19.7 C
New York
July 24, 2019
Uncategorized

HORTA ADIGU DOWR MA LEEDAHAY?

 

 

 

“If you don’t know where you are going, any road will get you there”. Lewis Carrol

 

Ummaddaha waxaa horumar gaar-siiya, isbeddalna u horseeda dadkoo-da waxgaradka ah sida Aqoonyah-anka, Culimaa’uddiinka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada. ayadoo dhanka kale haddii ay dad-kaasi gabaan ama dayacaan dow-rkooda ay khatari ku iman karto jiritaanka ummaddaas.

Haddaba si ay ummaddi heer fiican uga gaadho nolasha una dajiso han-naanka dowladnimo oo wanaagsan, waxaa lagamamaarmaan ah inay isku tashato, garato meesha ay u so-coto kana baaraandegto dariiqa ugu wanaagsan ee ay ku gaari lahayd.

Waxaase nasiib darro ah, marka ay dhacdo inay ummaddi garan wey-do habkii iyo qaabkii ay ku gaari lahayd yoolkeeda, waxaase ka sii daran haddaysan yoolba (vision) la-hayn. Waxaa ummaddaha yoolasha u calaameeya, u dejiya qaabka lagu gaarayo, kuna haga yoolka hoggaan-ka ummaddu leedahay. Waxaa laga yaabaa inaad marar badan aragtid hal-ku-dhigyo (slogans) ay dowlad-duhu shacabkoodda ugu sheegayaan meesha loo socdo, tusaale ahaanna aad u soo qaadan kartaan Kenya oo ah waddanka aan dariska nahay “Kenya2030 vision”, “2020 vision South Sudan” iyo “vision 2030 Ja-maica” ay leedahay. Yoolka waxaa lagu sheegaa tiigsi qorshe howleed iyo meesha wadd-anku ka gaari doono xiliga la calaa-meeyey, hadba waxa muhiimadda u leh dalka, sida: aqoonta, nolasha, dhaqaalaha, dowlad wanaagga iwm.

Waddamadu waxay u xilsaartaan yagleelidda yoolka, dad aqoon iyo waaya’aragnimo u leh odorasidda waxyaabaha yoolka laga dhiganayo iyo weliba dariiqa ugu sahlan ee lagu gaari karo. Daraasadda dadka loo idmadey howsha yool samayntu, waxay je-exdaa jid ama waddo cad oo ay ku qeexayaan hannaanka loo marayo.

 

Aduunka aan maanta ku noolnahay dowladduhu marka ay dajiyaan yoo-lasha, hay’adaha dowladdu waxay ku soo rogaan goobaha waxbarashada inay soo saaraan dadkii ka shaqayn lahaa baahida la qabo. Tusaale ahaan jaamacaduhu iskama qori karaan in-jineero ka badan intii loo baahnaa ama shaqo heli kartay. Waana sida loo sargooyo ardayda suuqa shaqada u soo ban bixidoon-ta. Marka lagu guulaysan waayo in la abuuro shaqoonyin ku filan dadkii la soo saaray waxaa ka dhasha dhibaa-tooyin badan oo hadhow ku soo noqda ummadda iyo waddanka, ku-waase oo aan ka soo qaadan karo, fal dambiyeedyo la galo oo ah waxa ugu badan oo adduunka maanta la daalaadhacayo, tahriib iyo barakac, waana arrinka aan TV-yadda caa-lamka xiliga aan joogno aadka uga daawano, Soomaalidana saamayn weyn ku yeelatay, ayna dhalinyara-doodii baylahda ugu yihiin badaha  adduunka iyo waliba dambiileyaal caalami ah oo ka ganacasada dhoof-inta iyo tahriibinta ay ku dheehan tahay naxariisdarradu.

 

Haddii ay dhacdo in jaamacadda-ha iyo mac’hadyadu maadooyinkay rabaan dhigaan, aqoonyahanaday doonaana soo saaraan, taasi oo aan ka tarjumeyn ama ku salaysneyn, oo baal marsan yoolkii horey loo qorsheeyay, waxaa dhacaysa in dad badan oo shaqo la’aan ah suuqyada ku kulmaan, taas oo ay ka dhashaan dhibaatooyin badan oo aan xal loo heli karin.

Hadabba waxay dad badan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah isweydiinayaan waddankeena Soomaaliya ma jiraa, mase leeyahay wax yool ah oo loo dejiyey?, had-dii jawaabtu maya tahayna yaa laga sugayaa inay sameeyaan ama cid u saaraan?, yaa ku eedaysan haddii la samayn waayo?.

Su’aalaha aan kor ku xusnay, waa kuwo mudan in jawaab loo helo. Qofkasta oo bulsho weynta ka mid ahna wuxuu dowr ka ciyaari karaa xal-uhelidda iyo ka jawaabidda su’aalaha aan soo xusnay.

Tan iyo intii ay burburtey dowlad-dii dhexe ee Sooamaaliya waxaa na soo maray dowladdo ku yimid qa-abab kala duwan, la kulmay duruufo kala duwan. Dawladdahaas qaar-kood waxay ahaayeen KMG, kuwo kale muddo yar ayey shaqeeyeen, si-daas oo ay tahay waxaa na soo mar-ey kuwo lays oran karo waxay hay-steen fursaddo dahabi ah, haba ugu horrayso tii Madaxweyne Xasan Sh. Max’ud oo waqti badan ku lumis-ay xurguf aan loo baahnayn, walow markii dambe ay is dabaqabteen.

Nasiib darro, waxaa hadda muuqa-naysa in khaladkii dowladdii Md. Xasan Sh. Maxamuud, ay kusoo celinayaan qolyaha hadda xukunka haya, ayagoon qarsanayn dagaalkoo-da. Waxaa marar badan la isku day-ey in la hogatusaaleeyo, looguna maahmaaho howshii dowladdii Md. Xasan Sh. Maxamuud iyo dagaalkii ay galeen. Dhegaha ayeyse ka furay-steen. Soomaalidu waxay tiraahdaa “haddii malag dhawaaqaayo mi-idaamin dhego ma leh” oo la mac-no iyo nuxur ah maahmaahda kale ee tiraahda “nin meeli u caddahay meeli ka madow”. Abshirtase alle hayna waafajiyo.

Waxay dad badan oo Soomaaliyeed markhaati ka furayaan inay jiraan shakhsiyaad siyaasadda ku bahloo-bay oo dhex ordaya dowladda fed-eraalka ah iyo dowlad goboleedya-da, iyagoo ka dhex arka dano iyaga u gaar ah, kuwaas oo ay ku dhibaa-taynayaan dantii guud ee ummadda. Nasiib darose ma jiraan dad toosh-ka ku ifinaya si looga digtoonaado Waxaan rajaynayaa mar ay noqo-taba in kuwaas la soo qaban doono. Su’aasha lays weydiinayo ayaa waxay tahay tolow dowladda madaxweyne Farmaajo ma xiliga ololaha doora-shadda ayey la gaari doontaa iyagoo wali sidaan ku jira mise way is daba qaban doonaan oo is waansan doo-naan inta aan la gaarin xiliga doo-rashadda, oo waddankay u shaqa-yn doonaan?

Jawaabta ayagaa laga sugayaa.

 

Xirsi Jaamac Gaani

 

Related posts

Horseed Bannu ka Nahay Koboca Iyo Is- Dhexgalka Dhaqaalaha

gradadev

CENTRAL BANK OF KENYA UNVEILS NEW GENERATION CURRENCY NOTE

warsan

Musuqmaasaq Soomaali Waa Meheraddeediiye

gradadev

Leave a Comment