The Warsan
Politics

HIIRAN TOOS, DIID DULLINNIMADA

Warsan 

 

Heedhe maxaa kugu dhacay? Hurdadu dheeraa, dhiilladu badanaa, dhagartu culusaa, dabar go’u dhowaa! Ma sidanaad dhowran, oo dulligaad eegan. Dhulkani, qaniimadu ceegaagto, xiriiriya waqooyi iyo koofur Somaaliya, xadna la le dhul aan Bad laheyn, 100 milyan oo ruuxna ku nooshay. Xoolaha Somaaliya ku faanto tirade ugu badan adaa dhaqa (Geela, 1.5-2, Ariga, 4-5, Idaha 5-6, loda 4-5 milyan). Dhul beereed 400-500,000 waraab iyo roobba ku baxa.  Waxad dhashay halyeyga Somaalida taariikhda uga galay dhinaca maamul-wanaagga. Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaaliya yeelato.

Halka aad ku taal iyo dhulka aad xiriiriso gobol tartan kugula gala ma jiro. Adoo qaniimadaa dhex fadhiya, ayaad gaajo, cudur, daadad iyo qax joogta ah weheshataa. Waxad oggoshay oo ku maamula dadka kuwa dadnnimada xun, ugu kartida yar, xatooyada xoolaha qaran xalaashaday, aan kuu damqan, haddana sax weeyada ka hor gurtaa . Mucjisadeeda, golayaasha sare, waxad u xulatay, kuwa aan Waxar luntay loo diran. Loollan, qeybsanaan iyo naceyb dhexdooda ah darted ayeyan danahaagii meel ugu sheegin. Musiibooyinka kugu dhaca ee dabeeciga marna dood qaran kama furan. 

Waxay kala difaacaan oo ku karaama seegaan difaaaca ama ka horjeedka siyaasiyiin kale oo difaaca danaha bulshadii wakiilatay. Wasiirkii hore waxbarashada ayaa diiday inuu xilkii ku wareejiyo ka cusub ee la magacaabay. Xilkii, waxa warejiyey wasiiru-dowlihii ka tegay. Dadka idinka wakiilka ahi, waa kuwaa naceebkoodu halkaa gaaray, oo xataa ka xishoon waayey inay ummadda kale ceebtooda ka qariyeen, oo qariyaan waxa ay isu qabaan. Waa dadnnimo xumo halkii ugu dambeysay. Jawaabtiinnu, aamus ayey noqotay. Aamus waa aqbal.

Canshuurta aad ka bixiso jeebka ayaa lagu shubtaa, su’aalna kama keentid. Wax aad su’aal ka keento lama daawan abid. Dul badanidaa. Dullinnimo laguma sabro, lamana qaato. Boqolkiiba 80% mid kuu heyb sheegta ayaa mushkilada kugu joogteeya. Hiiraankii dalku yaqiin kani maaha. Hiiraankii gobannimada safka hore ka galay kani maaha. Bal eeg magaalooyinkaaga darxumada ka muuqata, hooyada iyo dhallaanka shubanka iyo kaneecadu iilka u diraan daqiiqad walba. Arag goobahaaga adeegga, xarumaha caafimaadka, Booliska, garoomada iyo qaar kaloo badan. Xaggee aaddaa hantida Waa soo baryaba lagaa qaado. Waa su’aal la’aantaada iyo hurdada dheer inaadan jawaab helin.

Xageed ka dhoohan tahay, markaad oggoshay in saddaxdii biloodba mar, mid aan maamul ehel u aheyn ama hore u fashilmay sacabka u garaaceyso. Dayuuskaa oggolaada oo daawada iyadoo qoyskiisa la gumaadayo. Goormaa dhiigga lagaa miiray, ood miir beeshay. Shalay baad ka seexatay fursad qaaliya oo laba gobol aad ku heshay, maantaad heehaabi meel cirka iyo dhulka u dhaxeysa, seyladaha saamiyada lagu qeybsadana maba joogtid. Maqane, jooga sad male.

