The Warsan
AnalysisEconomicsEditorialPopular

DURBA WAA FARIISTAY, INNAGA MAXAA NOO DIIDAY

 

Heilemarian Desalegn

 

Wasiirkii kowaad ee Itoobiya Hailemariam Desalegn, ee xilka isaga egay sannadkan horraantiisii, ayaa loo doortay inuu xubin ka noqdo gudida sare ee hey’adda fadhigeedu yahay Johaanisbeeg ee lagu magacaabo Brenthurst Foundation.

Hailemariam, waxa uu talo dhinaca dhaqaalaha ah siin doonaa maamulayaasha hey’adda u qaabilsan dhaqaalaha Geeska Africa sida isu bixin karo iyo arrimo ku saabsan siyaasaadda gobolka. War hey’addu soo saartay, ayaa lagu sheegay inuu Hailemariam ka qeyb geli doono shirarka hey’adda, isagoo warbixin siin doona gudida maamulka sare ee hey’adda, arrimaha ay ka mid yihiin dhinaca ay siyaasadaha geeska u socdaan iyo isbeddellada kolba ku dhacaya dhaqaalaheeda Gudida sare ee maamulka hey’adda, waxa guddoomiya madaxweynihii hore ee Nyjeeriya- Obisaanjo, xubnahana waxa ka mida madaxweynihii hore ee Libeeriya, haweeneyda Saarleef. Hey’adda, waxa la asaassay sannadku markuu ahaa, 2004tii, waxana asaassay qoyska reer Koofur Afrikaanka ah, ee lagu magacaabo Oppenheimer family.

Qoysku, waxay leeyihiin, sharikaadka sida weyn looga yaqaan K/ Afrika ee (The Anglo American Corporation and De Beers) ee gacanta ku haya dahabka iyo dheemanka laga qodo K/Afrika. Hey’addu, waxay gacan siisaa afkaaraha horseedi kara inuu kobco dhaqaalaha Afrika, iyadoo qabata shirar lagu soo bandhigo afkaartas, si kuwa wax ku oolka ah loogu beddelo wax qabad iyo hirgelin.

Heilemarian, ayaa ka mahadceliyey xilka looga magacaabay hey’adda, ballanna ku qaaday inuu inta uu karo ku dadaali doono inuu wax ku soo kordhiyo, daacadna u ahaado howsha. Sida caadada ah, madaxda dunidu marka ay xil-qarameedka ka degaan kuma noqdaan, raja dambana kama

gasho xafiiskii uu soo maamulay, bal halkeedii waxay qeyb ka qaataan, sida loo xallilaayo dhibaatooyinka dhaqaale, dagaal iyo aafooyinka dabeecaddu keento. cunnada. Qaarkood, waxay madax ka noqdaan hey’adaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga, caafimaadka iyo Qaar kale, ayaa waxay hantidooda qeyb ka mid u qoondeeyaan sidii loo cawini lahaa dadka ku tabaalooba caalamka, maamulaanna.

Somaaliya, caada, waxa ah inaad aragto Ra’iisal wasaara hore ama madaxweyne hore, oo xusul-duubaya oo le, ‘Maya aanaa u fiican dalka, waa leygu qaldamay ee mar kale ha ley doorto”.

Su’aashu waxay tahay, maxaa loo heli waayey mid qudha oo yiraa; “ igu filan, waxan u jeesanayaa samafal iyo talo siin” Jawaabta dadweynha iska le.

 

Warsan

Related posts

Crisis Alert : Unnatural Disaster in East Africa

warsan

Iran abandons its own people to “export the revolution”

warsan

US Cranking War Back Up in Somalia

warsan