The Warsan
CommentaryEditorialPopular

Hooyo Raalli Ahow !

 

Waa xalay, 8.45 fiidnimo. Xaafadda Xalane, magaalada Boorame, jagada bannaan ee dhagaxa yari yaal, ee dayrka iyo guriga dhisan u dhaxaysa. Saddex bacood oo mad madow oo midabyo leh. Gurxan iyo sanqadho dhiillaysan.

Nafo soo ambaday oo aan se doonayn inay si yar dib ugu noqdaan halkan. Mid waxa ku jira bootar, saliid ‘baby oil’, saabuun, qasacad caano balaadi ah iyo laba tuwaal oo yaryar. Bacduna afkay ka xidhan tahay.

Labada bacood ee kale, ee iyana mad madow, afka kama xidhna. Midna Samir baa ku jirta, midna Nasiib. Samir way ooyaysaa, Nasiibna lugahay ka girif-girifsiinaysaa. Samir waa qayladhaan oo farriin bay diraysaa oohin ay sii marinayso, Nasiibna waa difaac oo girifgirita luge-heedu saqandha ay ku samayseynayaan bacda ayay eyda meesha ka gurxamaysaa ku dhici la’yihiin.

Samir iyo Nasiib, waxay xidhan yihiin laba diric oo shi-id ah, mid waa madow midina waa casuus dhalaal xiga. Xudduntiibaa ku taalla labadaba oo aad mooddo inay Samir iyo Nasiib, waxay xidhan yihiin laba diric oo shiid ah, mid waa madow midina waa casuus dhalaal xiga xorgogtay. Waa mataano. Qiyaastii laba caanamaal uun bay go’nayd xundhurtu.

Afada ku soo raagtay shaqada ee meesha maraysay ayaa maqashay gurxanka eyda iyo sanqadha dhiillaysan. Way soo qaadatay labadii hablood. Jaarka xaafadday u yeed-hay. Saldhiggaa la geeyey.

Xalay way seexisay oo sharcidarraa loogu oggolaaday inay hayso. Xaafaddu caanay u soo ururisey. Saakan waa loo sharciyeeyoo labada magaca ee Nasiib iyo Samir ayaa loogu magac bixiyey, odeygeeda oo aanay carruur hore isu dhalinna waa lagu qorey. Hooyadii dhashaay raalli noqo. Waan kula damqanayaa. Danbiga bulshadaa iska leh. Eed lagaa galay. Xanuunka markaad bacda sa-hayda u diyaarinaysay wuu ka daran yahay kii markii aad foolanaysay ku hayay.

Kii wallacii, iyo kii culayska laba mataanood.Waan hubaa xanuunkaas. Ma dareemi karayo anigu inta uu leeg-ya-hay oo Adduunbaa dareemi karee, hooyo raali ahow. Bulshooy dib isugu noqo. Aammus oo isla showr ka-ligaa. Wax wayn baa innaga dumay. Hooyo adiguna raalli ahow mar kale.

 

  1. Sheekadu waa dhab, waana xalay, waxa uun bed-delan  magacyada  loo  bixiyey  hablaha;  mataanuhu-na maanta reerkoodii cusbaa bay la joogaan waanay caafmaad qabaan.

Alle ha barakeeyo.

 

Qalinkii: Jaamac Muuse Jaamac

Related posts

Conflict and drought displace 300,000 in Somalia so far this year

warsan

THE PUBLISHER’S NOTE

warsan

AIRLINES RIP OFF THE SOMALI PEOPLE

warsan