka waaxada tira-koobka iyo madaxa qeybta xamuulka.

Door weyn ayuu ku lahaa, in isticmaalka Itoobiya ee dekadda Jabuuti laga soo qaaado 15% lana keeno 90%. Waa awood facaala, dhinaca xiriirka Jabuuti iyo Itoobiya. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horreeyey, ee dekadda ka socda, ee Itoobiya tagtay.

Waxa lagu qiimeeya doorka mugga le, ee keenay in Itoobiya, si buuxda ugu soo wareegto dekadda Jabuuti. Shahaadadiisa kowaad, waxa uu ku qalin jebiyey cilmiga dekadaha, isagoo ka qaatay jaamacadda (Le conservatoire Nationale des Arts).

Ta labadna, waxa uu ka qaatay jaamacadda (World Maritime University of Sweden), takhasuskuna, waa dekadaha iyo maamulka howlaha maraakiibta.

Related posts

Jabuutida Cusubi, Waa Wadnaha Maalgashi Bulaala

gradadev

13 comments

Leave a Comment