The Warsan
Women

Hooyo Way dhimatay, Wax kastana Way la dhimatay. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Markii uu imtixaanka u fadhiistay Maxamed C/kariim oo degan waqooyiga gobolka Siinay, waddan-ka Masar. Waxa ku jirtay su’aal curis ah oo laga qorayay “Fadliga weyn ee Hooyada”. Waxay ku reebtay murugo badan waayo maalmahaasi ayuun bay hooyadii dhimatay. Maxamed ayaa curiskaasi ku qoray “Hooyaday way dhimatay, Wax kastana way la dhimatay”. Erayada jawaabtaasi oo aad uga yaabisay macalimiinta, una muujisay niyadda murugada leh ee wiilkan ayaa sababtay in Wakiilka waxbarashada ee gobolka iyo maamulaha dugsiga, oo gabadh ahayd ay xafiiska ugu yeedhaan kana waraystay waxa jawaabtiisan ku kelifay iyagoo aad ugu muuji-yay ixtiraam. Laakiin, wiilka oo ilmo ka quba-nayso ayaa u sheegay in dhowaan hooyadii dhimatay, ka dibna ay noloshu ku adkaatay. Waxaana ay siiyeen shaahadada kor u qaaday-sa niyadda iyo macnawiyadda qofka.

 

Murugadiisii wey la wadaagay, waxaana aradaygaasi yar kaafaala qaatay Jaamacadda As-har oo noloshiisa si dhamaystiran u dabooli doonta.

 

Ugu danbayn, xilligan la joogo waxaa jira dhalinyaro waalid caasiya oo mar walba murugo iyo tiiraanyo ku riday hooyooyinkood. Tolow maanay is lahayn maruun bay dhiman oo ay kula soo darsi hoyooyo la’aani. Allahayaw adaa caadilee hooyooyinka Janatul Fardawsa ku maamuus anaga waalid caasi hanaga dhigin.

 

Related posts

Haweenkii Burburka

nur

Somali refugee named director of Seattle clinic that cared for her as a child

warsan

Israel gets first Ethiopia-born minister

warsan