The Warsan
Women

FAHAMKA XISBIYADA IYO DADKEENNA!

 

Ifrax Kirish

 

Nidaamka dimuquraadiyada ayaa sidiisaba dab-cigiisu yahay in la helo xisbiyo kala afkaaro ah oo ku tartama kolba talada dalkaa laga yaglee-lay. Dhamaan xisbiyadaasi waxa lagu saleeya mabaa’dii iyo siyaasado ay ka duulaan una soo bandhigaan hadba bulshada ay codka ka rabaan. Mabaadii’da ugu waaweyn ee ay ka siman yihiina waxay tahay ilaalinta danta dalkooda iyo dadkooda.

Xisbiyada dunida ka jira laguma galo reero, lagumana galo lacag, ee waxa lagu xushaa aragti iyo kala duwa-naansho mabda, cidina iskuma qoonsato ee qof walba waxa lagu ixtiraama doonista xisbiguu cugtay, waxaana lagu buriyaa aragtiyo iyo doodo hadba fikirka ama ti-raabta uu xisbigaasi qabo.

Dhaqanka xisbiyada dunida, waxa ka ceebaal ah ama aan meelna ka soo gelin in qof xisbi ka tirsan shaqsi ahaan loo caayo amaba lagu tilmaamo inuu ahaa mid xisbiga ugu jirey, si uu u wiiqo dhamaan.

Xisbiyada waaweyn ee dunidu aad bay uga taxadiraan ka xisbi ahaan inay is dhaleeceeyan ama qof ka tagay eedo u soo jeediyaan, maxaa yeelay, waxa ay dhawran-ayaan sharafta weyn ee xisbigii uu ka tirsanaa ku dhex lahaa bulshada.

Haddaba, dal ahaan intii aynu qaadanay geedigan xisbiya-da badan iyo ku tartanka doorashooyinka xalaasha ah, waxaynu jideynay oo aynu u samaysanay xisbiyada inay-nu aragti ahaan iyo fikir ahaanba ku kala xulano, wax-ayse inaga noqotay dhabo khaldan iyo ummad weliba ceelkeed oo sidii reeraha iyo jufooyinka ayaynu u kala raacnay isuna siinay xisbiyadii.

Taasi waxay meeshii ka saartey in la qiimeeyo kala du-wanaanshihii aragtiyaha aadamahan kala xushay xisbi-yadaa iyo weliba ku xaq dhawrka fikirka qofkii kaa soo horjeeday iyada oo dadka aan fahansanayn xisbinimadu ay qofka aragti cabira ula holadaan inuu reero durey ama hogaanka xisbiga wax ka sheegay.

Dhaqankaasi foosha xun leh, waxa uu sii xoogeystay inihii dambe dal ahaan ilaa imikana iima muuqato wacyi ama nidaam lagu bedelaa aan ka ahayn umada oo aqoon iyo garasho ahaanba xisbiyadu dhisaan maamul daadajin badana dhexdooda ka sameeyaan.

Xisbi waad dhaliili kartaa nidaam ahaan, waxase cee-baal ah inaad shaqsiyaad ka mid ah qofnimadiisa durto, adoon dhaliilin shaqaduu kuu hayo, waana dhaqan inna-gu badan dad ahaan diin ahaana aan inoo fiicnayn.

Hadaba gebegadii qoraalkaygan, waxaan jeclahay inaan xasuusiyo tageerayaasha iyo hoggaanada asxaabta dalku inay fahmaan ujeedada xisbi loo asaaso.Sababta loo tageera inay ka weyn tahay, waa ila reer iyo waa ila cid ee ay u gartaan xisbiyadani inay fulinayaan afkaaro ay rabaan inay dal iyo dad kala fikrado ah isugu keenaan kuna hogaamiyaan.

Mid kale, waxaan leeyahay qurbojoogta siyaasada ka falanqeeya facebook iyo baraha kale ee tageeradooda ku saleeyey hab beelaysigu inay wakhtigooda u tudhaan, oo ugu yaraan isku dayaan inay bal qaybo ka noqdaan xisbiyada ka jira wadamada ay ku nool yihiin, si ay in uun aqoon iyo waayo aragnimo uga korodhsadaan, dad-koodana uga faa’ideeyaan.

Related posts

4 Somali women entrepreneurs who dare to invest

warsan

Haweenkii Burburka

nur

Israel gets first Ethiopia-born minister

warsan