Waxad isu qeybisay beelo iyo jifooyin soo kala jeeda, oo aad mooddo in la yidhi, waxba ma wadaagtan, degaankana kala ootay. Sow ma aragtid in ooddu isu kaa ag taal, oo midkiinna uusan meel u socon. Ma garan weyday inaad isku dan tahay,in sharaf lagu wada noolaaadana ma hurto tahay. Xaggey asal ku leedahay colaadda iyo naceybka dhulkii barwaaqada ahaa omos iyo lama degaanka ka dhigtay, gaajana kugu salliday. Bal arag adaa tira badan le golaha shacabka dowlad-goboleedka xoogga laguugu daray, haddana taya-xumidaada, ma awoodid inaad xajisato mansabka, oo dhameysato waqtiga Tastuurku kuu cayimay, halkeedii waxad ku mashquushay “kanna sib, kanna saar”.  Kuwan ridistooda armaabad hadda sax ku tahay, waa kuwa saddaxdii biloodba mar barasaab cusub kuu magacaaba, kuuna nasab sheegta. Gobolku eedda uu ka galay ha la weydiiyo.

 Waxad leedahay laba cadow, oo mid adiga kugu dhex yaal, midna dusha kaa maamulo, dad xunka kuu nasab shegtana adeegsado

 

 

 

INAAD IS-BADBAADISAAD U BAAHAN TAHAY

Mujtamac Aafoobay sida Hiiran, laba qeybood oo mujtamaca ah ayaa loo kaashada sabata-bixinteeda:

  1. Culimada
  2. Dhallinyarada

Baarayaasha xag jirka ah, ee saafa mushkiladaha dunida Islaamka, waxay qabaan in labada qeyboodba ay mushkiladda qeyb ka yihiin, oo cid loo fakadaa aayan jirin. Waxan ku jiraa, dadka yaree aaminsan in labadaba laga heli karo, qaar xalka loo kaashan karo, gaar ahaan dhallinyarada. Markaa farriintan dhiillada sidda aan u diro dhallinta.

Dhallinyaro, Hiiran qabriga qarkiisa ayuu yaal, mas’uuliyad-darro ka timid kuwa aad hiddo- side u tihiin awgeed. Haddaanad Usha dhexda qaban, waxay iyagoon ka war qabin godka ku hubsan dhaxalkiinna ama waxay idiinka tegayaan gayyi fowddo iyo kala dambeyn aan aqoon.

Waxay ku jiraan maamulka, ganacsiga, ciidamada iyo maareynta bulshada ( odoy dhaqameedyada). Intaniba, waxay abbe iyo hooyo ka yihiin wax kasto ka xumaaday Hiiraan. Hiiran barbardhiga gobollada kale ee dalka, hadduu ka dambeeyo, hubaal wuuba ka dambeeyaaye, qoladan aan soo xusay kala xisaabtama, iskana horwareejiya. Haddaad ka fayoobaa weydaan cudurka qabiilka iyo jifooyinka, hadafka ma gaari kareysaan. Dagaalka qabiilka horta ka guuleysta, si cudud dhayal lagu maquuni karo u noqotaan.

Muhiim maaha qaarkiin helo mansab uu beddellaad ka sameyn karo, cududdiina adag awgeed, waxa idiin suuroobaya inaad diiddaan wax kasta oo dhulka u xun iyo cidda wadda. Markad aragtaan wax xun, dibad bax nabadeed sameeya, jidadka buuxiya, ku adkeysta inta laga noqonayo arrinka aad diidden. Geerida ha ka baqina, waxa sharaf iyo wanaag ku noolaanaya bulshada kaa dambeysa iyo adoo xaqiijiyey hadafka aad asteysatay.

 Ka gudub in qabiil aad mid xun ku difaacdo, uga qeyb gasho dagaalka macno la’aanta ah. Ha dhegeysan siyaasiga, bal u howlgal inaad saaxada ka saadho, keento mid kugu mabd’a. la xisaabtan ganacsaha, ku ijbaar inuu samafalka ka qeyb galo. Hadduu diido, joojiya la macaamilkiisa, shacabkana tusa. Diid in wax ma tari laguu hoosaasiyo. Awoodaadu ha ahaato ta shacabka. Kici, oo dantooda ka tus, waxa aad ka hortegeyso. Ururka hadda dhisan ee dhallinyarada xoojiya, oo tiradiisa badiya.  Hiiran badbaadiya

Related posts

KENYA POLITICS

warsan

Tens of thousands rally against former ruling party in Sudan

warsan

Uhuru denies political deal with Raila, backs PM post

warsan