The Warsan
Analysis

Garashada iyo dareenka mas’uuliyadda

 

Qof kasta bulshada waxa uu ku leeyahay maqaam iyo maamuus ay ku lifaaqan tahay shaqada uu bulshada u hayo, Waxa jira xirfado ama khibrado shaqo oo kala duwan oo uu qofku ka shaqeeyo. Shaqo kastaana waxay leedahay sharciyo iyo qodobo xakameeya qofka kuna haga gudashada waajibaadkiisa si waafaqsan sharciyada iyo akhlaaqiyaadka u gaarka ah shaqadaas.

Waxa hadaba wanaagsan oo uu qofkuna naftiisa iyo ta umadda kaleba ku anfici karaa marka uu masuuliyadiisa yaqaano og yahayna waxa ay faraso iyo waxa ay ka reebaysaba. Baryahan danbese waxad moodaa in la isku daatay oo qof kastaaba uu waxa uu saaka kuso toosay ama shalay looga sheekeeyay uu rabo inuu saaka qabto ama metelo.

Hadaba haddii aan ujeedada qoraalkan kusoo dhawaado, waxad arkayseen inay baryahan danbe dadkii wada siyaasi noqdeen,mudadii doorashada iyo hawlaheeda lagu jiray waxa muuqatay inay dadkii wada siyaasiyiin isku rogeen. Hadaba horta siyaasadu waa hab la isku maamulo oo ay bulshadu isku xukunto,siyaasadu ma aha wax dadka waxyeeladiisa loo adeegsado laakiin waa wax horumarkiisa lagaga shaqeeyo. Siyaasadu ma aha afxumo, ma aha bulsho kala daadin, ma aha dadka kala oo la kala eryo.

Waxa hadaba iyana meesha taala, yaa siyaasi noqon kara?. Jawaabtu waxa weeye qof kasta oo is leh maamulka iyo arrimaha bulshada waad ku fiican tahay wuu noqon karaa, qofkuna xirfadiisii kuwa kale wu ku darsan karaa wax bulshadu ku bartana way u noqon kartaa. Waxaase muhiim ah inuu qofku ku dadaalo waxa lagu baranayaa inu noqdo wax saxa waayo murti horaa ahayd “Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca”. Waxa kale oo iyana muhiima in horta shaqadan uu qofku rabo inu qabto uu raadiyo khibradeeda iyo aqoonteeda.

Waxan kusoo gunaanadayaa qoraalkan kooban talooyin aan bulshadayda qaybaheeda kala duwan u dirayo inta fahankayga iyo garashadaydu ay tahay.

Waxan marka koowaad usoo jeedinayaa da’yarta ina anay noloshooda cusub ka bilaabin meel raad xun ku yeelata isaga iyo bulshadiisaba oo anay ixtiraamka iyo hubsashada ficiladooda anay ka tagin. Waxa kale oo aan leeyahay hogaanka bulshadu ha xasuusnaado wada jirka iyo wada noolaanshaha bulshadu inuu ka wayn yahay arrimo wakhti yimaada muddo koobanna ku dhamaada. Waxa ku leeyahay mas’uuliyiinta magacaaga oo ah maqaamka iyo maamuuska aad rabto inad waliga umadaada ku dhex lahaato yaanay dhaawicin arrin aad si fudud u eegtay oo mudo kooban soconasa.

Ugu danbayn waxaan is lee yahay waxay bulshadu u baahan tahay inay dhiiri galiso shakhsiyaadka u guta waajibaadkooda shaqo si ay ku dheehantahay xurmo, khibrad iyo waayo aragnimo. Waxanan islee yahay waxa laga qiyaas qaadan karaa si hawlahan loo bilaabo maalmaha yar ee is riix riixu jiro sidii maalmihii doorashada ee ina dhaafay. Waxan sidaa u leeyahay waxa weeye qofku waxa uu yahay waxay soo baxdaa maalinta ay wax yara adkaadaan. Waxa aan waliba ku talin lahaa in la maamuuso oo la xuso siyaasiyiintii ugu akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsanayd mudadii ciyaarta doorashadu socotay.

Waxa kale oo aan ad u xoojinayaa in mudnaan gaara la siiyo cuqaashii iyo salaadiintii shaqadooda iyo maqaamkooda gartay mudadii ay hawshaasi socotay, Waxan culayska gaarka ah u saaraya qodobkan danbe, waxa weeye suldaanku waa kaydka dhaqanka umadda soomaaliyeed. Wuxu bulshada u joogaa meel aad u qaaliya waxaanu qabtaa hawlo qiimo leh. Suldaanku waxa uu bulshada u ahaa geed damala oo la wada hadhsado iyo dugsi lagu so wada hirto. Marka uu koox gaara ama xisbi gaara ku xidhmana waxan aaminsanahay inu calankiisii hawada sare ka babanayay hoos u soo dhiga, Sidaa darteed waa inaan suldaankii ama caaqilkii aan u aragno inuu shaqadii iyo amaanadii aan u dhiibanay sideedii inoogu hayay aan u mahadnaqna oo aan xusnaa. Waxan ugu danbayn lee yahay dawlada cusubna waa inay door muhiim ah ka qaadataa arrimahaa aan soo dheegnay.

Saciid Xassan Habane

Related posts

A world with three internets

warsan

Israel and the UAE Made Peace. Is It About Iran—Or Turkey?

warsan

African Continent a Milking Cow for Google and Facebook

warsan